Xukunka Alle: muxuu ka dhiganyhay?
- Apr 7, 2017
- 8 min read

Dhawaan waxa lugu faafiyay barta ay bulshada ku xidhiidho ee Yutube-ka muuqaallo lagu iclaaminayo koox diimeed cusub, oo saaxadda siyaasadda dhulka soomaalida iyo dunida islaamka ku soo biirtay, kooxdan cusub sida ka muuqatay bayaannadii ay jeediyeen, waxa ay u socdaan in ay dunida islaamka ku soo celiyaan xukunka Alle, ka dib markii ay muslimiintu ka tageen isku xukunka kitaabka Alle oo ay raaceen daaquut, waa sida ay sheegeen e. Haddaba maqaalkan waxaan ku eegi doonnaa micnaha xukunka Alle loo jeedo, iyo aragtidan meesha ay dhabarka ku hayso.
Taariikhdu waxa ay inoo sheegaysaa, in wakhtigii Nabinimada uu u islaamku u kala saarnaa laba qaybood, qayb walibana ay lahayd xuduud iyo qaynuun u gaar ah. qaybta kowaad waxa ahayd arrimaha Ilaahay iyo adoonkiisa u dhexeeya, waxaana loo yaqaan fiqiga cibaadaadka, waa raxan duquus ama caadooyin diini ah oo aan fasiraad caqliyeysan laga bixin Karin, culimada usuulul-fiqiguna waxay ku cabbiraan in ayna lahayn xikmad ama ujeeddo aynu fahmi karno, kaliya waa tilmaamo iyo jid Ilaahay u doortay adoomadiisa, oo ay tahay in ay sideedaa u qaataan. cibaadooyinkan waxa la raaciyaa qiyam akhlaaqeed oo fidro ahaan ku abuuran bini’aadaanka, sida ay muctasiladu qabaanna, in waxiyaga lagu sheegay waa ladufiga Ilaahiga ah uun, ee qofka waxa ku filan in uu qalbigiisa deymoodo si u arko qiyamkaa, waana micnaha labadan aayaadood: “Innal iinsaana calaa nafsihii basiira, walow alqaa macaadiirah”, waana masalada uu inoo sii qeexayo faylsuufka naqdinta ee reer Yurub Immanuel Kant, Marka uu ka hadlay cir xidigo leh oo gudihiisa ku dhex yaal, iyo akhlaaq ku daabacan gudihiisa. Si kale haddaan u dhigo, waa micnaha uu xanbaarsan yahay xadiiska odhanaya “qalbigaaga fatwo wayiiso”. oo la macno ah qalbigaagu ha ku hago.
Qaybta labaad, waa qaybta uu nebigu ku cabbiray weedha ah “idinka ayaa iga og arrimaha dunidiina”, waa boos ama kaalin u bannaan bini’aadanka, oo ay tahay in caqligiisa iyo waayo aragnimadiisa ku maamulo, iyada oo ayna wax faragalin ILAAHI ahi ayna ku jirin, taas ayaana “ammaano xanbaarka” quraanku uu ka warramay micno u yeelaysa.
Haddaba, goorma ayuu isbaddelku ku dhacay, oo naskii tilmaamaha ilaahiga ahi u soo faragaliyay intii xorriyada binaadamka loo siiyay in ay ku maamushaan, marnaba maynaan arag ilaahay oo isagu toos u soo faragaliyay wax binaadamka khuseeya, ilaahay wuu ka aamusanyahy wax kastoo dhacay, dhacayana, nabinimadiina waa hore ayey dhammaatay, oo nabigii samada iyo arlada isku xidhayay waa uu dhintay, cid ka dhaxashayna ma jirto. Haddaba waxaynu ka hadlaynaa waa waxa loo yaqaan dawlad diini ah, waa marka ay awoodda kahnuutiga ah iyo ta siyaasadeed is bahaystaan, waxaana ka dhasha waxa loo yaqaan xukun diinaysan, (Theocracy) ama dawlad diineed. Waa riyo god madow ku ridaysa codka caqliga, bini’aadankana ku xidhxidhaya waxa uu isaga u yaqaan xorriyad iyo samaan.
Sooyaalkaas qoreyaal badani waxay taariikhda erayga “ilaahay uun baa xukunka leh” u celiyaan kooxdii loo yaqanay khawaarijta, kuwaas oo fikradan la yimi marki u horreysay, oo diiday in la kala saaro ama la kala xukumo labadii garab ee qoladii reer shaam ee amawiyiinta, iyo kuwii caliwiiyiinta ee reer ciraaq, dhab ahaan se shicaarkani woxoogaa ayuu ka horreeyay xilagaas, waxayna ahayd markii garabkii ummayiintu ay ku baaqeen in ay musxafka seefohooga sudhaan, markii ay iskaga horyimaaddeen dagaalkii sifiin, halkaas ayuu ka soo bilaabay khalalkan caqliga muslinka helay, ee iska dhaadhicyay in uu Ilaahay uun wax xukumo, ee aanu bin’aadamku is xukumi karin, iyagoo kaashanaya waayo araginmada bashariyadu iska soo dhaxshay.
Fikirka islaamka ee cusub arrintaa waxa ka mida dadka dib u soo nooleeyay oo boodhka ka jafay Sayyid Qudbi, se isagu muu curin fikirkan, ee waxa uu arday uga ahaa wadaad Bakastaani ahaa oo calanka u siday kooxda ku baaqaysa xukunka Alle in dib loo soo celiyo, waxaa la odhan jiray Xasan Almawduudi, waana dabka ay ka dhinbiil qaataan badi kooxaha diin u dirarka ah ee dunida islaanka ka dagaalama wakhtiyadan danbe.
Almawuduudi wuxu qoray bugaag badan, kuwa uu uga sees dhigayo fahanka xaakimyada waxa ka mida “Alkhilaaftu wal mulk”, “tadwiin al distuur al islaami” “al mustalxaat al-arabca fil quraan, “aljihaadu fil islaam”.
Mawduudi waxa uu fasiray quraanka qaab uu u gala soo dhex baxo mafhuumka xaakimyada, wuxu uu sawirayaa in uu jiro qaabdhismeed dhamaysiran (ontology ah) oo u kownku u dhisan yahay, figta u saraysan uu ilaahay joogo, oo halkaa u ka xukumayo kawnka iyo qaybihiisa oo idil, sida uu doonana uu u gadgaddiyayo wax walba oo ka hooseeya, markaa wuxa uu leeyhay sharci dajin waliba waxay hoos tagaysaa taas ilhaay, ilaahay unbaana xaq u leh in uu dadka faro sida ay noolaanayaan, binaadankuna waxay tahay uun in u raaco tilmaamahaas Ilaahiga ah, caqligiisa iyo waayoaragnimadiisa toona waxba uuna uuga baahnayn, waayo, haddii u caqliga adeegsado waxa laga yaabaa in uu wax iskawaydiiyo qaabdhismeedkaa. nuxurka hadalkan Almawduudi waxa weeye, in uu ilaahay oo kaliyi ka taliyo kownkan iyo waxa ku dhex noolba, waxkastoo ka dhacana uu Ilaahay sababay, ayna danbi wayn tahay in uu binaadanmku wax iska waydiiyo falalka Ilaahay. Fahankani shaki la’aan wuxa u ka soo horjeedaa “ammaano xanbaarkii” u quraanku ka warramay, oo haddii wax waliba sidaa u Almawduudi leeyhay ay ilaahay gacantiisa iyo doonistiisa ku dhacayaan micno ma yeelanayso abaalmarinta danbe uu binaadanka loo ballanqaaday.
Khaladku mesha labaad ee uu kaga jiro fahanka Almawduudi waa isaga oo ka soo qaadayaa bilaw ahaanba in ay quraanka ku jirto aragti siyaasadeed oo ay tahay in ay muslimiintu raacan, taas oo uu ku tolayo xukunka kownka ee Alle. muslimiintu way isku waafaqsinyiin in uu kawnku ku socdo doonista ilaahay, laakiin sida ay uugu noolaanayaa konwanka way ku kala duwanyihiin, kolkaa waxa imanaysa waydiin ah yaa matalaya sidii uu ilaahay ugu talo galay, waa halkaas meesha ay ay ka dhalanayaan kooxo isku dayaya in ay booskaa buuxiyaan.
Si kale haddii aan u dhigno, xaakmiyadu waxa ay ka dhigantahay in bashariyadu ay raacdo sida ilaahay ugu talogalay inay isku xukumaan. se maadaama oo ilaahay jiritaanka koonka uu ka dhex baxsanyahay, waxaa tilmaamihiisa gacanta ku dhigaya kooxo sheeganaya in ay fahmeen ujeedadda ilaahay rabo, aragtiyaha kalena meesha ka saarto, kooxdaa gacanta ku dhigta amaradda ilaahay waxa la yidhaa kahanuut, sidaas ayeynu u arkaynaa in aragti siyaasadeed looga dhigay amar ilaahi ah oo meel yaalla, ayna tahay in la wada raaco, waa nuxurka xukunka Theocray-ga ah.. Sidaas ayaa qofkii ka leexdaa dariiqaa loo sawiray uu u noqonayaa mid jidki ilaahay ka leexday, oo daaquut raacay, oo ay tahay in lagu abaalmariyo in loo soo dedejiyo cadaabtii uu aakhrio gali lahaa.
Caqiidada salfiyada kutubta sheekh Ibnu Taymiya raacda, waxa ay tawxiid u kala qaadaan saddex qaybood, ka kowaad, tawixiid al uluuhiya, oo ka dhigan in ilaahay kaliya u mutaystay in la caabudo, iyagoo ka soocaya tawxiid alrubuubiya iyo tawxiid al asmaa walsifaat, Abulmawuduudi wuxu ku soo daray tawxiid afraad oo ah Alxaakimya, oo ka dhigan asal ahaanta ilaah caabudku waa dawlada ama xukunka loo qabsado, wuxuuna arkaa in la yegleelo wax uu ugu yeeedhayo distuur islaami ah, laakin dhab ahaan taariikhda muunad u tusaale ka dhigto kama soo helayo, sidaa darteed, wuxa uu samaystay mid (imagined ah) wuxu leeyahay waa distoor aan qornayan, oo u tiirar u yahay, quraanka iyo sunnada, iyo camalkii saxaabada, iyo ijtihaadkii afarta mad’hab.
Almawduudi iyo fikirka kooxaha raacsan waxa ay tusaale ku dayasho mudan u soo bandhigaan jiilkii u horreeyay ee saxaabada, waa jiil (Ideal ah) agtooda, oo sidii loo baahnaa u dabaqay shareecada, iyo isku xukunka kitaabka Alle, laakiin waaqica taariikheed wax kale ayuu ina tusinayaa, wakhtigani waxa uu ahaa xilligii uu rogmadkii ugu waynaa uu ka dhex dhacay muslimiinta, daagaallo diimeedyo aan tiro lahayn bay muslimiintu ku hoobteen, diinta hub ahaan ha loo adeegsado e, laakiin nuxurka loolaankaasi wuxu ahaa siyaasada iyo maamul. Maxamad Caabdil Aljaabiri oo ka mida mufkiriinta taariikhda iyo caqliga muslinka wax ka qoray wuxu ku leeyahay marxaladdan sidan “arrinka la isku hayay diinta ma ahayn ee waxa uu ahaa siyaasadda, oo dood iyo khilaaf joogta ahi ku taagnaa, iyadaana lagu kala guulaystay aakhirkii”. (1)
Galdaloolada u waawayn ee haysta caqliga muslinka ah ee ee ku baaqaya isku xukunka kitaabka Alle, waxa weeye, isagoo ah khidaab bilaa muunada ah, si kale hadii loo dhigo, waa khidaab gadaalgadaal ugu socda taariikhda, caqabadda u wayn ee jawaabta aan loo hayna waa sida loo maamulayo dawlad iyo bulsho casri ah iyadoo qarniga 21 la joogo, barnaamij siyaasadeed iyo mid dhaqaale iyo mid saqaafadeed toona ma sawiran karaan, iskaddaa inay keenaan e, ushooda sixirka ah ee masalo walba ka horgeeyaan waa ilaahay ha loo noqdo, iyo macaasida ha la ga tago, tafsiir cilmi ah kama bixin karaan awoodaha dabiiciga ah ee aqoonta bin’aadanku gaadhay, wax walba oo ay fahmi waayaana jawaabtoodu waa ilaahaybaa ina ciqaabaya, ama ina imtixaamaya.
Waxa ay ku baaqaan sidii ka dhex muuqtay bayaankii kooxda cusub ee “Alsaadicuuna bil xaq” in ay dimiqraadiyadda iyo dawlanimda casriga ahi ay gaalnimo iyo daaquut iyo xukunkii ilaahay oo laga jeedsaday tahay, balse xal ama baddel ma u hayaan?
Ujeedka aynu ka leenahay naqdinta khidaabaadka caynkan ahi waa iyagoo meel ku qallajinaya caqliga muslinka oo ka dhigaya in uu sugo wax iman doona oo wanaagsaa oo ka lumay, taariikhda xukunkii muslimiintu soo mareenna kolka si miyir qab leh loo akhriyo la soo heli maayo meel dastuur iyo qaynuun lagu kala soocday, si kale haddi loo dhigo isticmaarkii reer Yurub ayaa muslimiinta dawladnimda baray, wixii ka horreeyayna dawlad lagu sheegi kari maayo, waa qaab is maamul, iyo boqortooyin ku dhisan nidaam akhlaaqeed oo uu hagayo xaakinku, sida uu ku qeexay Dr Waa’il Xallaaq buugiisa (dawaladda aan suurtagalka ahyn / the impossible state)
Isku xukunka kitaabka Alle ee kooxdan iyo kuwii ka horreeyayba ku baaqayaan waa aydaloojiyad xukun lagu raadinyo, Sayid Qudbi bal aynu eegno, oo aad ugu baaqi jiray helitaanka caddaalad bulsheed iyo in laga xoroobo xayndaabka istcimaarka iyo inbiryaaliyadda caalamiga ah, se kolkii uu kacdoonkii dhaqan dhaqaale ee Jamaal cabdinaasir hogaaminayay guulaystay, waxa ku khasbanaaday in uu keeno khiyaal kale (Utopia) oo ay islaamiyiintu kaga soocmaan hantiwadaagii Cabdinaasir, Waana sida uu qoray Nasar Xaamid Abuu sayd isagoo faallaynaya masaladan. (2)
Ugu dambeyn, kooxdan cusubi iyo kuwa la mid ka ahi, waxa ay u adeegsanayaan caadifadda shucuubta muslinka ah ee ku fashilantay dawaladnimada casriga ah, ee ku jirta duruufaha qallafsan, ee ay dhalisay siyaasadihii gumaysigii reer yurub iyo talisyadaii milteriga ahaa ee dawladaha muslinka ah badankooda baabiiyay, iyo kuwa nidaamka Aala Sucuud, oo dhamaantood reer galbeedka laga taageero, niyad jabkaa haysta musliniita oo loo geeyay jahliga iyo aqoondarada muslimiin badan ka haysta arrimaha diinta, intaasiba waxay u saamaxaysa in ay kooxaha caynkan oo kale ahi helaan u soo joogsi iyo dheg laalaadin, duraafo kale duwan awgeedna caqliga diiniga ah ee qofka soomaaliga ahi maanta wax badan kuma diidana khidaabkaa caynkan ah.
Si fudud looma tilmaami karo maxaa xal noqon kara bulshooyinka islaamka, oo arrimo badan ayaa is huwan, se waxa lagama maarmaan ah mar walba in laga digo kooxaha doonaya in ay afkii Ilaahay ku hadlaan, oo waxay iyagu ay sawiranayaan ay ku maamulaan bulshooyinka muslinka ah ugana dhigaan, in ay tahay amar Ilaahi ah, waa waajib akhlaaqeed in kooxahaa diinta afduubay laga rito, oo diinta lagu soo celiyo fahanka ah in ay tahay arrin shakhsi ah, oo bani’aanka ruuxdiisu u baahantahay, oo isaga iyo Ilaahay u dhexeeya, Calaaqana aan la lahayn siyaasadaha lagu hagayo dunida iyo ku dul noolaasheheeda, oo taasi waa mid u taaala garaadka iyo garashada ummad kasta, oo ay tahay in ay ka shaqayso hagaajinta dawlanimadeeda iyo qaab nololeedkeeda.
(1) Diinta iyo dawladda iyo ku dhaqanka shareecada, Beyruut, 1996, boogga 19
(2) Waxa uu qoray Abu Sayd “soo darxinta mafhuumka xaakmiayada in sidaa lo soo bandhigaa wuxu ahaa mid ka turjamaya loolanka suldada iyo maamulka lagu damacsayhaay, oo dabadeed mid ka mida laba dhinac uu ka rarayo siyaasadda oo diin soo galiyay, isagoo caadifadda dadka waxaana khalad cad ah inaynu sawirno in loolanki ka dhex dhacay ikhawaanka iyo kacaankii cabdinaasir in u diinta iyo caqiidada sal ku hayay, wuxu aha loolan siyaasad iyo maamul”. Nasr Abu sayd, Naqdi altafkiir aldiini. Bogga 76

















Comments