Xadka riddada: Been fakatay runi ma gaadho!
- Aug 14, 2016
- 8 min read

Muddo ku siman Tobaneeyo sanno horteed, magaalada Hargeysa waxa lagu baraarugay dood aad u kulul oo ku saabsan Labada eedaan ee salaadda Jimcaha la sameeyo. Salafiyiinta oo berigaas dhiig cusub Sucuudiga iyo Yemen kala soo noqday oo aad u dhiirran ayaa dooddaas bilaabay. La ye “Labada eedaan ee qudbadda Jimcaha ka hor la sameeyo midkood waa bidco, Nebiguna muu ogeyn oo diinta shuqul kuma laha, sidaa daraadeed bidcadaas waa in meesha laga saaro”.
labadaas eedaan mid ka mid ahi wuxu hir galay xilli ka mid ah xilliyadii khulafada hanuunsan, waanu ka danbeeyey ogaalkii Nebiga, Waxana lagu sheegay in lagu xallinayey mushkilad bulsho oo xilligaa jirtay. Waxay ahayd dadka Muslinka ah oo aad u tiro batay awgeed si loogu baraarujiyo soo xaadirista salaadda jimce waxay u baahatay laba eedaan oo kala danbeeya.
Doodda kooxda salafiyiintuna waxay ahayd mar haddii maanta la haysto qalabka cod baahiyaha ah oo dhawaqa meel fog ku tuuri kara, looma baahna in eedaankaas labaad (ee bidcada ah, sida ay u dhigeen) lagu sii dhaqmo. Bidcadana waxay ku sharxeen waa wax kasta oo diinta lagu soo daro oo aanu Nebigu la iman. Abaalkeeduna waa naar iyo diin ka bax, sida ay xujada ka dhigteen.
Aynu maanka ku hayno in sababta eedaanka labaad ay ahayd xallinta mushkilad ijtimaaci ah oo markaa taagnayd oo uu mid ka mid ah hoggaankii mujtamacii Muslinka ee xilligaasi soo jeediyey, Haddana aynu xusno in qaabka qudha ee eedaanka labaad meesha looga saari karaa ay tahay caqliyeyn ee aanay ku qurxoonayn gaalaysiin iyo bidco ku sheegis!! (Waayo Bidcadu baryahan waxay u eegaatay xariijin cid ku jirta iyo cid ka maqan toona aan la garanahayn, ka sheegaya iyo ka diidaya midnaba!!).
Waa dhawaan. dhawr iyo toban sanno ka dib waxan akhriyey buug cusub oo ina weydiiyey “Xadka Riddada maxaa ka run ah?”. Deeto judhiiba buuggaasi markii uu soo if baxay wuxu noqday buug doodo dhaliyey oo maskaxda Soomaalida cariyey. (Sababtu malahayg waa markii koowaad ee mawduuc diineed Af Soomaali lagu qoro). Haddaba, arrinta qosolka leh baa ahayd in dad aan akhriyin muxaadarooyin ka galeen oo ay buugga si aad ah uga gubteen, aniguna saamaynta dadkaas kamaan badbaadin ee waxan judhiiba ku biiray dad yidhi “Waar buuggu haddii uu sidaa la sheegayo yahay fidnadiisa ummadda ha laga qabto”. Haddana markii aan dib iskugu noqday waan xishooday oo waxan isku qanciyey in qof aqoon sheeganaya, aanay ahayn in uu qarnigan kaw iyo labaatanaad wax aanu akhriyin iska beenaysto ama iska rumaysto, ee ay tahay in uu xaqiiqda ka gun gaadho. Muddo ka dib buuggii baan iibsaday oo akhriyey, deetana dhammeeyey kadibna waxan baadhitaan u galay sidii aan u akhriyi lahaa doodihii kale ee ka soo hor jeeday. Markii aan baadhitaankayga dhammeeyey ka dib ayaan niyadda ka idhi fiicnaan lahaydaa in sidoo kale ay sameeyaan dhallinyarta badan ee mawduuca ka hadlay iyaga oo aan baadhitaan shakhsi ah samayn.
Su’aasha aad markan jawaabteeda iga filaysaa waxay tahay: mawduucu ma sidii sheekh Ummal uga hadlaybaa mise waa si ka duwan?.
Riddadu waa kelmed carabi ah (Riddah), macnaheeduna waa noqoshada, waxana si gaar ah loogu isticmaalaaa ka noqoshada diinta Islaamka. Haddii aan mawduuca dhex galay waxa ugu weyn ee dhextaal u ahi waa dagaalladii khaliifkii koowaad ee Muslimiinta ee Abuu bakar uu qaaday. Waa dagaalladii loo bixiyey “Xuruub-a-riddah”. Dadka uu abuubakar la dagaallamayey xilligaas ma dad diinta diiday bay ahaayeen? mise dad dano kala duwan maamulkii Abuu bakar uga hor yimid bay ahaayeen? Iyana waa su’aalo mawduuca la xidhiidha.
Waxa kale oo aanu kulannay xadiiska odhanaya “Dila qofka diintiisa beddela”. Intii aan akhrinta mawduuca ku jiray ayey iga soo hor baxday weydiinta ah “Haddii aanu xadiiskaasi ka danbayn xilligii Abu bakar maxay ku dhacday in Cumar Binu khaddaab uu ka soo horjeesto dagaalladii Abu bakar ee riddada, waayo Cumar kama soo hor jeesteen xadiis sugan. Teeda kale muxuu xadiiska u daliishan waayey Abu bakar si uu Cumar u qanciyo. Sida taariikhdu soo gudbisay Cumar dagaalkaas ma taageerin, sidoo kale Abuu bakar ma daliishan xadiiskaas. Hadalka sida cad ay taariikhdu u soo werisay waa in dadkii lala dagaallamayey ay diideen in ay sekeda u dhiibaan dawladdii Abu bakar, (Sekeda oo waagaas ku jirtay halka ay maanta cashuurtu dawladaha ugu jirto), dadkaas diiday oo ay ku jireen dadyaw dano kala duwan leh oo xitaa saxaabo waaweyni ka mid ahayd. Jawaabta Abuu bakar iyo falcelintiisa diidmada Cumar ee ay taariikhdu soo werisayma waa hadalka caanka ah ee ah “Waan la dagaallamayaa qofka Salaadda iyo sekeda kala saara. Wallaahay Haddii ay ii diidaan dabar (Xadhiga awrka lagu xidho) oo ay Nebiga (CSW) siin jireen waan la dagaallamayaa”.
Halkan waxa qudheedu weydiin kale noqonaysa qofka ma lagu dili karaa seko uu bixin waayey. Waxaynu xasuusannahay in Nebigu aad uga cadhooday Khaalid Binu waliid oo dilay nin ashahaatay oo ay weliba dagaal iskaga hor yimaaddeen. ashahaadda oo ah rukunka koowaad ee Islaamnimada. Sidee markaa qof ashahaadanaya loogu eedeyn karaa in uu diinta ka baxay ama loogu dili karaa in uu seko bixin waayey?!
Qodob kale wuxu yahay haddiiba loo aqoonsado dadkaasi in ay ahaayeen dad gebi ahaanba ujeeddo qudha lahaa, ujeeddadaasina ay ahayd in ay diinta ka noqdaan, ma lagu dili karaa diin ka noqoshada lafteeda, oo ah “Ciqaab adduunyo ma leeyihiin dadka diinta ka noqday?”
Dood baa odhanaysa dagaalkaasi wuxu ahaa dagaal siyaasi ah oo aan ka duwanayn dagaalka uu Maanta waddan dunida ka mid ahi ku qaadi lahaa gobol dalkiisa ka mid ah oo isku raacay in ay cashuurta bixin waayaan ama ka baxaan heshiis ka mid ah heshiisyada muhiimka ah ee ay dhexooda dhigtaan.
Wax ay ahaydba ma laga yaabaa in uu dagaalkaasi la mid ahaa eedaankii labaad ee aan qormadan ku bilaabay, laakiin keliya farqiga u dhaxeeyaa uu yahay in eedaanka lagu xallinayey mushkilad cibaado, halka aad mooddo in dagaalkaas Abu bakar lagu xallinayey mushkilad siyaasi ah oo xilligaa xukunkiisii hor taagnayd. Waa si la mid ah sida ay dawladuhuba maanta dagaalka ugu xalliyaan mushkiladaha siyaasadeed ee looga maarmi waayey danaha umudahooda. Fikirkayga waxan qabaa in dagaalkaasi ahaa dagaal siyaasadeed oo ku yimid aragti hoggaamiye aan se ku iman aragti diineed oo waxyi laga soo dheegtay.
Waxa jira muslimiin badan oo ku qanacsan in dagaalkaasi sax ahaa. Waxa ka mid ah Sheekh Yuusuf Al Qardaawi oo ku doodaya in haddii aanu sidaa yeeli lahayn aanay diintu sidan ahaateen. Sida uu dooddiisa ku sheegayo, waxay ka fursan wayday in dagaal la qaado, Wuxuna ku xoojinayaa dooddiisa hadal u dhigan “Haddii aan dagaalkaas la qaadi lahayn diintu ma ahaateen sida ay maanta tahay”. Sidaas buu sheekhu qabaa. Waxa se malaha ka qumanayd in uu ku koobo in dagaalkaasi ahaa mid dawladnimadii muslimiinta ee xilligaas muhiim u ah.
Haddii xitaa aynu nidhaahno dagaalkaasi wuxu xal ahaa dawladnimadii Muslimiinta ee xilligaas macnaheedu ma aha in wax kasta oo xal ah daliil sugan laga keenay. Mana odhanayo wax kasta oo Nebigii ka danbeeyey waa bidco sida salafiyiinta. Waxa se habboon in halka bidco iyo xaaraan lagaga mashquulay dib loogu noqdo meel halkaas ka sarraysa oo ah Xaq iyo baaddil, si duruuf kasta iyo xalkeeda diirad weyn loogu eego, waayo caadi ahaan wax badan oo maanta qof xaaraan ka ah ayaa mid kale xalaal u ah, sidaana waxa ku soo baxay mujtamac dawakhsan oo kala garan la’ maxaa xaq ah maxaase baaddil ah?
Qarniyo badan ka dib, markii maskaxda iyo wax is weydiinta dunida Muslinku qufulantay, waxa soo baxay dad ficil kasta u qaybiyey wax diintu oggoshahay iyo wax kale oo aanay ogolayn oo bidco ah ama shuqul gaalo ah, waxana maanta kaymaha deegaannada soomaaliyeed ka buuxa wadaaddo hubaysan oo Murtadnimo ku eedeeyey dawladaha ka dhisan dhulalka Soomaalida. Dawlado siyaabo kala duwan oo aan riddo ahayn loo eedayn karo.
Haddaba aan dib ugu noqdo nusuusta diineed (waxyiga) ee uu xadiiskii aynu kor ku soo sheegnay ka hor imanayo. Nusuustaas waxa ka mid ah aayado badan oo fasaxaya in qofku xor u yahay diinta uu qaadan karo. Nusuustaasi ma sheegayaan xad ama ciqaab adduunyo oo uu leeyahay qofka diinta ka noqdaa, waxay se sheegayaan in xisaabtiisu aakhiro taallo iyo Alle agtiisa. Waayo badanka diintu waa wax u dhaxeeya Alle iyo addoonkiisa. Haddaba qofku haddii uu diinta Islaamka ka baxo laakiin uu dadkii kale ku cidhiidhyo caqiidadooda ama uu u dhaqmo qaab ku lid ah ama ka dhan ah xorriyadda diineed ee dadka, isagu wuxu geleyaa khaanadda “Mufsid” oo ka duwan “Murtad” oo waa qof xumaan caqiido u badheedhay ayna tahay in wax laga qabto, aayado badan oo mufsidiinta ka hadlaysaana waa jiraan. Qofka noocaas ahna waxa ay tahay in ay wax ka qabtaan xeerarka caalamka iyo dawladuhu. Islaamkuna dhanka kale xitaa wuu reebay in qofku wax ka sheego oo ceebeeyo caqiidada ummadaha kale, si aan iyaga tooda wax looga sheegin. In la hor istaago ama la xannibo gelitaanka diimo kalena waaba arrin ka sii weyn, waayo waxa imanaysa in dhanka kale la hor istaago gelitaanka diinta Islaamka.
Culimada qaar baa yidhaa way kala duwan yihiin in qofku diintaada soo galo iyo in uu soo galo oo haddana ka baxo oo uu murtad noqdo. Waxay leeyihiin qofka xorriyadda haystaa waa qofka aan diinta soo gelin ee marka horeba dibadda ka ah, laakiin qofka soo gala ee haddana ka baxa isaga xukunkiis waa dil ayey leeyihiin. laakiin culimadaas laftooda aayaddan hoose ayaa si cad hadalkooda u beeninaysa, waayo aayaddani waxay si cad u xustay midka diinta ka baxa “مَن يَرْتَدَّ مِنكُمْ , qofkaas oo Ilaahay muslinka u sheegayo in aanay waxba u noqon ka bixista uu qofkaasi diinta ka baxay, ilsa markaana uu qaar ka khayr badan u keeni doono. Aayadduna xukun sidaas muhiim u ah oo dil gaadhsan kama ay gaabsateen.
قال تعالى {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ مَن يَرْتَدَّ مِنكُمْ عَن دِينِهِ فَسَوْفَ يَأْتِي اللّهُ بِقَوْمٍ يُحِبُّهُمْ وَيُحِبُّونَهُ أَذِلَّةٍ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ أَعِزَّةٍ عَلَى الْكَافِرِينَ يُجَاهِدُونَ فِي سَبِيلِ اللّهِ وَلاَ يَخَافُونَ لَوْمَةَ لآئِمٍ ذَلِكَ فَضْلُ اللّهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَاءُ وَاللّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ} (المائدة 54)
Aayadaha badan ee ku soo arooray mawduuca xorriyadda diineed iyaguna waa kuwan, aayadahaas oo qaarkood sheegayaan in xisaabtanka qofka diintiisa lagula xisaabtamayaa ay dhacayso oo qudha xilliga qiyaamaha. Alle, korreeye, wuxu leeyahay:
{إِنَّ الَّذِينَ آمَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ ثُمَّ آمَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ ثُمَّ ازْدَادُواْ كُفْراً لَّمْ يَكُنِ اللّهُ لِيَغْفِرَ لَهُمْ وَلاَ لِيَهْدِيَهُمْ سَبِيلاً} (النساء 137)
{وَقُلِ الْحَقُّ مِن رَّبِّكُمْ فَمَن شَاء فَلْيُؤْمِن وَمَن شَاء فَلْيَكْفُرْ} (الكهف 29)
{إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَالَّذِينَ هَادُوا وَالصَّابِئِينَ وَالنَّصَارَى وَالْمَجُوسَ وَالَّذِينَ أَشْرَكُوا إِنَّ اللَّهَ يَفْصِلُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِنَّ اللَّهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ} (الحج 17)
{وَلَوْ شَاء رَبُّكَ لآمَنَ مَن فِي الأَرْضِ كُلُّهُمْ جَمِيعاً أَفَأَنتَ تُكْرِهُ النَّاسَ حَتَّى يَكُونُواْ مُؤْمِنِينَ} (يونس 99)
Gebogabadii, aan ku so oaf meero sheeko taariikh dhawayd la weriyey. waxa la sheegay in nin ka mid ah dadka fidrada (toosnaanta) ku dhashay oo dunida kale u dhashay uu yimid mid ka mid ah dalalka Muslinka. Niman gadh waawayn oo khamiisyo waawayn buu u yimid. Wuxu yidhi waxan doonayaa in aan Islaamo. Waxay yidhaahdeen marxabba. Markii uu waxoogaa la joogay ayey yidhaahdeen waa lagu gudayaa/xalaalaynayaa, oo balanjada ayaa lagaa jarayaa si ay islaamnimadaadu ansax u noqoto. Isna wuxu yidhi waar maxaa islaamka iyo buuryadayda kala galay. “Maya, islaamnimadaadu ansax iyo xalaal ma aha, haddii aan lagu gudin” ayaa loogu adkeeyey. Isna wuxu yidhi hadday sidaa tahay waan iskaga baxay diinta noocaas ah.
Waan iskaga baxay haddii uu yidhi, waxay ugu jawaabeen “Waad riddawday oo haddaad ka baxdo waa lagu gawracayaa”. Sidaas baa loogu quus gooyey. Waxa la yidhi waxa laga qoray in uu yidhi “Waar Islaamku ma diin marka la soo galayo dhiig la daadinayo, marka laga baxayana dhiig la daadinayo baa?!!” Isagoo ka wada, markii aan soo galayna buuryadayda ayaad tidhaahdeen dhiig baanu ka qubaynaa, marka aan idin idhi waan idinka tagayaana waxad tidhaahdeen waanu ku dilaynaa!!
Haddaba ficilka maanta dunida muslinka ka jira iyo madaahibta doonaysa in ay metesho jahli aad u weyn baa haysta. Jahli maskaxdoodii xidhay. Diintii naxariista ahayd waxa loo rogay diin dulmi lagu galo, oo cid soo gasha iska daaye kuwii ku jiray shaki badan ku abuurtay. Maanta waddamada wahaabiyadu gacanta ku hayso tirikoobyadu waxay sheegayaan in diin la’aantu aad ugu fidayso. Sababtu waa dhaqanka gurracan ee dadka diinta metelaya iyo jahligooda baahsan ee ay “Muqaddaska” ka dhigteen ee ay dunida u faafiyeen. Sidoo kale taasi waa natiijada cabudhinta iyo diidmada xorriyadda fikir iyo firfircoonida maskaxeed ee ay kala hor yimaaddeen qofkii rabay in uu si fiican diintiisa iyo afkaarta dunida ballaadhan wax uga ogaado.
Isku soo xoori oo aynu ka jawaabno weydiinta qoraagu uu ciwaanka buuggaas innagu weydiiyey oo ahayd “Xadka riddada maxaa ka run ah?”. Weydiintaas oo haddii aynu jawaabteeda ku dhiirrano noqonaysa “Xadka riddadu waa been fakatay runi ma gaadho”.
Ugu danbayntiina aan ku dhiirri geliyo da’yarta aqoonta leh ee akhriska jecel in ay buuggaas iyo buug kasta oo la mid ah akhriyaan, isla jeerkaasna baadhistooda madaxa bannaan ku sameeyaan doodaha hadba ka taagan guud ahaan dunida aynu ku nool nahay, gaar ahaanna dunida Soomaaligu ku dhaqan yahay.

















Comments