top of page

Maanka furani waa muftaaxa nolosha wanaagsan

  • Apr 30, 2016
  • 4 min read

Bilowgii hore ee aduunyada ayuu aadamahu gartay in ay muhiim tahay inuu u noolaado si kooxo kooxo ah si ay ugu suurto gasho inuu ula qabsado duruufaha nolasha ee adag. koox kastaaba waxa ay yeelatay ama samaysatay qaab nololeed gaar ah oo ay kaga duwantahay kooxaha kale , waxa samaysmay af ama luqad ay koox kastaaba isku af garato.

waxa so baxay inay koox kastaaba ay yeelato dhaqan iyo caadooyin u gaar ah, oo ay ku kala duwanyahiin dhamaan bulshooyinku .

Waxa hubaal ah in aanay jirin waqtigaas iminkana aanay jirin bulsho uu dhamaystiranyahay dhaqankeedu, ama qaab fikerkeedu yahay mid wada caafimaad qaba oo sax ah, laakiin nasiib darro waxa ay koox kastaaba isku haysatay mid dhamaystiran, oo dhaqankeeda, caadooyinkeeda iyo qaab fikirkeeduba uu yahay ka kaliyaata ee saxan.

Bulsho kastana waxay ahayd mid ku ad adag dhaqankeda oo aan ogolaan in ay u soo tallaabaan fikrado ama dhaqanno kaga imaanaya bulshooyinka aan iyada ahayn xataa haddii ay yahiin fakrahadaaasi kuwa saxan oo gaadhsiin kara nolol ka wanaagsan ta ay ku jirto markaas. Taasi waxa ay keentay in ay marxaladihii hore ee nolasha uu yaraado hor-marka uu insaanku ka samaynayo sida uu ula noolaanayo dabeeecadda iyo degaanka uu ku noolyahay, maadaama ay kala xidhnaayeen bulshooyinku waxa iska koobnaa inta ay bulsho kaliyaati goonideed gaadhi karto ama garan karto.

Xaalku wuxu ahaa sidaas illaa uu yimi baraarug iyo indho kala furid ku doodaya in aan cid gaar ah loo dabo fadhiisan aqoonta, xaqiiqaduna aanay ahayn mid cid kali ah gacanta ugu jirta, maadaama oo caqliga aadamahu heer kasta oo uu gaadho aanu ahayn mid ka madhan qaladaad iyo gaf ay lama huraan tahay inaan marnaba kalsoonida indhoolaha la siin aqoonta bashariga ah, lana galiyo shaki iyo tuhun, balse taas badalkeeda wax kasta la iska hubsado lana mariyo tijaabooyin, lagana wada doodo, taasi ayaa waxay dhalisay inay furfuranto maskaxda iyo garaadka qofka bani’aadamka ah. waxay sababtay inay ay loollamaan afkaaro kala duwan, kana soo dhex baxdo xaqiiiqadu.

Arinkaas ayaa waxa uu meesha ka saaray xidh- xidhnaanti bulshadeed iyo kooxihii isku haystay inuu dhaqankoodu yahay ka kaliya ee saxan. Waxa halkaana ka soo baxay inay dhalato bulsho uu kobcay qaab fakirkeedu, oo garaadkeedu furan yahay una diyaar ah inuu wax ka barto dhamaan bulshooyinka kale wixi ay ku dhaamaan ee ay kaga wanaagsanyahiin.

Caqligaas la koriyay lagana sifeeyey awhaamta iyo khuraafaadka ay kow ka tahay ku qanacsanaanta inuu dhaqankeeda iyo aqoonteeduba ay tahay ta kaliya ee saxan ayaa waxa uu horseeday in lagu talaabsado horumar dhinacyada kala duwan ee arimaha bulshada, waxaa meel sare gaadhay tixgalinta iyo ilaalinta xuquuqda qofka bini- aadamka. waxa horumar lagaga talaabsaday dhinaca cilmiga, waxaa bilaabmay ikhtiraacyo cusub iyo in waxyaabo badan laga ogaado kawnka iyo sidu u dhisanyahay iyo culuumta kaleba.

Arrinkaas furfurista caqliga iyo soo dhawaynta dhamaan afkaarta kala duwan ee ka kala imanaysa dhaqamada kala duwan ayaa waxa gartay muslimiinti hore oo u hawlgalay soo guurinta aqoonta umadihii kale ee adduunka ku noolaa iyadoo loo turjumaayo afka carbeed, taasi ayaa waxay dhalisay inu islaamku waqtigaas noqdo hoyga aqoonta ee dunida iyo horseedka horumarka ee caalamka. waana isla arinka ay garateen reer galbeedku ee gaadhsiiyay in ay gadhwadeen ka noqdaan xadaarada aadamaha casrigan.

Guntii iyo gabagabadii waxa inoo muuqatay in ummaddii isku qancisa inay xaddaaradeedu tahay mid isku filan, iskagana wareejisa dhufaysyo adag dhammaan afkaaraha kaga imanaya dibaddu inay tahay bulsho ay biyo dhigtay fulaynimadu , adagtahayna sida ay ugu tallaabsato horumar iyo nolol wanagsan. Taas baddalkeeda bulshada si indho la’aan ah u daba gasha afkaarta kaga imanaysa bannaanka iyo xadaaradaha qalaad, ee ku guuldaraysata inay kala shaandhayso, kalana baxdo wixii anfacaaya ummadeeda ayaa ah mid is dhiibtay, iyadana wuu ka fogyahay horumarka iyo badhaadhuhu. xalkuna wuxu ku jiraa inay bulsho kastaa ay shaybaadh saarto dhaqankeeda, nqdi iyo wax iska waydiin joogta ahna ku samayso waxay aaminsatahaym iyada oo raadinaysa halka ay ka bugto, ama ka bokoon karto, ka dibna xalka laga doono ciddii ku dhaanta ee haysa daaawada, iyada oo dhakhaatiirta dawada soo qadaysa ay lagama maarmaan tahay inay noqdaan qaar ka mid ah dadkeeda sida wanaagsan u garanaya halkay ka bugto.

Haddaynu u soo noqono bulshadeena Somaliland waxa dhaqankeena, caadooyinkeena iyo xaadaradeenaba ( haddaynu leenahayba) ka buuxa, oo waliba aan tiro yareyn ee ku tiro badan, afkaar iyo awhaam badan taas oo innagu keentay in ay innagu dhaco dibudhac dhinaca fakirka ah, oo ay adag tahay inaynu hiigsanno horumar haddaan laga sifayn oo aan laga tirtirin bulshada.

Taasi waxa ay ku iman kartaa in loo hawl galo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada iyado markasta maanka lagu hayo in waxyaabaha hoyga u ah dibudhaca ay ka soo horreeyaan dhufaysyo adag iyo qalcado, kala danbeeya oo aan oggolaanayn in si fudud looga sifeeyo bulshada khuraafaadka.

bulshada qudheeeda ayaa ah mid iyadu gaadh dab leh ka haysa waxyabaha ay iska dhaadhicisay ee ay isku soo dhiibaysay awoow ka awow. si looga guulaysto dhufysyadaa adag ayaa waxa lagama marmaan ah in lala yimaaddo dedaal iyo dardar dheeraada kaaso wata duufaanno awood u leh inuu dumiyo dhufaysyada ay hadhsanayaan afkaarta iyo caadooyinka dibudhaca hoyga u ihi.

Waxaa xusid mudan in dibudhaca xagga fikirku ama dhagaxawgu in uu yahay ka horseedka u ah dibudhaca bulsheed, sababta oo ah dibudhaca bulshada kaga yimaada dhammaan dhinacyada kale duwan ee nolasha fikirka ayaa horsed u ah.

caqliga oo laga sifeeyo khuraafaadka, iyo dhamaan asbaabaha keena dibudhaca, loona oggaloodo in uu u shaqeeyo sidii Ilaahay u abuuray, oo gutta shaqadi Ilaahay u xilsaaray oo ah in uu fakaro, oo kala miiro fikradaha ka soo maaxanaya caqliyada kale ayaa ah bar bilowga horumarka iyo hanaqaadka bulshada.

.

 
 
 

Comments


Featured Review
Tag Cloud

© 2023 by The Book Lover. Proudly created with Wix.com

  • Grey Facebook Icon
  • Grey Twitter Icon
  • Grey Google+ Icon
bottom of page