top of page

Ciidamadu miyay ku raaxaystaan laynta dadka wakhtiyada dagaalka?

  • Jun 6, 2017
  • 5 min read

Updated: Mar 19, 2021



Wuxu ku sheegayaa Dave Grossman oo ah sarkaal hore oo ciidanka maraykanka ka tirsanaa, buuggiisa, (On Killing: The Psychological Cost of Learning to Kill in War and Society / Dilka: waxyeellada nafsadeed ee barasahda dilku u leeyhaya dagaalka iyo bulshada) in ay badi askrta iska caabin jireen intii suuragal ah in ay dadka dilaan ilaa intii ka horreysay dagaalkii fiitnaam (1955 - 1975). Buugiisa wuxu ku lafagurayaa xaqiiqo xanuun leh oo ah in %75 ka mida ciidamada ilaa bilowgii taariikhda ilaa laga soo gaadhayo dhamaadka dagaalkii labaad ee dunida, in ay lahaayeen iskacaabbin fidro ah in ay laayaan binaadan iyagoo kale ah, Alexander the Great wuxu ku khasaray 700 oo askri oo qudha gu’ayaashii ay dagaalladu oognaayeen, duullaan wadayaashii colaaddii Rosebud Creek ee sanaddi 1876 waxa qudha oo ay rideen 252 rasaas ah, intii u socday dagaalkii ay kaga soo horjeedeen hindiada cascas, ciidamadii dagaalkii Gettysburg waxay iskaga tageen markay dagaalka ka bexeen 27,57 oo qori, oo rasaastoodi ku jirto, qori kasta 10 rasaas oo aan la adeegsan ayaa luuga tagay, waana arrinka u badinaya in ay u kaseen ciidanku in ayna rasaata ku furan colkooda si ay u dilaan.


Maarshaal Brigadier S.L.A oo ah maraykan, wuxu leeyahya in ay u soo baxday in 20% qudha ay ciidamada u adeegsadaan hubkooda in ay wax uugu dilaan sidii looga bahnaa wakhtiyada dagaalka, xilli lagu jiray tababar mileteri waxaa soo baxday in guuto ka kooban 200 oo askri in ay awoodaan shiish la helidda bartilmaameed u jira 225 yard, xaga 40% ay lahelaan fogaansho u jira 150 yard, xaga 60% ay gaadhay fogaanshaha ay kala shiishi karaan 70 yaardh ah, waxaa yaab noqotay markii la darsay, in isla guutadaasi wakhtiga dagaalka la joogo ayna la heli karin shishka isla bartalimaameesdsigaa kor ku xusan, xitaa hadii fogaansho dhaw looga dhigo.


Maxay taasi ka dhigantahay? Grossman wuxu xaqiiqooyinkaa kala soo dhex baxayaa in iska caabinta dilka binaadanku yahay dareen xeeldheer oo dhuuxa kaga jira ciidammada, oo waxa caddaatay in ay kas uula waawayayeen halbeegyooyinkooda si ay u garab maraan dilka aan daruuriga ahyn, intii u socday dagalaakii labaad ee dunida garabkii xolafadu iyo German-ku waxay garaacayeen magaalooyin dad ka buuxo, iyagoo ugu gol lahaa in ay raydika aragax ku ridaan, nafsad ahaanna waxyeelleeyaan, laakiin arrinka yaabka noqday wuxu ahaa in (Psychological disorders) ka ku dhacay dadka rayidka rafaadsani inbadan uu ka yaryahay xanuunnada nafsad ahanned ee ciidanka dagaalka ku jira ku dhacay, wuxu ku doodayaa Grossman in ay ciidanku ku qasbanaayeen in ay fuliyaan amarrada dilka ee ay farayaan madaxdoodu in ay tahay waxa kor u sii qaadayaa oo sii libinlaabaya dhibaatadooda, caksiga taa raydika iyagu kumay qasabaneyn in ay cid dilaan.


waxyeellada nafaseed ee foosha xun si loo baabiiyo iska caabinta fadriga ah ee layinta binaadnka sida uu Grossman sheegayo wuxu ka soo baxay intii uu socay dagaalkii fiitnaam, dagaalkaas waxaa lagu tababaray ciidanka si manahjiayaysan in ay la heshiiyaan falka laynta dadka, iyadoo loo maray xeelado gaar ah oo beegsanaya in laga siibo binaaminimada dadka ka soo horjeeda ee ay is hayyaan, iyo in laga baabiiyo in ay arxan u dareemaan dadka ay dilayaan si ay uugu fududaato dabar gooyntoodu, in ka badan 50% ciidanki marayknaku waxay dalkoodi ku noqdeen iyagoo u hayo (post-traumatic stress disorder), waxayna taasi ku sababtay in ay daroogo isticmaalaan, qosyaskoodina sidaa ku buburo, lacag la’aanna waajahdo, dabadeed waxay ku danbeeyeen darbi-jiif.



Laakiin macallimada soyaalka ee jaamacadda London Joanna Bourke ra’yi kaas ka geddisan ayey qabtaa, waxay leedahay in laga siibo caqabadda nafsadeed e ku aaddan laynta daka waxay ka dhigaysaa dilaaga in uu ku raxaytso in uu dhiig qubo, badanka ciidanka sidaa ah waxay uu qaybsay Joanna laba nooc, qayb ayna u suuragalin in ay dilaan codwagoodi, iyo qayb ayna u suuragalin in ay heshiis la noqdaan falka dilka, la heshiiska falka dilka cadwogu waxay ka bilaabataa sida ay qabto Joanna in aan la shaydaamayn cadwoga, oo aan laga siibin binaadanimadiisa, iyadoo lagu qanco mutaysashada dilka cadwogu kama horimanayo qiraalka binaadnimadiisa, waayo markaa waxu noqonayaa fal ogaansho iyo masuuliyad lagu fulayay, iyadoo loo hagaamsnayo amar hoggaan sare ka yimi.


Waxay daliishanaysaa Joanna badh ka mida caddaymo askar, sida sarkaalaga William Broyles oo ku adkaystay in sabata ay ciidanka dagaallada soo maray ay uuga fogaadaan tabinta sheekaooyinkooga in ay tahay iyagoo ka cabsi qaba inay soo baxdo wax ku saabsan wakhtiyadii macaanka qarsoon ay ka heleen dilka cadywogooda, in ay cabbbiraan dareenkaas waxay u sawiri kartaa dad bahallo ah oo u hamuum qaba dhiig cab ciyaalkooga iyo xaasaskooga hortooda, wuxu leeyahay William Broyles dagaalku waa isboorti dhammaysitran, waayo waxa inagaga baxa awooda jidheed iyo mid nafsadeed ta uugu sarreysa, wuxuuna isa sii waydiinayaa, dadku miyayna ka helin xiiso wayn ciyaarista dilka ilkitrooniga ah (video games) iyo daawasadaa filimaanta dagaalka (war cinema movies)? Xamasadoodaasi miyayna daliil u ahayn jirtiaanka u diyaarsanaan fidri ah oo ka dhigin ku raaxaysiga dilka dhabta ah?


Waxay Joanna Bourke ku sheegaysaa buuggeeda “An Intimate History of Killing: Face to Face Killing in Twentieth Century Warfare), in ku raaxaysiga dilka, sidii inuu yahay (fal eros ah)* in ayna ku koobnayn ragga o qudhaata ee xitaa dumarku ay la wadaagaan, buuggeedan kor ku xusan waxay ku diidaysaa doodda ay ku celcelyaan muxaafidiinta (conservative) iyo dhaqdhaaqyada xuquuqda dumarka (feminist movements), kuwaas oo ku doda in ay gabadhu tahay (naxariis badane nabad galyo leh oo ka soo horjeeda burburka, jiritaankeenana ay u hibaynayso nolol), waxay leedahay babdhaqanka gabadhu kama duwana ka ninka, marka ay ka guulaysto dareenka diidmada dilka, labadooduba waxay ka helaan macaan qarsoon in ay naf jaraan, waliba in ay gabadhu ka qayb gasho falalka dilka wuxu ninka siiyaa ku dhiirasho, waxay tuslaae u soo qaadanaysaa gabadh kalkaaliso caafmaad ahyd oo la yidhaa Flora sandesh oo markii danbe isku badashya askariyad kana soo dagaalantay Seeribiya wakhtigii u dagaalku kowaad ee dunidu socday, flora snadesh dilka waxay ku baratay dagaalkaas, dabadeed aad ayay uugu celceisay ilaa ay ka gaadhay inay ku raaxaysto, waxayna sii wadday inay dadka uuga sheekeyso sida ay uugu raaxaysatay tajribadeedaa markii uu dagaalku dhamaaday ilaa intay ka dhimanaysay.


Waxay Joanna tilmaamaysaa in sirta ku jirta inay raggu diidaan in ay dumarku ka la qaybgalaan dagaallada inay tahay iyagoo ismoodisiinaya in ayna gabadhu nafteeda kaantarooli Karin marka ay indhaha saarto argagaxa dagaalka, intaa waxa dheer iyagoo ku andacooda in ay ka baqanayaan in haddii gabadhu dagaalka barato oo ciidanka la qoro dumurka in uu khalkhal ku dhacayo dawrka bulsheed ee loo kala cayimay ninka iyo gabadha, laakiin dhaqdhaqaayada xorynta dumurka, waxay waayadan danbe ku guulaysteen in ay gabadha hesho xaqeeda in ay ku biirto ciidanka qalbka sida, kaas oo 38 dawladood qaynuun manta ak ah, 18 ka midi ahina ay dumarka u diraan goobaha dagaalka, 6 dawladood oo ka mid ahina ay ku qasbaan dumarka in xoog lagu ciidangaliyaan.




*Kalamad giriig ah oo ka dhigan waxa la macaansado.



Comments


Featured Review
Tag Cloud

© 2023 by The Book Lover. Proudly created with Wix.com

  • Grey Facebook Icon
  • Grey Twitter Icon
  • Grey Google+ Icon
bottom of page