Dib u milicsiga fikirkii dib u hagaajinta “islaaxinta” dunida muslinka ah
- Apr 30, 2016
- 9 min read

Hordhac:
Erayga Fikir waa afCarabi asal ahaan. Macnihiisuna waa in arrin lagaga shaqaysiiyo maskaxada, qofkastana awood ayuu u leeyahay in uu fikiro (Garaadka ka shaqaysiiyo). Haddaba qof kaasta oo fikir la yimaaddaa mufakir ma yahay?. Maya, qofkasta oo fikir la yimaaddaa mufakir ma aha, mufakirnimada waxa lagu qiimeeyaa heerka iyo tayada firfircoonida maskexeed oo u qofku la yimaaddo, isagoo aqoonta iyo garashada togon adeegsanaya, qofkii wax soosaar aqoonaysan oo qoran gaadha ayaa mufakir loogu yeedhaa. Innaga badanaa waxa dhacda in la khalad fahmo macnaha fikir iyo mufakir, oo waxa lugu khaldaa “shaqada caadiga ah ee maskaxda”, ama tafkiirka/fekeraadda uu qofku arrin ka fakerayo isaga oo aan aqoon iyo manhajiyad toona adeegsanayn.
Fikirka Dunida Muslinka ah iyo ka reer Galbeedka
Mufakiriinta ku howlan dib u hagaajinta fikirka dunida muslinka ah ee illaa maanta waxa ay dib ugu laabtaan dadaalladii iyo soo bandhigyadii la sameeyay qarnigii 19aad. Fikirkaas ayaa dib loo darsaa, oo la rogrogaa, oo wax lugu daraa, waxna la ga tuuraa. Guud ahaanna nuxurka fikirkaasi wuxu fasiraad ka bixinayay sababaha keenay hurumarka uu gaadhay reer galbeedku. Waxa kale oo ay jawaab u raadinayeen su’aasha ah maxaa ay muslimiintu u dambeeyaan?. Boqol sanno ka hor ayuu qoray qaraa Afganistaani ah oo la ydihaa Shakiib Arsalaan kitaab uu ugu magac dhigay waydiinta ah “Limaadaa Takhallafal Muslimuun wa taqaddama Qayruhum”. Isla su’aashaa ayaa maanta wali taagan, oo jawaab loo la’yahay.
Waydiintaas ugama gol lihi in aan maqaalkan kaga jawaabo. Maqaalkan waxaan ku soo bandhigi doonaa falanqayn ku saabsan tajaaribtii iyo dadaalladii dib u hagaajinta dunida muslinka ah ee qarnigii 19aad la sameeyay, oo ay ila tahay in kastoo taariikh dheeri ka soo wareegtay, oo ay wax badani isgadgaddiyeen, hadana wali waxay ay bud-dhig u tahay fikirka casriyaynta ee dunida muslinka iyo u jawaab raadinta sababta ay mulsimiintu u dambeeyaan.
Dunida muslinka ahi waxay gashay mugdi iyo dib u gurasho dheer ka dib koboc firfircoon iyo fidsanaan ballaadhan oo ay qarniyo badan ku soo jirtay, wuxu qabaa mufakirka Maxamad Arakoon in uu qarnigii saddex iyo tobnaad uu ahaa billowga dib u garashada muslimiinta, oo ay keentay iyadoo u joogsaday ijtihaadkii iyo halabuurnamdii aqoonta iyo fikirka, iyo in la la degaallamay ra’yiyada kala duwan, oo la isku dayay in isku si loo wada fikiro, oo isku si wax loo wada arko. Se wali waxa sii jiray awooddii ciidan iyo tii siyaasadeed iyo tii dhaqaale ee muslimiinta, ilaa laga soo gaadhay dhammaadkii qarnigii 15aad, oo ku astaysan duullaankii muslimiintu ay ku furteen Qusdandiiniya, sannadii 1453 M.
Dib u gurashadaa siyaasadeed iyo ciidan waxay soo if baxday ka dib jabkii soo gadhay dawladaha muslinka ah, iyo muslimiinta oo uu u muuqday اurumarka firfircoon ee ay reer yurub ku talaabsadeen, hurumarkaas oo nuxurkiisu ahaa dhaqdhaqaayadii lugu daah furay dhulal cusub iyo aqoon cusub. waxa muslimiinta lugu jabiyey Andalus sannadii 1492 M, waxa xigay dhaqdhaqaaq juqraafi oo ay sameeyeen Isbaanishka iyo Boortoqiisku, oo keentay in ay qabsadaan dhulal badan oo caalamka ka mid ah, oo ayna maqalba muslimiintu, sida koonfur barida Eeshiya iyo Hindiya iyo xeebaha iyo marinnada badda cas, Sida baab al mandab, iyo ra’as rajaa saalix (Cape of Good Hope).
Muslimiinta dhan kale waxa ay guulo waawayn ka soo hooyeen Yurub. Qabsashadii Fiyeenna 1683 M, iyo Malda sannadii 1684 M. intaa wixii ka dambeeyay dowladdii Cusmaanityiintu waxa gudaha ka galay xar, oo loolan dhexdeeda ah ayey la gashay boqortooyooyinkii Safawiyiinta iyo Turkidii ka yimi Eeshiyada dhexe ee u hogaaminayay Taymuur-link.
Taariikhada cusub ee dunida muslinka ahi waxa ay soo bilaabmatay sannaddii 1798 markii ay bariga dhexe timi xamaladdii faransiiska ee uu Masar Naabliyoon ku qabsaday. Waxay ahayd markii u horreysay ee taariikhda muslimiinta ay ay dowlad ajnabi ahi qabsato dowlad badhtamaha dunida muslinka ah ku taalla. Halkaas ayey ka soo bilaabtay isbadalada dhaqan ee bariga dhexe, Waxa muslimiintu arkeen ummad kale oo ay isbarbardhigi karaan, isbarbardhiggii waxa muslimiinta uga muuqday in ay yihiin sabool, jahli ragaadiyay iyo weliba in ay awood la’aani hayso. Labadii qarni ee xigayna waxa ay muslimiintu isku raaceen in uu reer galbeedku ka horumarsanyahay, kana xoog badanyahay. Waxana la billaabay dadaallo la iskugu dadayo in lugu daydo, oo dariiqa u mareen la ga daba maro.
Afartii qarni ee ka horeeyay xamladdii Faransiiska u ku yimi bariga dhexe, waxa uu reer galbeedku gaadhay horumar dhanka culuunta iyo farsmada iyo siyaasadaba koobsaday. Daah fur juqraafiyadeed oo dhulal badan lugu ogaaday baa la sameeyay, culuun badan baa la ikhtiraacay, iyo dhaqdhaaq firfircoon oo dhanka turjumaada laga sameeyay, iyo qoraalka iyo dabaacadda, iyo fanka iyo sugaanta. Waxa kale oo Yurub ka dhacay kacdoonno siyaasadeed oo lugu beddelay qaab xukunka dawladaha. Sida kacdoonkii Ingriiska sannaddi 1688, iyo kacdoonkii Maraykanka ee sannaddii 1789. Intaa waxa dheeraa kacdoonnaddi farsamo ee dhanka ciidamada iyo hubka. Waxa soo baxay kala tagsanaan baaxad leh oo u dhexeeya ciidamada reer galbeedka iyo dhiggood. Sidoo kale waxa ay gaadheen horumar farsamo oo dhanka culuunta ah, sida soo saarista Dabaacadda, Saacadda, Muraayadda, Tiliskoobka, Aaladaha miyuusigga iwm.
Wuxuu leeyahay Bernard Lois “muslimiitntu waxay xaqiri jireen Hurumarka ay ku tallaabsadeen reer galbeedku. Markii ay ku soo amakaageen horumarsanaanta farsamoo ee reer galbeedka billowgii qarnigii 18aad, wuxa uu reer galbeedku hore ugu sii tallaabsaday horumar 400 oo sanno ah oo dhanka culuunta ah. Raadka reer galbeedku wuxu bariga dhexe ka soo galay dhanka farsamada. Taa waxa xigay in uu raadka reer galbeedku u soo tallaabo in uu saamayn ku yeesho nolosha muslimiinta dhaqan ahaan. Sida, Masaajidda, Labiska.Taasina waxay ka dhigantay in isku kalsoonidii muslimiintu ay gilgilantay”.
Wakhtigaas ayey billaabmatay in ay aragtidii reer galbeedku iska badasho necebshayo iyo xaqiraad oo ay isku baddesho la dhacsanaan iyo ku dayasho, waxay billaabeen madaxdii dunida muslinka ahayd in ay kaga daydyaan reer galbeedka cusboonaysiinta nidaamka dawladnimo, waxa la ga dalbaday reer galbeedka khubaro meleteri oo ka shaqeeya dib u nidaaminta ciidamada muslimiinta. Hababka muumul ee reer galbeedka ayaa la soo wada ergaystay, iyo hubkoodi. Waxa la diray bicsooyin waxbarasho oo culuunta faranjiga ah ee reer galbeedka soo dhigata, miyuusagga iyo fanka reer galbeedka ayaa la soo tobo caaraystay, labiska reer galbeedka ayaa la bartay, hab dhisidda guryaha iyo qasriyadi reer galbeedka ayaa lagaga dayday, xitaa masaajiddii baa loo beddelay sidii micmaarka reer galbeedku ahaa.
Sida uu sheegayo Bernard Lewis, waxa aad loo la dhacsanaa reer galbeedka oo waxa batay in la qaato qaab labiska reer galbeedka, iyo taswiirta, waxaas oo dhani waxay raad ku lahaayeen caqiidada iyo ahaanshaha dadka muslimiinta, sawirradii iyo timsaalladii saqaafada islaamka xaaraanta ku ahaa ayaa si xooggan u faafay, dirayskii ciidamada mid reer galbeed ah ayaa loo baddelay, xitaa mujtamacii oo idil ayaa qaab labiskii reer galbeedka qaatay. Qaab labiska oo la baddalaa waa dhaqankii bulshada oo wax buuran laga baddelay, taasi waata ina tusaysa muranka laba qarni oo dambe sii jiitamayay ee beddelka qaab labiska ka dhashay.
Sidoo kale waxa la billaabay wax la soo turjunto, suugaantii iyo masrixii reer galbeedka ayaa la soo turjuntay, tarjumaddi dhankaa iyo reer galbeed ayaa laga doonay, afafkii Faarisga iyo Turkigii iyo Carabiga intaba waa la kala xadeeyay, oo qolo waliba dhankeeda ayey isu ururisay, iyadoo midkastaba goonideed ugu jeedsatay in ay la fal gasho luuqadaha reer galbeedka. Waxa la soo qaatay noocyada suugaanta ee kala duwan ee reer galbeedka. Sida sheeko faneedda, sheekada gaaban, masaraxa, Waxay na meesha ka saareen qaababkii bulshooyinki muslimiinta ahi ay sugaantooda u cabbiri jireen. Raadaynta dhaqan waxa gaadhay xitaa madadaallada, waxa faafay ciyaaraha reer galbeedka, sida kubbada cagta, iyo kubada gacanta. Ikm.
Falcilintii Mufakiriinta muslimiinta:
Dhammaadkii qarnigii 18aad ayey dedaallo xooggan ka soo if-baxeen dhulkii dawlladdii Cusmaaniyadda iyo Masar oo ku baaqaya in la weeleeyo horumarka reer Yurub, maqaalkan waxan xoogga ku saari doonaa fikirkii ay la yimaaddeen culumadii islaaxiyiinta ahaa, sida: Rifacat ad-Dahdaawi, Jamaaladiin Afgaani, Maxamed Cabdo, Cabdiraxmaan al-Kawaakibi. Waana tusaalayaal ka mid ah mufakiriintii horumarka ku baaqayay, isla markaana naqdinayay dibudhaca ay ku jireen muslimiintu, iskuna dayay in ay fasiraad ka bixayaan humarka reer galbeedka iyo dibudhaca muslimiinta. Dabacan islaaxniyiintii qarnigaa 19aad way badnayaaen, se kuwani waxan isleeyay waa kuwii ugu tunka waynaa.
Rifacat at-Dahdaawi:
Wuxu dhashay Rifacat al-Dahdaawi sannadii 1801, wuxuna geeryooday sannadiii 1873, wuxu wax barashada ka billaabay As-har, dabadeed waxa uu ka mid noqday bicsadii uu Maxamed Cali Faransiiska waxbarashada ugu diray sannaddi 1826, shan sanno ayuu joogay faransiiska. Wuxuuna ku allifay kitaabkiisa caanka ah “Talkhiisu al-Ibriis fii Talkhiis Baariis” wuxuuna kaga warramay waayoaragnimadii u ku helay Faransiiska.
Marka uu Faransiiska ka soo laabtay waxa uu ka shaqeeyay wax turjumidda oo u af Faransiiska ka soo turjumi jiray, waxa uu ka shaqeeyay horumarinta manahajka waxbarashada ee Masar. Waxa uu sameeyay machad turjumadda ka shaqeeya sannadkii 1835. Markii danbe waxay isku beddeshey mu’asasad waxbarasho oo ku takhasusutay turjumaadda Culuunta iyo falasafadda dhaqaalaha, xisaabaadka, maamulka, iyo culuunta siyaasadda.
Suudaan baa loo tarxiilay sannaddi 1850. Halkaas ayuuna ku soo turjumay masaraxiyaddi uu ku caanka baxay ee “The adventures of Telemachus” Ee u curiyay Francois Fenelon. Masar ayuu dib uugu laabtay sannaddii 1854. Halkaas ayuuna kasii waday turjumaddi aqoonta iyo saqaafadda, wuxuna soo saaray buugaag badan oo ay ka mid yihiin:
”مباهج الألباب المصرية في مناهج الآداب
العصرية"، "المرشد الأمين للبنات والبنين"،
"القول السديد في الاجتهاد والتجديد"،
"تعريب القانون المدني الفرنساوي"
Sidoo kale wuxa uu dib u habeyan iyo dib u soosaarid ay xukuumadda masar maal galisay ku sameeeyay: Tafsiir al-Raasi. Iyo Muqaddamatu ibn khulduun, iyo Maqaamt al-Xariiri. Wuxuuna asaasay wargayskii “Waqaa’ic” iyo majalladii “Rawdu al-Madaaris”. Khulaasada mashruuciisi fikir-aqooned waxa ka soo baxay kun buug oo iskugu jira qaar u curiyay iyo qaar u turjumay muddo afartan sanno gudahood ah.
Jamaaluddiin Afgaani
Jaamaaluldiin Afgaani wuxu dhashay sannaddi 1838 wuxuna geeriyooday sannaddi 1897, magaalada Kaabuul ee dalka Afganistaan ayuu wax ku bartay, luuqadda Carabiga iyo Faarisga iyo Diinta iyo Mandiqa iyo Falsafadda iyo Xisaabta ayuu yaraan ku bartay, dabadeed waxa uu u safray waddanka Hindiya, oo ka galay waxbarashada habka reer yurub, wuxu safar dheer ku soo maray meelo badan oo dunida muslinka ka mid ah, dabadeed Afgaanistaan ayuu ku soo laabtay oo u wasiir ka noqday, dabadeed Hindiya ayuu u safaray kadib markii wasiirnamdii laga casilay. Sannaddi 1870 ayuu dhanka Masar u sii dhaafay Hindiya. Masar ayuu ku nagaaday muddo. Waxuuna ka sameeyay machad uu arday ku xareeyay. Waxuu ka shaqeeyay horamarinta tacliinta Masar. Aradaydiisi waxa u caansan Maxamed Cabdo.
Waxa loo tarxiilay Hindiya sannadii 1879, waxa ay xukuumaddu ku eedaysay in uu urur qarsoodi ah oo diinta iyo aduunayadaba fasahaadinaya uu maamulo.
Ka dib markii ay fashilmay kacdoonkii uu abaabulay Axmed Curaabi. Ingriisku wuxu u ogaaladay Afgaani in uu ka baxo Hindiya, wuxuuna u safray London, oo u Baariis uga sii baxay, halkaas ayuu kaga daba tagay Maxamed Cabdo oo isna baxsad Baarays ku joogay. Baariis ayey labadooduba ka soo saareen majalladdii “al-Curwat al-Wusqaa”. Taas oo loo aasaasay in lagu la dagaallamo gumaystihii, luguna taageero dhaqdhaqaaqyadii xornimo doon ee Masar iyo Suudaan. Majaladdii waa la joojiyay, Afgaanina Iraan ayuu u socdaalay, oo uu ka helay baaq yeedhmo boqor Shaah uga timid sannaddi 1889. Muddo ka dib waxa loo tarxiilay gobolka Basara, haddana waxa looga sii tarxiilay London, halkaas ayuu ka soo saaray majallad la yidhaa “diyaa al khaa’ifiin”. Oo u ku mucaaradayay nidaamkii shaah ee iraan ka dhisnaa.
Afgaani sannaddi 1892 Waxa u yeedhay Suldaan Cabdixamiid oo ahaa boqorkii khilaafadda Cusmaaniyadda, si uga caawiyo mashruuc horumarineed oo jaamacadaha muslimiinta lagu sameynayay. Aad baa loo soo dhaweeyay, Laakiin suldaankii muddo ka dib ayuu ku laba kacleeyay, wuxuuna ku soo rogay in aanu magaalada ka bixin. Xanuunka Kansalka ayaa ku dhacay Afgaani. Sanaddi 1897 ayuu geeriyooday, Turkiga ayaana lugu aasay. Sannaddi 1944 kii ayaa lafihiisii laga raray turkiga oo la geeyey Kaabuul, maanta qabrigiisu wuxu ku dhex yaal jaamacadda kaabuul.
Maxamed Cabdo
Wuxa uu dhasahay sannaddi 1849 waxa uu wax ku bartay As-har, waxa uu bare ka ahaa daaral culuum. Wuxu dhigi jiray kutubta Muqadma ibnu Khulduun. Wuxa uu araday u ahaa Jamaaldiin Afgaani, oo u aad uga ag dhawaa. Wuxu ka sheqeeyay horumarinta waxbarsahda diiniga ah. Wuxu raad ku yeeshay fikirka Rashiid Rida Iyo Cabdiraxmaan al-Kawaakibi.
Wuxu ka sheqeeyay Maxamed Cabdo Cusboonaysiinta fiqiga islaamka Iyo hurmarinta tacliinta As-har.
Cabduraxmaan al-Kawaakibi
Wuxa uu dhasahay al-Kawaakibi sannaddi 1855, waxa u bartay looyarnimada (abuukaate). Wuxu soo saaray sannaddii 1877-kii wargays la odhan jiray “shahbaa”, haddana wuxu soo saaray wargayskii “al ictidaal”. Waxa se ka joojisay Dawladdii Cusmaaniyada. Wuxa u noqday sannaddi 1892 maayarka gobolka Xalab.
Masar ayuu u safray markii cidhiidhi badan la galiyay, wuxu ka shqeeyay wax ka qoridda arimaha keenay in ay dibudheceen muslimiintu. Waxa ka mid ahaa buuggiisa caanka ah ee “dabaa’ic al istibdaad”. Wuxu ku dhintay Qaahira sannaddi 1902. Waxana la yidhaa waa la sumeeyay.
Isku soo xoorinta fikirka Kawaakibi waa dhanka la dagaallanka keli-taliska. Kitaabkiisa “dabaa’ic al-Istibdaad” wuxu ku leeyahay: “Waxa ii soo baxay, in asalka xanuunka dib u dhaca carabtu yahay kalitaliska siyaasadeed, dawadiisuna tahay wadatashi dastuuri ah”. Dabcan hadalkaa waxa uu lahaa in ka badan boqol sanno ka hor, Walina dhibkii kaltaliska siyaasaeed ummadda muslinka ah wuu haystaa.
Buuggiisa “ummal quraa” wax uu ku eegaya Kawaakibi sababaha keenay dibucdhaca muslimiinta, Iyo sida ay u horumari kaaran. Wuxu kaga sheekeeyay shirwayne uu malo-awaalayo in makka lugu qabto oo ay iskugu yimaaddan dad kala matalaya ummadda muslimiinta oo dhan, Ka dib la ga wada tashado timaadadda iyo aayaha dambe ee muslimiinta.
Maanta in ka badan boqol sanno kadib, dedaallada dib u hagaajinta fikirka muslimiinta, haddii aynu is waydiinno fikirkaa maxaa ka hirgalaya? Bernard Lewis wuxu ku jwaabayaa sida tan: “ducaaddii islaxiyiintii casariyaynanta ee muslimiintu waxa ay xoogga saareen saddex majaal oo waawayn oo kale ah: dhinac ciidamada, dhanka dhaqaalaha, iyo dhanka siyaasadda. Laakiin natjiijadii ka soo baxday waa lagu guul darraystay. Ciidamadii la sheegay in la casriyeeyay guul darrooyin fool xunbaa soo gaadhay. Dhaqaalhii la sheegay in la casriyeeyay waxa hanfiyay fasaad iyo dhac, faqrigiina wuu sii siyaaday, dhaqalahina wux uu gacanta u galay deeq bixiyaal ajaanib ah”.
Ciidamadii la dhisay iyo iskuulladii iyo jaamacadhihii wixii oo dhan caalamka muslinka waxba horumarkiisa kamay tarin. Kala tagsanaanta heerka nololeed ee u dhaxeeya reer galbeedka iyo dunida muslinka ahina way sii ballaadhatay. Muslimiintana waxa u sii siyaadday liidasho, sabool, xanuunno, colaado. Qarnigii xigay islaaxinta waxa sii kordhay uun dullaynta iyo guul darrooyinka dunida muslinka ah asiibay. Dawlado kaloo ka saboolsanaa ayaa dhaafay muslimiinta oo ka horumaray, sida Jabaan iyo dawoladaha bariga Eeshiya. Taasi waxay ina tusaysaa in dadaalladii dib u hagaaajinta lagu guul darraystay.
Halkuu khalalku ka jiraa?
Warcelinta waydiintan waa lugu kala tagsanyahay. Mar wax la yidhii waa Mangoolkii iyo Turkigii ayaa ka dambeeyay dibudahaca ummadda muslimiinta. Marna waxa la yidhaa waa gumaysigii reer yurub, marna Yuhuuddaa shirqoolaysa muslimiinta ayaa la yidhaa, markale waxa lugu jawaabay waa masalo dhaqankeena la xidhiidha oo dhaqankeenna ayaa taageeraya oo abuuraya dibudhaca. Laakiin ra’yiga ugu macquulsan waa ka naqdiga ku abuuraya laf ahaanta muslimiinta iyo qofnimadooda iyo ahaanshahooda. Su’aashuna waxa ay isu beddeshay halkuu khaladku ka jiraa, sidee baana loo sixi karaa?
Dhibta muslimiinta waxa ay ka jirtaa xorriyad la’aanta: xorriyadda fikirka, xorriyadda halabuurka, xorriyada doorashada, iyo xorriyada dhaqaalaha. Haddii bulshooyinka muslinka ahi ay fasaxaan halabuurnimadooda farsamo iyo maskaxeed, oo ay isu geeyaan awoodahooda iyo dhaqaalahooga waxa ay gaadhi karaan badhaadhe iyo liibaan wayn, taasina waxa ay ku xidhantay in ay muslimiintu ka xoroobaan siyaasiga xun ee bilaa yoolka ah. Furaha guusha muslimiintu waa in ay gacanta ku dhigaan ka talinta timaaddadooda.

















Comments