Soomaalilaan iyo waydiinta isbadelka
- Nov 12, 2017
- 7 min read
Updated: Mar 19, 2021

Maalinta barri ah waxa soomalilan ka dhici doona doorasho madaxtooyo, waxay murshaxiinta tarmayaa ay ballanqaadayaan isbaddel iyo badbaado qarka soo saran, oo lugu soo af jari doono dhibaatooyin badan oo inbadan lugu soo jiray.
Maalin hore aniga iyo asxaab kaleba waxaan ku baaqnay in la qaadaco doorashada oo aan laga qayb galin, waayo, wax isabddel ah oo ka soo jeeda doorashadan ma jiro, marka dariiqa qudhaata ee furan waa in la muujiyo inay dadku ka godoodsan yihiin sida ay wax u socdaan, laakiin su’aasha ugu badan ee laga horkeenay baaqaas waxay ahayd, “dabadeedna? maxaa badiil ah?” dadka waydiintan qabaa waxay lahaayeen: “waxaynu haysannaa waa sadexdaa xisbi, dabcanna midkood unbaa guulaysnaya, markaa aynu ka qaybgalno soo saaridda ka aan isleenahay wuu uugu macquulsanyahay”. Sida anigu aan u arko ka qaybgalka doorashadi barri wax faa’iido ah ma lah, marka laga yimaaddo xinka reeraha ee xisbayda lugu sheegayo iyo doodaha ah kan baa kan ka fiican iyo kaas baa kaa mujaahdsan. Dadka iyagu intaa wax ku dooranayaa qormadani ma khusayso.
Haddaba waydiintu waxay tahay, isabdaldelka ka baxsan sadexdan xisbi xaguu yaallaa, halkee buun ka imanayaa, sidee iyo xillima? Waxaan u arkaa waydiimahaas oo laga fekero ayaa ka qiimo wayn in lugu mashquulo doorashadan hadda taagan. Sabab fudud awgeed oo ah:
waxa run oo maalmo ka dib sadexda xisbi ee dalka ka jira midkood baa iman doona xukunka, oo reerkiisu iyo reeraha ay xulafada yihiin ay soo saari doonaan. Waxana lugu soo saari doonaa hab siyaasadeedka dhisan ee jira, ee waaqica ah, intaas waaqica ah ayey xisbiyadu ku tartamayaan, waa nidaam dhisan oo taagan, oo gudihiisa tartanka ka socda, cidda ku guulaysanaysaana ay tahay cida maaraynta hababka loolanka kaga wanaagsanaata cidda kale ee ay tartamayaan. Kolkay sidaa tahay waxa habboon in lugu mashqoolo isbaddel sees kale ku taagan, oo ka duwan habkan dhisan imika sidii loo keeni lahaa.
Dadka soomaalilaand waxa suuragalyeen fursad inay doorasho qabsaadn, oo ah fursad aan oollin mandiqada aynu ku naal, dhibaatooyin badan oo dunida saddexaad ka jirana innaga innagu dhex xoogganayn, sida Faragalin shisheeye ama dano waawayn oo ay awoodo dibadeed ku hirdmayaan gudeheena, waa fursad kale oo aynu dheeranhay dawladaha mandiqadeena ku yaal, oo isbaddel lagu dhalin karo.
Sidaasooy tahay, fursadahaas aynu haysanaa waxba innaguma fadhiyaan, aduunyada inagaa uugu saboolsan, inagoo doorashooyin afrika aan ka dhcin badankeeda haysana hadana wax sumacada kuma lihin dunida, dukmeentigeenana lama aqoonsana dawladaha caalamka, khariidadna kumaba naal, dhalinyareenuna fursado waxbarasho oo tayo leh ma helaan, kuwa tacliinta isku taxallujiyaana ma helaan fursado shaqo iyo nolol u qalanta, dalkeena wax walba way burbursanyihiin, adeeg dawladeed oo qudha oo sidiisi u shaqeeyaa ma jiro, inaynu imika dagaal ka soo baxnay baad moodda, ama aynu kaliggeen jasiirad cidla ah oo duni kale ka jirta ku noolanahay qarniyo tagay.
Waxaasoo dhiba waxay tahay inay cidi xanbaarto masuulyadeeda iyo eedeeda, Waxa kale oo ay tahay in dhibaatooyinkaas sidii loooga bixi lahaa ay ku mudnaato qof wal oo muwaadin ah, oo u kula xisaab tamo cid wal oo siyaasadda dalka wax ka haysa, ama wax ka soo qabtay ama isu diyaarinaysa, waxay tahay in dhibaatooyinkaa ay xalkoodi soo bandhigaan xisbiyada la kala dooranayo.
dawladnimada halkii ay baahiyaha dadka ka jawaabi lahayd waxa laga dhigay hanti la qaybsado, (kulmiye hagbad iyo jeegaan ayuu soo kordhiyayba). Sidaas ayey u qalloocantay dawladnimadii, qallooc imika galayna ma aha e, waa mid dhaqankii dawlad la’aantii laga la yimi, oo lugu laaqay nidaamkii dawaldnimo.
Sidan hore u soo sheegay, doorashada manta taagan cida guulaysanaysaa waa cidda hannaanka dalka ka jira ee reernimo fahanta maareenteeda, isbaddel madaxeena ku jira uma baaqnayso, ee sidaas ayey ku soconaysaa, sida uu cabbirayo ereyga gasariirnimda wata ee xisbiga talada soo hayey ee kulmiye ee uu ku celceliyo “horaa loo soconayaa”, waa runtood oo sidaas ayaa hore luugu soconaysaa, ilaa laga helayo dariiq isabaddel oo kaa jeexan ka gaddisan.
Intaa ka dib, doorashadan hadda taagan waxaa ka mudan in laga hadlo marxaladda ka danbeysa ee mucaardnimo, oo aan iswaydiino kol hadii aynu nidhi isbeddel sadexdan xisbi kama soo jeedo, kii doonaaba ha soo bexee, halkee kale oo laga dooni karaa isabddel.
Waxa jirta dood qabta in sadexda xisbi laftigooda gudaha laga sixi karo, oo la hagaajin karo, sidan dad badan baa qaba, laakin aniga waxay iila eegtahay arrin aan suuragal ahayn, dhawr sababood awogood:
Mabada’ ahaan wixii la hayo in la tayooyo waa arrin maangala, kana fudud in la yidhaa wax walba hoos halaga soo bilaabo, oo sidan baaba hoostii ah, laakiin caqabadda xaaladda soomaaliland ka jirtaa waa nidaamka siyaasadda ay ku dhsintahay oo ayna suuragal ahayn in gudaha laga saxo. Waayo seeskiiisaa kharriban, ama aan nidhaahno aanan aqblaayn in xisbi siyaaadeed laga dul dhiso. Siyaasadeena hadda jirta qofka waxa tayo iyo miisaan u yeela reerkiisa, waa inuu reerkiisa soomaraa oo dabadeed isago reerkooda matalayo uu xisbi ku biiro, hadii uusan reerkooda matalayn xisbiga uu ku biiro qiimo kuma dhex laha, haddii reer u matalana qalloocii jiray unbuu sii xoojianayaa, markaa qaloocaasi waa mid bunyawi (structural) ah oo xisbadeena ku jira.
Haddiiba aan amnanno, inuu jiro wax la yidhaa musaqaf islaaxi ah, oo isagu caqli ku biiraya nidaamka taagan, si aanu u waalan, ilaa imika dadkii ina yidhi xisbiyada ayaan caqli ku biiranynaa oo aan isbaddel ka dhalinaynaa, dhanka xun mooyee isbaddel ay dhalinyeen maynaan arag, taasina waa aamin darro laga qabo gudaha ka toosinta xisbyada.
Cidda ku biirta xisbayda laftigeedu dulmi badan iyo xumo badan ayey ku dhacaysaa marka ay ka qayb noqoto xisbi dadka ku kala qoqoobaya reernimo, waliba qofka aqoonayahanka ah waxa ka dayacmaysa fariintii iyo masuulaydii uu siday, oo ahayd inuu naqdiyo cidda talada haysa, isagoo kolka xisbi uu ku biiro aan shaqo kale qaban inuu isu beddelo ibriiq dacaayadeed oo ay isticmaasho cida xukunka haysaa mooyaane.
Aqoonyahankeenna (waana eray bixin tilmaameed uun oo aan wadan maamuus) innaga unbaa niyad wanaag u nidhi xisbiyada ayey gudaha ka badelayaan. Laakiin iyagu taas inoomay sheegin, waxayna u eegyihiin dad soo shaqo tagay uun, oo dabadeed xulafo la noqday hababkaa dhisan, hadiiiba ay jirto istiraatiijyada u dejisan oo isbeddel gudaha xisbiyada ay ka samaynaan, waxa ay tahay inay soo bandhigaan.
Waxay ila tahay in ay inta isbeddel doonka ahi ay isla qiraan habdhismeedka siyaasadeed ee dalka ka jiraa inuu qallooco, dawlad casri ahna uusan ina gaadhsiinayn (dad baan wali taas qirsanayn oo leh, waa lugu soo caano maalay sidan). Waxay tahay bilow ahaan in la isla garto inay tahay in laga guuro hanaankan reeraha ee dajisan imika, oo la beegsado in wax laga badelo (paradigm-ka) iyo baraadka dadka, si kale haddaan u dhigno dawlad rayida oo casri ah helimayno illaa la helo dad rayida oo casri ah, waa dood ay adeegsadaan dadka yidhaa yaan waxba la qaban, waayo, waxba lagama qaban karo arrinkaas, oo muddo dheer bay qaadanaysaa, laakiin markaynu furfurno, waxay ka dhigantahay in laga fekero habkii isabddel siyaasadeed iyo bulsheed oo dhaba lugu dhalin lahaa.
Baraadka siyaasadeed oo isbaddel dhaba lugu sameeyo, oo sabab u noqota habdhanqanka siyaasadeed oo is baddela laba siyaalood ayaa lugu gaadhi karaa, markaynu eegno duruusta taariikhda dunida:
Ta kowaad: Waa iyadoo xilka uu qabto hoggaan aragti leh, siduu doonaba ha ku gaadhee, dabadeed uu beegsado inuu baddelo hannaanka siyaasadda dalka. Waxa u fudud inuu sidaa yeelo hadii uu aragti iyo qorshe la yimaaddo hoggaankaasi, dawladihii la gumastay ee xornimada ka dib horumaray oo dhami hogaan aragti leh baa horumariyay. Hogaanka waxa fudud inuu hago tacliinta iyo warbaahinta iyo siyaasadaha dalka oo idil, iyo si guud habdhaqanka xukuumadiisa oo dadku u barto in lagu wada hadlo luuqad siyaasadeed oo ka duwan tan reeraha.
Jidkaasi hal ceeb buu yeelan karaa waa: suuragalimada inuu hogaankaasi uu is cajabyo oo dabadeed u isu baddelo kalitalis ama inuu ugu yaraan ku dadaalo talis balaadhsi, iyo inuu hay’daha dawladda gacanta ku wada dhigo oo sida uu doono uu ka yeelo, sida ta Turkiga imika ka taagan oo kale.
Xaaladda soomaaliland marka aynu is waydiino hogaan siyaasadeed oo aragti dawlad cusub ina gaadhsinaysa leh ma jiraa?, si kalsooni leh ayeynu u odhan karnaa kama jiro.
Jidka labaad ee isbaddel lagu dhalin karaa waa: helidda dabaqada dhexe oo tacliin sare leh, oo dhaqaale madaxbanaan haysata, oo ka gadoodsan siday wax yihiin, bulshooyinka dunida isbaddelay badnakoodu wuxu ka yimi dabaqad bulshada ugu xoogga badan oo kacdoon ku qaadday nidaamka siyaasadeed oo idil, oo dhanka kale u ragtay.
Dabcan kacdoonka noocaasi wuxu u baahanyahay shuruud ay ka midyihiin, hoggaan iyo aydaloojiyad iyo falsafad hagta.
Taasi soomaalilaand waxaa caqabad ku ah, nidaamka reeraha ayaa asal ahaanba lid ku ah nidaamka dabaqada, dhincayo badan marka laga eego, laakiin ta imika aan ka taaban karno, waa iyadoo xisbada reeraysani ay liqeen waxaynu dabaqad dhexe yeelan lahaynba, oo qof wal oo tacliin lahaa uu xisbiyada dhex joogo isagoo afka reerkooda ku hadlaya.
Caqabada uugu wayn ee hortaagan inuu isabddel dibadda ka ah xisabada u dhacaa waa hogaan la ‘aan, dadku iyagoo arkayo inuu qallooca hannaanka siyaasadu ay ku socoto, hadana sidaas unbaa lagu kaaftoomay. Lagama fekero wax ka duwan intaa jirta, eedaana qaybteeda uugu wayn waxa leh dadka mucaaradka ah, oo ku qanca inay mucaarad ku sheeg ay nidaamka talada haya aan waxba kaga duwanayn ku daba fayla. Oo dabadeed damacooga uugu wayn gaadhsiisanyhay qofaf la isku baddelo.
Waxa jira mucaarad iyagu xisbayda dibadda ka jooga, ashkhaas iyo ururro ba way leeyihiin, sida (madasha wada-tashiga qaran), qoladani iyaguna wax dhaqdhaaqa ma laha, waxa ka maqan halabuurkii ay siyaasadda ku soo gali lahaayeen, oo wax raada iyo saamayna ku yeelan lahaayeen, sharci ahaan waa run oo lama oggolo xisbi afraad, laakiin gogol xaadh badan oo la awoodaan oo ahayd inay sameeyaan ayaa meesha ka maqan.
Gunaanad ahaan, fursado isabeddel horena way u soo mareen soomaalilaan mustaqbalkana way soo mari doonaan, laakiin wakhtigan la taaganyahay ma muuqdaan.
Si isabddel dhaba u dhaco waxa loo baahan yahay hoggaan siyaasadeed oo bulshada hor kaca, oo ku hogaamiya siyaasad ka gun dheer qof qof lugu baddelo, haddii se la sugo in si dabiici ah bulshada wacyigeeda wadareed u koro, wakhti aad u dheer bay qaadanaysaa.
Waa run oo horumar wuu jiraa, oo meeshii 1991 ama 2003 ama 2010 midna lama taagna, laakiin waa hurumar socodka diinka ka gaabis badan, sidan aynu nahay uuma baahnin xitaa inaynu horumar dabiici ah, waxaynu u baahannay hurumar xawaaare dheer ah, haddii kale jiriritaankeenaa halis ku jira.
Afar sanno ka dib waxa kol kale la furi doonaa albaabka xisbayda cusub, isbeddel doonka soomaaliland waxa horyaalla imtixaanka fursadaas siday uga faa’idayn lahaayeen, ee ay u keeni lahaayeen qorshe ka geddisan habdhismeedka xisbadii hore u sii jira.

















Comments