top of page

Lagaama Roona: Akhrin Guud

  • May 25, 2017
  • 5 min read




Hordhac


Buugga “Lagaama Roona” oo ay qortay qoraa Saida Sheikh Ahmed, wuxu soo baxay bishan may ee 2017, wuxuuna furayaa mawduuca khaniisyada Soomaaliyeed, oo u cod dheer ku leeyahay la idinkama roona, buugga sida ku xusan hordhiciisa, wuxu si cad oo aan gabbasho lahayn ugu ban baxayaa in uu u hiilliyo dadka khaniisyada ah, isaga oo qoraagu dhinacyo kala duwan ka soo bandhigayo difaacidda doodda buuggan, sida dhan dhaqan iyo mid diineed iyo mid taariikheed, iyo mid cilmi ba (science).


Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa “akhrin bandhigeed” ku saabsan buugga, innaga oo aan ku dul daadageyn qodobbo badan ee doodda dheer furaya, waxa aan ku kaaftoomaynaa in aan soo bandhigno fikradda guud ee uu ku doodayo qoraha buuggan, si qofka aan nasiib u helin akhrinta buuggan uu uga ogaan karo xog ku saabsan, se taasi marnaba kama dhigna in ay ka kaaftoon siinayso akhristah maqaalkan in uu akhriyo buugga oo dhamays tiran inta uuna gorfeyn ama dood ka keenin.


Maxaa cusub?


Hordhac, mahadnaq iyo afeef ka dib, wuxu u guda galayaa qoraagu, in uu inoo macneeyo erayga khaniis iyo qaladnimada qaabka immika loo adeegsado.

Sida Soomaalida ku dhex faafsan erayga khaniis waxa loo adeegsadaa cay ahaan, micno ahaanna wuxu ka dhiganyahay ninka caruuta faraxumeeya, sida ku qoran qaamuuska afsoomaaliga ee Cabdalle Mansuur.


Qoraaga buugani wuxu sheegayaa, in waayadii hore dadka Soomaalidu ay u yaqaanneen khaniisyada abbaayo macaan iyo abboowe macaane, laakiin maanta ay adagtahay in la soo celiyo magacyadaas, waxaana habboon sida u leeyahay buuggani, in la adeegsado erayga khaniis, walaw ay weli dad badani cay iyo takoorid u adeegsadaan. oo waxaba dhacda in adeegsiga eray ku caan baxay faquuqid iyo takoor, marka si togan ama caadiya marka loo adeegsadaa, in ay yarayso dhibaatadii takoorka, tusaale ahaan wuxu xusayaa buuggu, in bulshooyinka reer galbeedka ahi markii ay faquuqeen dadka khaniisyada ah ay “queer” ugu yeedhi jireen, laakiin khaniisyadii reer galbeedku isla eraygii ayey u adeegsadeen marka ay xuquuqdooda u doodayeen.


Waydiinta u waynee u baadhayo buuggani waa, Maxaa loo takooraa oo loo nacaa dadka khaniisyada ah Soomaalida dhexdeeda, wuxu qoraagu u qaybniya dadka khaniisyada ka gubta, laba nooc, caado raac iyo cabsi raac, iyo caro la carar, qolada hore ee caado raac, waana sida ay soomaalidu u badanyihiin e, waa dadka iska dhagoxidhan, khaniisnimada aan fahasanayn, caqligooduna ayna ku dhex jirin wax nin iyo naag in la isku abuuray ka baxsan.


Qolada labaad ee cabsi raac, sida u qoraagu leedahay waa qole walwel ka haysto bina aadanka oo dabar go’a, haddii khaniisyada la aqbalo, waa qolo ay iyagana ay caqligooda ka maqantahay in uu ilaahii dunidan iyo khaniisyadaba uumay uu ku hagayo habsami socod isku dheelli tiran, oo maanta in laga cabsado in la dabar go’o waxayna maangal ku noqonayn, ilaahay khalqigiisa oo dhan khaniisyo kamuu wada dhigin, ee badh unbuu ka dhigay.


Qolada saddexaad ee caro la carar, Waa qolada iyaga ah khaniisiinta ee baqdin darteed iyagoo naftooda tuhunsan oo baqaya nacab u qaada khaniisnimada, Waa qolada sida aadka u neceb khaniisnimada ee saska ka qaba.



Diintu maxay ka qabtaa?


Dad badan oo khaniisyada ka soo horjeedaa, waxay ka duulaan aragti diin ah, oo waxaa soomaalida ku dhex faafsan in ay khaniisnimadu xaaraan tahay diin ahaan, buuggani aragti taa ka duwan ayuu soo bandhigayaa, wuxu qoraagu soo uruuriyay aragtiyo dhawr wadaad oo muslimiin ah oo khaniisyo ahi ay ka qabaan xaaraantimeynta diineed ee khaniisnimada.


Wadaaddadaas waxa ka mid ah, Ludovic Mohamed Zahed waa imaam masjid, wuxu ka soo jeedaa asal ahaan Al-jeeriya, waa cilmibaadhe daraaseeya arrimaha diimaha, wuxuuna shahaadada PhD da ku diyaarayay mawduuca islaamka iyo khaniisnimada, wuxuuna qabaa khaniisnimadu in ayna xaaraan ahayn.


Waxa kale oo ka mid ah culimada fasirka duwan ka bixisay mawduuca khaniisyada iyo islaamka, imam Muxsin Hendricks. Wadaadkani waa imaam masjid, wuxu ka soo jeedaa asal ahaan Koonfur Afrika, wuxu aaminsayahay in ayna denbi ahayn khaniisnimada, ee ay tahay wax ilaahay u u dooray oo uusan isagu dooran, wax ciqaabana uuna ku mutaysanayn khaniisnimadiisa, islaamnimada iyo khaniisnimaduna ayna iska hor imanayn.


Mar la waydiiyay, sida u arko dadka xaarantimeeya khaniisinimada wuxu ku jawaabay, “waxay daliishadaan xaddiiska ah “qofkaad khaniisnimo ku ogaataan dila” laakiin xaddiiska saxiix ma aha ayuu ku doodayaa Muxsin.

Mar kalena wuxu ku fasirayaa ayaadda "قل كل يعمل على شاكلته.. سورة الإسراء أية 84 " oo micneheedu yahay in qof weliba xagga ilaahay uu ugu shaqaysanayo sidaa u yahay ee u ilaahay u abuuray, halkan waxaa soo hoos galaya khaniisnimada ayuu Muxsin ku doodayaa.


Argti ururin


Buugga wax kale uu koobsanayaa aragti uruurin dadyow kale ra’yi duwan laga soo uruuriyay, buuggu ma sheegayo dadyowgaa magacyadooda sababo kale duwan awgood. Laakiin waxaa innooga dhex muuqanaya argatiyaha lagu kala jabsan yahay ee ay Soomaalidu mawduucan ka qabaan.

Sidoo kale waxa uu qoraaga buuggani aragtiyo ka soo uruuriyay, sida ay khaniisyada Soomaalida ahi laftigoodu isku arkaan.


Hore ma u jireen khaniisyadu Soomaalida dhexdeeda?


Arrinta khaniisyadu wax ku cusub ma aha geyiga Soomaalida sida uu ku doodayo buuggani, waxay waayo badan ahaayeen dad bulshada Soomaalida ka mid ah oo xasillooni kula nool, magaalooyinka qaar sida Marka, waxa uu sheegayaa buuggu in ay lahaayeen dabbaaldegga Aw Cusmaanka loo yaqaannay. Meelo kale oo dhulka Soomaalida ka mid ah, sida degmada Garadag, wuxu sheegayaa buuggani in laba nin oo khaniisiin ah oo is guursaday gartoodi lagu qaaday.


Ma gaalo ayaa Soomaalida u keentay khaniisnimada?


Waydiintan wuxu ka leeyahay buuggani aynu marka hore fahanno khaniisnimada laftigeeda waxay tahay, ma wax abuur ah oo qofku ku dhasho ah baa, mise waa wax la iska dhigo, dabadeed lacag cid kale lagaga soo qaato, ama gaalo ama waxay doonaanba ha ahaadaan e, si fudud waxaa loo wada garanayaa in ay khaniisnimadu tahay abuur lagu soo dhasho, sidaa darteed doodda ah gaalo ayaa wadda oo faafinaysa wax qiimo ah ma leh, qofka sidaa ku doodayana waxaa haysta aqoondarro ku saabsan khaniisnimada.


Naqdin


Wax kasta oo la qoraa dhaliili kama madhnaato, buuggan dhaliilaha aan ugu tagay waxaa ka mid ah in arrimo badan uu buuggu ka dhawaajiyay ayna qodobeysnayn, dhacdooyin badanna uu ula dhaqmay un qaab xaabo uruursi ah, oo uuna mudnaan badan siinayn in uu akhristaha u iftiimiyo dhacdooyinkaas wax ku saabsan, xog ku suganna u ka keeno, laakiin taa waxa lagaga garaabi karaa dhacdooyinkaas xilliyadii Soomaalida ee hore la xidhiidha, oo aan hab dhigaal ahaan ah aan ku diwaan gashanayn maanta.


Gunaanad


Buuggan dood xasaasi ah ayuu furayaa, waxaana habboon in ay dooddaasi aqoon iyo si ilbaxnimo leh loo galo, talada ay tahay in ay cid walba oo wax ka hadlaysaa ay qaadato, waxay la tahay, in marka hore ay isku daydo in la fahmo mawduuca laga hadlayaa waa maxay? fahan ka dib aragtiyo la iska waydaarsado, iyada oon la dul joogsanayn waxa la xidhiidha qofnimada qofka aragtida gudbinaya.


Buuggan waxaa ku jirta, qayb shakhsi ah, oo qorgaagu waayoheeda ka faalloonayso, meelo la xidhiidha mawduucana ay tusaale isku soo qaadananeyso, taasi waxay keeni kartaa in ay dadka qaar buugga kaga mashquulaan qorihiisa wax ku saabsan, laakiin mar walba waxay tahay in lagu ekaado mawduuca uu buuggu furayo, qofkii is leh aqoon iyo karti ayaad u leedahay in aad diiddo ama yeesho qodobbada buuggu ka dhawaajiyay yeyna qofeynin mawduuca ee si aqoonaysan ha u eegto masaladan uu buuggu soo bandhigay.



* buugga halkan baad ka gadan kartaa:


https://www.amazon.com/Lagaama-Roona-Saida-Sheikh-Ahmed/dp/1546504133/





Comments


Featured Review
Tag Cloud

© 2023 by The Book Lover. Proudly created with Wix.com

  • Grey Facebook Icon
  • Grey Twitter Icon
  • Grey Google+ Icon
bottom of page