top of page

Ku Saabsan Mashruuca Baraarug
Degalkan Baraarug waa mashruuc isku taxallujinaya wax ku darsiga aqoonta iyo fikirka af soomaaliga ku qoran; ha ahaado fikir siyaasadeed, mid diineed amaba mid bulsheed e. isagoo si cilmi ah u eegi doona una soo bandhigi doona aragtiyo kala duwan oo gundhiggoodu yahay; abuuridda wada hadal soomliyeed oo aqoon ku dhisan.
Inta badan qoraallada ilaa hadda jiraa waxay xoogga saaraan halabuurka noocyadiisa sheekada gaaban iyo gabaygu ay ka midka yihiin. Wuxu degalkani ku dedaalayaa in u taa gudbo oo u qoraallo iyo turjumooyin ka sameeyo arrimaha Soomaalida khuseeya.
Mashruucan Baraarug kuma koobna degal wax qoris oo kaliya, ee wuxu barabar wadaa in bugaag aqoon kala duwan xanbaarsan ku soo xidho dhulka soomlida, taas oo afaf kale duwan ku qoran. isla markaana wuxu hiigsanayaa BARAARUG in uu mustaqbalka noqdo xarun buug faafin iyo turjimid oo isku xidha aqoonta soomlida iyo ta dunida kale
Featured Review
bottom of page















