Gundhigga horumarka
- May 26, 2016
- 6 min read

Horumar waa weedh soo jiidasho leh ,in badana ku soo dhacdaa dhageheena, waa weedh cunug iyo cirroole, wadaad iyo waranle ay intuba ku hadaaqaan, waa weedh ay umaduhu ku hirdaamaan naf iyo maalba, xoog iyo xeelad intabana u huraan sidii ay u hanan lahaayeen, waa weedh la aanteed noloshu macno iyo dhadhan midna yeelanahayn. waana weedh figta sare iyo cidhifka kaga taal qaamuuska hogaamiyayaasha wanaagsan, halkudhigna u ah marka ay leeyihiin damac siyaasadeed, kuwaxunna ku beer laxawsadaan shacbkooda.
haddaba waxa layaableh horumarkaa lasoo asteeyay macanah baaxadlena ku fadhida, waxa hubaal ah in horumarku aanu midho dhalikarin marka uu waayo walaalkiisa uu ku sidkanyahay ee ay isku yihiin ul iyo diirkeed ama gudin iyo daabkeed. Mwaduuca aan ka hadlayaana ma aha hormarka iyo waxa uu yahay, hase ahaatee waxa aynu farmudmudayn doona mawduucaha gundhigga horumarka. Wax walbana gundhig ayuu leeyahay, guriga sees baa gundhig u ah xajadana gorfaynba gundhigu ah, taas anoo kaduulaya.Gundhiga hormarku waa aqoon iyo macarifo laba calina ku wada murmimaayaan, ina sanwaynana ugee, gaal iyo salaam, caddaan iyo madaw intuba taas waa ay qirsanyihiin, waana qaanuun sugan oo rabbaaniya, cidkasta oo hormar rabataana waxaa laga maarmaan u ah inay cilmi iyo aqoon ay gacanta midig iyo gaws dabeedka ku haysato waxaanad maanka ku haysaa in horumarka iyo aqoontaba la isku sidkay, waagii aabeheen Aadam dhoobada laga uumay, ayna yihiin carab iyo labdiis daan oo aan kala maarmin , hadii aad aragto umad horumar ku talaabsatay ha halmaamin tacaliin iyo aqoon ayaa u horseeday .
hadii aad aragto umad dib u dhacu biyo dhigay ogawo aqoon aay ka aradeene . Diinteena suuban ee islaamku waxa ku nuuxnuuxsatay oo falqayn iyo faaqidaadba ku samaysay mudanaata cilimigu uu leeyahay iyo inuu yahay xudunta ay ka guntanto iyo gaboodka dhabarka ay saaran umadaha taliyaa taana waxaa ku cadaynaya oo kutusinaya in waxayigii ugu horeeyay ee nabi maxamed lagu soo dajiyay uu ah.( odhan mayno waxa uu kahadlayay salaada amaba sakada iyo soonka iyo wixii lahalmaala) hase yeeshee waxa uu sugaayay qadiyada tiintaaba ka mugwayen oo ah cilmiga iyo mudnaata uu leeyahay allah waxa uyidhi(اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ {1} خَلَقَ الْإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ {2} اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ {3} الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ {4} عَلَّمَ الْإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ {5}"Waxa layaab leh Sida aad wada ogsoontihiin nabigu waligee waxna ma qorin waxna ma akharin, llahayna waxa uu amar ku siiyay in uu akhariyo isaga oo cilmi uleh in nabigeesu u yahay ummi, isdaa oo kalana waxa uu quraanku ka koobanyahay inka badan 77000 oo weedhood waxaanu allah ka soo xushay quraanka sharfta lehna hormuudna uga dhigay weedha(اقْرَأ) akhire, haddab intaa soo dhani waxay ku tusinaysaa oo ay katurjumaysaa in uu cilmigu yahay furaha fahanka diinta islaamka iyo fahanka noloshoba sida oo kalena gundhig uyahay dhiska iyo sibadlka nabiga loo igmaday,Waxa makale ku tusinaaya mudnaata cilmigu leeyahay, qasadii dhaxmartay Aabeheen Aadam iyo malaaigta taasoo quraanku ayada oo faahfahsan inoo soo tabiyay, hase ahaatee nuxurka qisadu waxa uu dhacayaa nabi Aadam oo lagu maamuusay laguna sharfay in ay malaaigta nuurka leh u sujuudo,sababtuna salad badnan ma hee ha umalayn sakiyo iyo soon ma ahee ha odhan,waa aqoon dheerada oo ellahay ku manaystay aadam ee ayada niyada iyo maanka ku hay.
Waxanad karaamo ku leeday iyo uunku kugu sujuudayaan waa hadab aqoonta aad aabahaa aadan ka dhaxashay ay leegtay iyo sidaa ugu kuur gasho daah furka aqoon cusub. Hadaan intaa ku dhaafo aragtida diinteenu kaleedahay aqoonta taaso aynu odhankarno waa ragti dhidibada utaagtay tiirka ugu muhiimsan ee badhataari kara umada kasta oo ku hamida horumar . kala qaybtinta aqoonta Cududda aqoonta :Aqoontu waa dhufays daafac adag, cadaawuhu kaaga habrado, dabin lagu dhigiyo dhagar lamaleegaba daah ka ga qaada,aqoontu waa saanad iyo awood lacuskan karo,cududuna ma ah turuqiyo wayenaan,amaba mood iyo maal badnaan, ha hawaawiyin oo hamoodin cudud sidaad moodi ma ahee, , runahaantii waa maan iyo maskax ,macrifiyo aqoon,Waxaa aynu isku daye in laba iyo sadex tusaale ku ifteemiyo cuududa ay leedahaya qoontu iyo qadarinta iyo martabada uu leeyahay cida kalkiyo laabta ku qabsata inago meel fog ku dulaamahayn waayaha iyo waaqica ku salanayana,waxaan hore kugu soo tilmaamay,afeefna aan ka dhiganayaa in furayasha horumarku cidna ku gaar ahayn, hadab waxa aan qofna ka qarsoonay inuna waaqica la socoda in dalka marykanku yahay dawlada ugu awooda badanleh caalamka, hadba marna ma is waydeesay waa maxay sirka hanashadu?.horaantii uu gafay xaqiiqdu waxa tahayna magaran Qofka yidhah sirtu waa cududa militare iyo hubkaiyo saanada uu ku muquunshay calamka, mana ah dhaqaalobadnaan uu cerka soo leefay, runta marka aynu godkeeda ugu galno,indho ku garaadlehna aynaan noqon, cobocda sirtu waa aqoont taasoo u noqotay saldhig ay kaduulan hormakoodu ka hanaqaado sirtu markale waa maskax rag oo latuujiyay,oo ay jiqilaysteen,waxaan ka mida talaabooyinka horemarineed ee ay ku talaab sadeen una horseeday heerka ay taagan yihiin.
In ay dawlada Marykanku balanqaad isgu jira dhiirigalin iyo taageeraba u fidisay dhamaan aqoonyahanka iyo hal abuurka iyo dadka allah siiyay hibooyinka kala duwan , taasina waxay keentay in ay aqoontu hesho jawi ku habboon, tog walbana oo aqoon ah rogmay, ha noqoto xag caafimaad ,iyo isgaadhasiineed , iyo xag farsamo dagaal.iyo xagwalba.Waxaanay ku bixisaa tacliinta guud miisaaniyad 5.9% mana yaraysan karo marka loo miisaniyad guud ee maraykanka oo lagu qiyaaso sanadku marku ahaa 2006 -12.97 tirliyaar oo doolar, sidoo kalana waxa lagu qadaray cilmi baadhayaash maraykan jooga (1990-2003)in ay tirodoodu tahay 4484 cilmi baadhe.jabaana iyo horumarkeeda aynu jaleecno,jabaan waxa lagu tilmaama inay tahay mucjisada casrigan, waa dawlad kaliya ee loo isticmaalay hubka loo yaqaan (nukliyeer), kaa soo baabiiyay mood iyo nool waxa ay lahaydna dhulka lasimay, jabaan waa wadan jasiiradlaya 20% ayka suurtoobayso nolole, 80%soo hadhayna ay tahay buurlay burkaano ah, waa wadan aan lahayn haboyaraatee waxa khayraad dabiiciya ah, hadaba iyadoo waxa soo dhan jiraan, kamay horsitaagin inay noqoto dawladda labaad ee xaga dhaqaalah ugu saraysa calamka, sirtu wax kale ma aha, hoogaamintii xiligaa jirtay ee wadanka u talinaysay ayaa waxay is wadiisay maxa xal ah ? markii ay talada rogrogeen waxa u muuqay in ayna haysan dhul iyo khayraad dabiiciya oo la maalgashado waxa soo saarna yeesha maxaynu leenahay ee hanti inoo noqon kar oo wax goysa ? fikir dheer ka dib waxa la ila qaatay arin layaab leh oo ah in dawalada jaban ay ka gadi doonto caalamka maskaxda saran qofka jabaaniiska ah sidaa awgeed waxay qaadeen talaabo ah (maal gashiga maskaxda qofka reer jaban ah oo aqoontii ayaa kor loo qaaday oo tayo loo yeelay ) maanta jabaan waa dalka wax aanu lahay oo wadankiisa laga helin caalamka ka iibiya.
kaliya waxay garteen sirta horumarku inuu yahay aqoon iyo maskax. Kaaf iyo kaladheeri:hormarka bulshadeenu raadinayso amin kastan ay ku dikrinayso iyo qorshaha saaxada yaallaa , waa laba aad ukala fog. kaaf iyo kala dheere, Maahmaah soomaliyeed ayaa tidha (waraabow saamo jiidis iyo shanqadh tiraasho kala daa) horumarbaan rabaa oo jahali iyo gaajo Ayaan ku raadinayaa ,waa laba aan isqabanahayn, qaanuunka hormarka iyo isbadalka ku masugna qodobkaasi ,hadii aynu eegno tacliita ka jirta wadankeena , waxaan odhan kara waa mid ay majarah uhayaan dawlada kale ,sida ay doonaana u hagaan ,hadban waxaad beertaad joosataa ,tusaale yar aan ku siiyo ,waxaad soo qaada manhajka loo laqimo ardayda dugsiga hoose iyo ku wa dhexeba ,akhari oo dhugo isbarbar dhigna samee, ubixii wadan ka iyo cadeed ifaysay ayaa duul kale warshadysanya. Arinkaasina waa arin xasaasiya oo qomiya ,qofkuna kama soo hadho manhaj laraaco iyo hababinta hore,mana haboon inaynu ku ilawno wax biyo kabadhibcaana, oo ah in dawalad kastoo la doortaa hal yar oo caantayna shacabka ku maa weeliso( beesha caalamka Ayaan ictiraaf ka dalbanaynaa iyo wixii la halmaala) ,Aqoontii iyo cilmigii lagu tisqaadilahaana afwaynti loo riday, taasina waxay dhashay inay bulshadu noqoto bogtii la taab taaba takale ka darn,Waxaa qoraalka ku soo afmeeri gun iyo gabogabana u gadhigi dhawr talo oo inoo horseedikara hormar iyo aqoon tamiran:
1- waa in hogaanka bulshadu arimuh u kalcadadan mudnaanta kalaseeyan,niyadiyo maankana ku haystaan waxaytahay ujeedadu iyo maslaxada sare ee bushadu,xaajadana ku gorfeeyaan argti dheeraan,hadii aynu intaa is lawayno( is waa) aya ina haleelay oo waynu si lanahay ee bal dib aynu isku raadino maxaynu nahay inagu soomaliland ahaan ? maxaa inaga xun ?,quraad aynu luqunta ku lajirnaaye, hogaanku wuxuu yahay bal hala islameeldhigo,hogaankuna waxaa uu bulshada kaga yaala halka madaxu kaga yaal jidhaka intiisa kale,
2- aqoon tayo leh aynu ku tanaadno oo bug iyo qalin uun Ayaan la eegane ha la is waydiiyo maxaa ka hooseeya ?waa maxay hadafka aqoonta aynu baranayno kaleenahay? sidoo kale aqoontii farsamada gacantu waa ay ka baxaday meesha waana takaliya ee aynu u baahi qabno marka la eego wankeena , bal ayadana dib ha loogu fiirsado .
3- aqoontu waa waxba kama jiraan hadaanay qofka bartay ka talaalayn cunsuriyada iyo qabyaalada iyo dad kala sooca ,waxaad arkaysaa ruux aqoon yahan sheeganaya oo hadana qabyaalad ku hadaaqaya Ayaan darada ka wayeni waxa weeyi inaanu isku haysan wax biiyay oo uu isla saxanyahay ,waxaan leeyay aqoonta aad sheeganayso nacdali korkeed ha ahaato , aqoonta si dib udhac ayay u adeegtaa ee ha la iska jiro ,qoontu rasmiga ahi waata dad ku kala soocda kartidooda iyo amaana iyo reerka tacliineed qofku taagan yahay .Waxaba yaanu ila sii durkin maqaalku e, Waxaa ku soo xidhayaa (intaas oo sanano iyo intaas oo jeer aynu maqalnaa dawaladda ayaa meel dhagax dhigtay oo ah qol yar oo meel laga taagay se waxaan idiin sheegayaa wax la dhagax dhigto oo la maal gashdo waxa ugu mudan qofka aadmaha ah dhagax dhigiisuna wax kale ma aha e waa maankiisoo la qulaamiyo aqoon markaasuun aynu filan karnaa horumarka aynu ku taamayno).

















Comments