top of page

Jidka cadaabta

  • Mar 24, 2017
  • 11 min read

Waxa uu faafiyay qoraaga reer marakykan ee Maaykal Marin sannaddii 1997 dhigane uu magac uga dhigay “Raadka baabi’inta ee uu leeyahay gargaarka ajnabiga ah iyo hay'adaha gargaarka caalamiga ah”.


Dhiganahani waa natiijada khibarad labaatan sanno oo u si toosa faraha uugula jiray qoraagu ururada samafalka ee reer galbeedka, siiba kuwa maraykanka. Maykal wuxu bilaabay tajribadiisan isagoo labaatan jir ah, waxa uuna shaqaale ka ahaa gu’yaal badan ururro tiro badan oo ka hawl gala Kiiniya, Soomaaliya, iyo meelo kale. Dabadeed intaa ka dib wuxu noqday saxafi madaxbannaan oo daneeya arrimaha daaha-ku-qarsoon ee la xidhiidha gargaarka caalamiga ah ee aan toos looga tibaaxbixin warbaahinta. Maykal immika shaqadiisu waa qoraa nashqadeeye ah iyo soosaare.


Inkastoo ay ka soo wareegtay 27 sanno wakhtigii la allifay buuggan, haddana wali wuxu xanbaarsanyhay qiimo gorfayneed, qofkasta oo dabagal ku sameeya mawduuca iyo hadhayntiisa dhulka wuxu arki karaa in ayna wax sii buuran ayna iska baddlin xagga dawaldaha iyo ururrada dawaliga ee deeq bixiyayaasha ah, kuwa ka shaqeeya, kuwa maamula hawlgallada samafalka, ama kuwa awoodaha maxaliga ah gacanta ku haya gobolada dhibaatooyinku ka aloosan yihiin. Haddii aynu ka tagno oo qudha taariikhaha, magacyada iyo dhacdooyinka qaarkood, waxaynu waajaynahanaa isla xaqiiqooyinkaa qadhaadh.

Qoraagu wuxa uu hordhaca buugga ku sheegayaa “buuggani wuxu ku saabsanayahay kaalmooyinka iyo hawlgallada samafalka in uu yahay wax soosaar, diin, nidaam naftiisa u shaeeya, oo aan ka labalugoodin in uu ku naf huro nolosha shaqaalihiisa, ama dadka ka faa’idisatayasha la beegsanayo si uu koryo naftiisa una sii jiro oo isu naaxiyo, qaybo badan oo buuga ka mid ahi waxay xoogga saaraysaa Soomaaliya, laakiin waxaan cuskaday khibradayda aan u leeyahay urudada smafalka, oo gaadhaysa 19 sanno, oo aan ku sugnaa gobadallo kale oo Africa ah, sida Kiinya boorkiinafaaso, Nejeriya, Ruwanda, Sudan, Itoobiya, sida ay dadka Ameerika ama Yurub jooga u badanyihiimm, waxaan in badan maqlay yeedhmooyinka ururdada smafalka ah, iyo ku faanitaankooda waxqabadaka ay ka wadaan dunida saddexaad, haseahaatee afrikadaan manta aqaan aad bay uuga liidataa sidii ay ahayd markii u horreysay ee aan imi”.


Soo bandhiggan kooban waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba tiir oo asaasi ah, oo ay ku wareegayso hordhaca iyo 19ka cutub ee u ka koobanayhay buugani, waxayna diiradda saarayaan muxuu Maykal u doortay erayga “cadaab” si uu sifeeyo raadka taban ee garkaarka iyo samafalka dawliga ahi leeyhay.


Ka kowaad: quudinta gaajada


Waligeedba jawaab fudud oo faxalnimo xeel dheer xanbaarsan ayaa laga horegeeyaa, waydiinta guunta ah, maxaa ay halkan ka qabanayaan? Waayo, binaadanka ku dhibban aqoondarrada iyo saboolinimda iyo xanuunada iyo gaajada iyo dibudhaca ayey dartii kumayaal mayl u soo jarayaan.

Wajigaa sidaa u billicsan ee ay sheekadu leedahay in badan sii hakan maayo, marka la barbardhigo wajiyada kale ee mudiga badan ee ay sheekadu leedahay.


B) Shaadh cusub oo guumaysi:


Waayo aragnimada qoraagu waxay ka billaanbatay Africa sannaddii 1977 tuulo yar oo raacsan gobolka Miiro ee bariga Kiinya, halkaas oo uu ka ahaa tababare macallin oo luuqada ingriisiga ah, oo la socda ururka kooxaha nabadaynta ee marayknaka ah. Afar sannadood oo uu ku qaatay Kiinaya wuxu iskaga kala gudbay tiro ururo samafal oo reer galbeed ah, wuxu ku qancay in in ay tahay samafalka shisheeye sawir tifaftiran oo dib looga saxay gumaysigii ay qaarada madow hore u soo martay.


“waxa ay afrikaanku ka maqlaan reer galbeedka iyagoo aad uuga sheekeynaya horumarka, laakiin indhohoodu ma qabtaan hourumarkaas, waxay garowsadeen in hourumarka loo gol leeyhay ay tahay siyaasadda dulleynta oo ka dhigan gumayn, xilligii ay awoodda gumaysi soo caga dhigtay xeebohooda kumay odhan: waxaanu idiinku nimi si aan dhulkiina u xadno, xoolihiina iyo hantidiinana u miiranno, innmadiinana aan ugu shaqaysanno si ay u nadiifiyaan suuliyadayada, guryhayga waawayna u waardiyeeyeen, ee waxay u sheegeen: waxaan idinkuu nimi si aan idiin caawinno, waxay sameeyeenna dhab ahaan wuxa uu ahaa wax ka gaddisan waxy ku ballanqaadeen, immika, hawlwadeenada ururadada samafalka ee afrika joogaa waxay galaan guryo waawayn, waxayna ku dhex wataan baabuur ka sarreysa uskaga, waxyna wali ku adkaysanayaa in ay u yimaaddeen taakulayn”.


Sida uu qoraagu isku xidhay nuxurka dhaqankii gumaysigii hore iyo nuxurka gargaarka reer galbeedka ee cusub, sidoo kale wuxu isku xidhay dabaqooyinka gudaha ah labada arrimoodba ka dheefay iyagu.

Sidii ay xaaladdu ahayd wakhtigii gumaysiga, wuxu shaqaaleysiiyay dabaqad ka mida dadkii muwaadiniinta intii aqoonta lahayd si ay uugu fushadaan shaqodooda. Waxa lagu abaal marayay dabaqaddas xidhiidh fiican oo la yeelato ajaanibta, waxayna ku raaxeysteen mushaharro ka badan ka ay helaan shaqaalaha kale badidood. Waxaanay heli jireen agab dibadda looga soo dhoofin jiray, waxaana loogu deeqay waxbarasho ay dalal dibadda ah ka helaan, iyo fiisayaal dalalka shisheeye ay ku galaan, ajaabintuna waxay u adeegsadaeen dabaqaddaa xadhig isku xidha iyaga iyo shicibka intiisa kale, waxaana dabaqaddaa xaq loo siiyay inay ku hadasho afka shacabka, oo ay codkiisa matasho, dhab ahaanna, dabaqaddaasi iyagoo ilaashanaya danohooda ay ka kasbadeen hannaankaas, waxay u gudbin jireen ajaanibta waxa ay doonayaan ajaanibtu in ay maqlaan, oo ah, hanaanku si habsami leh ayuu u socdaa.


T) Badeecadaynta macluusha


Sida uu caqliga reer galbeeda ahi sawirnayo, ama dheh sida caalamka oo idil u sawiran, gaajadu waa calaamadda ugu cad ee la la xidhiidhiyo qaaradda Afrika, sawirka ilmaha yare e madow ee qaawan, ee bilaa kabaha ah, ee indhaha tiiftu ka muuqnayso leh, iyo lafaha soo baxsan, iyo uuska soo kuusan macluusha darteed, taasi waa sawir aad loogu yaqaan afrika, oo ay si waydaarsadaan wakalaadaha wararka aduunyadu, ilaa todobaatanaadkii ilaa maanta.


Wuxu sheegayaa qoraagu in weedhaha sida “macluusha itoobiya”, ama “macuulsha soomaaliya” ay carrabka si fudud ugu soo noqnoqon ogtahay, sidii ooy tahayba arrin khasaba oo aan laga badbaadi karin, sida adigoo yidhaa “cirku waa buluug”.


“Maraykanku waxay kaga tagaan sixniyada ay wax ku cunaan cunto ku filnaan lahayd quudinta malaayiin afrikaan ah oo gaajoonaya” weedhaa asnahaxa xun waa mid ka mida weedhaha ay ku celcelinyaan ururrada iyo hay’adaha samafalka ah ee reer galbeedku, waxa ay siinaysaa qofka fahan ah waxa qudhaata ee mihnadda u ah afirkaanku in uu yahay in ay gaajoodaan.


Waxa uu gaddinayaa qoraagu fahankaas la caadaystay, wuxuuna ku doodayaa reer galbeedku in ay iyagu u baahanyihiin afrikada gaajoonaysa, ee aanay caksiga ahayn, “macuulshu afrika waxay u taagantahay boos aynu ka cibbir qaadan karno maalqabnimadeena, guusheenna, iyo badhaadhaheenna, macuulshu waa mugdi aynu ka dhex arki karno fiicnideena ilbaxnimo. Macluusha jirintaankeedu waxa ay daruuri u tahay si ay u muuqato sarreynteenu”. Waxayna ka dul boodaysaa su’aasha daaliska ah ee “dhab ahaan ma macuul baa jirta mise maya?’. Sidaas darteed, macuulshu waa badeecad qaali ah oo tahay la ilaaliyo, si fiicanna loo suuq geeyo.


Waxa uu qoraagu tusaale qallafsan u soo qaadanyaa suuqgaynta macuulsha sawirka caanka baxay ee u qaaday sawir qaade caddaanka kuunfur afrika ah, kiifen karter, sannaddii 1994, sawirka waxa lagu qaaday ban cidlo ah (qaaxil ah) oo ka fog hal killomitir kaam cunto oo raacsan qaramada midoobay, waa ilma yar oo suudaani ah, oo la golongolay gaajo, oo aayar u sii gurguuranaya, dhanka kaamka, isagoo geeridiisa sugaya, sidii gorgor dhaawacan, wuxu sawirqaaduhu si toolmoon isu dul taagayaa dhagax ka danbeeyaa ilmahaa loo naxaanka ah, sawirka wuxu ku soo baxay xayasiis ay samaysanayeen ururka “badbaadiya caruurta”, ee maraykanka. Waxana lagu daabacay sawirka hoostiisa farwaawayn weedha ah: joojiya noocyada kala duwan oo ka mida xadgudibyada caruurta.


Isdiidada la yaab kale leh waxay ku jirtaa, ururka “badbaadiya caruurta” wakhtigaa kumuu hawl gali jirin suudaan, xayasiiskaa qalbi jabka watana waxaa loo adeegsaday si loo helo taageero xukuumi ah iyo tabarrucaad bulshada lagaga uruursaday, oo mashaariic kale la galiyay, se ilmihii suudaaniga ahaa meel u ku danbeeyay cidi kama war hayso, marka sawirkaa laga qaatay, xita sawir qaadihii oo markii danbe muujiyay in uu ka xunyahay in uusan isku dayin in uu ilmahaa yar badbaadiyo, wuxu ku dhintay isdaldalaad, afar bilood ka dib markii la maamuusay ee sawirkiisana abaalmarin calaami ah ku guulaystay.


J) Heerarka warbaahineed ee ay marto macaluushu


Qoraagu waxu sharxayaa wareeg warbaahineed oo shan heer ah, oo ay tahay in ay macuul kasta, ama aafo kaleba ay soo marto, sii loogu tiriyo inay tahay aafo bini’aadan, oo ay tahay in la faragaliyo si looga hortago, taasi waxay ka dhigantahy haddii masiibo ay heerka kowaad ama ka labaad ku joogsato in ayna heli doonin soo jiidashada indhaha dunida, sida ay u soo jiidan karto masiibo shantaa her soo martay, wuxu ku tilmaamayaa maculuushii soomaaliaya ee bilowgii 90kii inay tahay muunadda masiibada bini’aadan oo soo martay shanti heer ee warbaahineed, oo ku soo afmeratay faragalintii marykanka iyo adduunwaynaha dhamaadkii sannadkii 1992.


Herka kowaad: waxay ka dhigantahay digniin, xilli hore ah, oo ka soo dhacda sida caadiga ah ateenka adeegga ee Rooma ama Jiniif, oo ah xarrumaha barnaamijka cuntada adduunyada, ee raacsan qaramada midoobay, wuxuuna xanbaarsanyhay digniintu khatarta ay leedahay macluusha ku soo foolle ah dad tiro badan oo meel jooga, haddii uusan caalamku u dhaqaaqin dartood, wuxu na ku baraarujiyaa baahida loo qabo tabburaacaad dheeraad ah si looga baaqsado masiibada.


Heerka labaad: waxay ku kacaan ha’yadaha garkaarka ee yar ee ka howlgala goobtu, in ay ay ku qanciyaan badh ka mida warbaaahinta, siiba ta maqalka iyo muuqaalka ah in ay jirto macluul la iska indho saabayo, dabadeed waxa gaadha goobta tiro yar oo wariyayaal ah oo qisada si xamaasad leh ugu soo tabya caalamka, soo tabintaasi macaluusha iskeed uuguma saabsana, inta uu ku saabsanyahay ogaansheheeda.


Heerka saddexaad: waxa soo kordha tirade warbaaahinta goobta ka soo muuqanaysa, qisada gabi ahaanba wax fudud bay noqotaa, macaluul la ogaado iyo dad meel fog oo halis ah lagu illoobay, rafaadka dadka ayaa cinwaanada wararka qabsada, waxana abuuranta xaalad akhlaaqeed oo saamayn leh, waxana la maqlaa dad reer galbeedka ku canaananaya, aamusnidooda ku aaddan silicaa, markaasay dadka warka akhrisanaya iyo kuwa daawanaya warwar iyo danbi dareemaan, waa in aynu imika dhaqaaqnaa, waxa la dhigaa kharashaadka macluumaadka ee warbixinada wararka tilmaamaya heerkarka kor u kaca macuulsha iyo balanbalka.


Heerka afraad: waxaa la horumariyaa sida loo soo gudbinayo wararka macuulsha, waxaa kor u kaca tirada dadka ku waxyeeloobay ee ay iswaydaarasanayaan warbaahintu, tiro buuran ayey noqtaa, oo si laxaad leh u noqda qodob isgaddi, qisooyinka la soo warinayaa way ku kala tagsanyihiin tirada, laakiin waxay ka dhigaan in wayrbaahintu adeegsato erayo la mid ah: Macaluushii qarniga, Holokoost. Cadaab iwm.


Heerka shanaad: waxaa ku qulqula goobta wariyayaal jaraa’iddo caan ah u shaqeeya, iyo wariyaraal wakaalado maxalli ah ka tirsan, masiibadu waxay noqotaa qaddiyad caalami ah, taageero ayaa lagu afrogaa haayadaha samafalka ah, jaraai’dada waxa lagu faafiyaa liiska haayadaha lagu soo hagaajin karo tabarucaadka, waxay si bilaash ah u soo bandhigaan muuqbaahiyayaashu taleefannada ha’yadaha samafalka.


Labaad: maalgashiga bohosha


Waxa u gacanta u galaa gargaarka shisheeye nidaamayo musmaqaaq ah iyo bulshooyin dunsan oo lunsada, waxayna sii libinlaabtaa dhibtaada ka dhalata, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba, marka la eego jiritaanka bii’ad oggol waxasoosaarkaa taban ee xumaanta, soomaliya ka hor bilowga dagaalka sokeeye iyo ka dibba arrintaas ayey tusaale cad ka tahay.


1- garaarka cunto ee maraynka:


Qoraagu waxa uu sheegayaa in dhamaan garaarka cunta ee maraynka ee soo gaadha dunida saddexaad in uu hoos yimaado qaanuunka maraykanka ee guud ee tiriskiisu yahay 484, wuxuuna leeyhay qaynuunkaasi saddex qaab fulineed.


Qaabka kowaad: Waxa loo qaybiyaa inta ugu badan raashinka, in laga iibiyo ganacsato maxalli ah oo ascaar hoose lagaga iibyo, oo xitaa aan gaadhsiisanayn kharashkii lagu soo raray, waxaana maamusha wasaaradda beeraha ee maraynkan, qaabkan wuxu wiiqayaa dadaallada ay beeraladayda maxalliga ahi uugu jiraan in ascaar ku habboon ku helaan waxsoosaarkooga, taas waxa ka sii xun, qaabkan nidaamyada kelitaliska ahi waxay ugu faa’idaystaan si ay jilbaha ugu aasaan sii jirtaankooda, sidii u sameeyay Siyaad Barre 80-aadkii, markii u qasab kaga dhigay ganacsatada soomaalidu inay ka helaan xukuumadda liisan si ay badeecada dibada uga soo iibsadaan, waxayna ka dhiganayd tani waxa liisannada helay oo qudha xigtadii madaxwaynaha iyo intii raacsanayd nidaamskiisa.


Qaabka labaad: qaabkan waa si loo qaybiyo raashinka xaaladaha dagdagga ah, iyo barnaamajika ilaalilinta hooyada iyo dhallaanka, iyo quudinta ardayada iskuullada, waxana loo adeegsada mashariicda cunta siinta in la dheefsado ku shaqeysi,(shaqo=cunto) barnaamijyadan badankoodada waxaa fuliya bulshada rayidka.


Qaabka saddexaad: baraanimka quudin waydaarsiga hurumarinta. Waxaana lagu iibayaa raashinta suuqyada dalalka soo koraya, waxaana loo adeegsada lacagta ka so xarooto in lagu maaligaoyo mashaariic horumarineed oo isla dalkaas ah.


2- Hormarinta musuqmaasuqa


Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dawladaha u horreya ee taakulayn dhaqaale iyo mid meleteri ka hela maraynka, taas oo ay dhaafsan jirtay in uu maraykanku goobtaa istaatiijiga ah geeska afika kaga taal u joogo, oo isu miisaamo joogitanka suufiyeedka itoobiya deggan, sidoo kale waxa uu uga dan lahaa in uu halkaa ceelasha shidaalka ee khaliijka ka ilaashado, wuxuuna qoraagu sheegayaa in ay soomaaliya ahayd badhka mida sannadadaas dawaldda saddexaad ee taakuulanta dibadeed ka hesha maraykanka, oo ay ka horreeyeen un labada nidaam ee Israa’il iyo Masar.


Soomaalidu si guud wax la taaban karo oo togan kamay dheefin taakulayntaa ballaadhan, iskadaaye, badhkood shilin kamay arag tiradaa khiyaaliga ah ee taakulaynta ah, kharashaadka nolosha shaqaaleha gargaar ee qaaliga ah ayay qayb wayni ku lumi jirtay miisaaniyadda, guryo raaxayasi, baabuur laanguruusal, mushaharo sare, iyo dheefo lacageed oo kale, oo aan si rasmi ah loo diiwaangalin ayey miisaanyadda mashaariicda gurmadka iyo taakulnta ajnabiga ah qayb wayni ku lumi jirtay. Inta ka soo hadhay miisanayada waxaa lagu musuqi jiray qololka madow ee nidaamkii xukumayay, iyo masuliyiintasa jecelayd, oo xariifyo ku ah sida ay intooda uga goostaan lacagta horumarinta iyo taakulaynta ajnabiga ah.


Inta dhacdhaca ah ee dadka u baahan soo gaadhi jirta wuxu u qaybyay nidaamkii Siyaad Barre dariiqad uu u adeegsado in uu sii jiro awooddiisi sii kala daadanaysay, barigaa dhaqaalaha wadanku wuu sii burburyay sida ay siyaasadduba u sii liicaysay, macuunaatka raashinka reer galbeekuna waxay dowr muhiima ka ciyaartay burburkaas.


Waxa ay tilmaameen badh ka mida warbixinda ku kaydan jiniifa ee kaydka xarunta laanqeyrta arrimaha quxuunitaga ee qaramada midoobey, taas oo u Maykal ku lifaaqay buggiisa, hase ahaatee taakulanta dunidu ee la soo gudbiyay bilowgii 80aakii qaxootinkii soomaliyeed ee ka soo qaxay itoobiya ka dib dagaalkii geeska afrika ee 1977-1978 waxay gaadhasay 80 malayiin oo doolaar sannadkiiba,

Sidaa daraadeed wuxu ku dadaalay nidaamkii Siyaad Barre asbaabo siyaasadeed iyo tu dhaqaaleba in uu quxuutiga u quxuutinmo u ku sii hayo, waliba u ku sii libinlaabo tirooyin falki ah oo aan shaqo ku lahayn xaqiiqada, waana isla arrinkii ay sameeyeen hay’adaha reer galbeedka si ay uugu libinlaabaanto xajmiga taageerada xukuumiga ah iyo tabarrucaadka ay shacabka ka helaan, maraykankuna wuu iska indho saabay isdabamarintaa, isagoo ilaashanaya danihiis dhaqaale iyo kuwiisa istaraatiji.


Qoraagu tiro waraysiyo ah ayuu la yeeshay masuulyiin ka tirsan xukuumaddi hore oo beelo kala duwan ka soo jeeda, oo lagu bartay 80aadkii inay ku lug lahaayeen musuqii ku lifaaqnaa mashaariicdii gargaarka ajnabiga. Iyo tiro ka mida ah shaqaalihii hore oo isugu jira soomaali iyo maraykan, kuwaas oo ka soo shaqeeyay majaalka gargaarka, waraysidayadani waxay muujiyeen arrin khatar badan oo ah, in uusan maraykanku waxba uuga aabbo yeelin musuqii Siyaad Barre iyo qaababkii masiibada ahaa ee u maamulay mashaariicdii gararaaka, iyo xataa xadgudbyadii u kaga gaystay dhanka xorriyada iyo xquuqda aadamaha, nidaamkiisu wuxu saaxiib dhow oo taageero ka helo la lahaa saddexdii maamul ee marykanka Jimmy kartar, Ronald regan, Joorj buush (kii abbaaha ahaa), ilaa ay ka dhamaanaysay salaaxiyaddiisi, markii u dhaamaday dagaalkii qaboobaa, oo ay ka ridayeen jabahadhii beelahaa ee hubaysanaa bilowgii 90aadkii.


3- Qamadida maraykanka ee siyaadada ah


Wuxu ku xeeldhaaranayaa qoraagu sharraxaada saamaynta ay ku leedahay qamadidada maraykanku dawladaha dunida saddexaada, isagoo caddeynaya sida ay qamadida siyaadada ahi ay u noqtay baal ka mida baalasha arrimaha dibadda ee maraykanka.


Dagaalkii labaad ee dunida kadib ayuu maraykanku qamadi u dhoofiyay yurubtii burbursanayd, dhanka cunto ahaan wuxa u qorshaysnayd maarshaal barawaaqo dhanka beeraha oo uu maraykan gaadho, laakiin yurub si dhakhso ah ayey cagaheeda isugu taagtay, dhammaadkii 50-aadkii wakhtii john kilniton, wuxu ansixiyay koongerisku mashruuc magaciisu ahaa, Cunto nabad ku beddelesho, waxay ku kacayaan shirkadaha qamadida maraykanku inay ganacsatada beeralayda ah ka iibsadaan qamadida dheeraadka ah oo ay xukuumadda ka sii iibyaan, dabadeed xukuumadduna waxay ku raraysaa doonyo gaara, oo badankeeda ay leeyihiin ganacsatada qamadidu, waxaana loo raraya dawladaha gargaarka la la beegsanayo, sida ay u badantahayna waxaa loo qaybiyaa qamadadaa iyo badeecadaha cuntada ee kale qaababkii aynu kor ku soo xusnay.


Wuxu leeyhaay qoraagu “dadka dhab ahaan ka faa’idaystay barnaamjiyada garaarka waa ameerikaanka u dhigma dabaqaddii Siyaad barre ku xeersanayd, waa koox yar oo niman awood fulineed iyo lacag iyo xidhiidho leh, waa kuwa ka taajiray qamidada maraykanka”.


Sannadkii 1988kii wuxu soo saaray baanka adduunyadu diraasad gorfaynaysa gargaarka reer galbaeedku u siiyo soomaaliya, waxayna tilmaantay diraasaddu, in dawladaha deeqbixiyayayaasha gargaarka cuntadu ay xiiseeyaan marka u horreysa danahooda ganacsi iyo inay dhoofiyaan cuntadooda saa’idka ka ah, xaga ay ka ahayd in ay ka ilaaliyaan baahida ay dawladahaas qaabilaya gargaarku ay u qabaan inay yareeyaan ku tiirsanaata taban ee cunno laga soo dhoofiyo dibadda.


Waxa kale oo u sheegayaa qoraagu, in xilliga ay soo baxday diraasaddu ay ahayd wakhti danbe, waxa midho dhal ah oo la taaban karayana ma ay yeelan, si loo xalliyo mashaakilka ay sheegtay, waxayna u eegtahay warbixinnada dhaleeceenta wata ee rasmiga ah ee kale, in ay soo wada baxayeen waxyar ka hor intii uusan nidamkii Siyaad Barre dhicin, si ay iskaga ridan culayska masuulayada akhlaqeed ee ka saaran, walow warxbixinna ha noqotee, laakiin miyaa intaas uun looga fadhiyay?


Dariiqa cadaabta: waa tixraac u muhiima cilmibaadhayaasha iyo dadka daneeya siyaasadda soomaaliya iyo siyaasadaha reer galbeedka, gaar ahaan ta maraykanka ee ku aaddanayad soomaaliya 80-naadkii iyo 90-aadkii, iyo xidhiidhka ka dhexeeya gaajada iyo saboolnimada iyo awoodaha fulinta.


Buuggani aad buu u xiisa badanayhay, waxaana ka buuxa tafaasiil badan oo xanuun badan, qayb wayn oo ka midi waxay ka warramaysa soomaalaya, waddankaas ay dadkiisu waayeen rabitaanka, dhisadda, nabadda iyo hormarka, oo dabadeed noqday waddan dagaal iyo barakac ku calaamdsan. iyo dad gaajoonayanaya oo mashariic mala’awaala ay kaga shaqaystaan khubaro shisheeye.




Comments


Featured Review
Tag Cloud

© 2023 by The Book Lover. Proudly created with Wix.com

  • Grey Facebook Icon
  • Grey Twitter Icon
  • Grey Google+ Icon
bottom of page