top of page

Gooni-isu-taagga: Aragtiyaha iyo waaqica

  • Sep 1, 2017
  • 10 min read



Waxa lagu tiryaa go’itaanka soomaliland ay ka goosatay soomaliya –kaas oo dhinac kaliya ah- masalooyinka siyaasadda soomaaliya cakiran muddo 27 sanno ah, sababo la xidhiidha isku-murgan gudeed iyo saamaynta siyaasadaha gobolka iyo kuwa dawliga ah oo adag awgood.


Si aan u furfurno dhinacyada aragtiyeed iyo qayanuuneed iyo siyaasadeed ee masalada gooni-isu-taagga waxaan maqaalkan ku soo bandhigayaa diraasad isbarbardhigeed oo ka soo baxday macadka Nordiska Afrikan institutet ee diraasadaha afrika ee dalka Sweden, taasoo magaceedu yahay “xaqa aayo-ka-tashi iyo u hanqal taagga gooni-isu-taagidda soomaliland iyo south sudan: caqabadaha dhisitaanka dawlad wakhtiga guumaysiga ka dib”.



Aragtiyaha aayo ka tashiga


Si wayn ayey u kala duwan yihiin doodaha aragtiyeed ee dhexyaal xaqa aaya-ka-tashiga. Waxaana kolba sargoynaya nooca qadiyadda markaa laga hadlayo. Ha ahaato xaq qofeed, mid bulsheed, qaran, isir ama ummadeed; xaq dhaqaale ama mid siyaasadeed, xaq is xukun ama mid madax bannaani; ama xitaa xaq la midboobid qaran siyaasadeed. Aaya-ka-tashiga iyo gooni-isu-taaggu wuxuu si xeel dheer ula xidhiidhaa jidbixinta madaxbannaanida dawladda. Gooni-isu-taaggu aalaaba wuxu u dhacaa u jaridda xidhiidhka dawlad dhisan, waxayna noqon kartaa dawlad burbursan oo kala furfuratay. Aayo-ka-tashi walibaana qasab ma aha in uu ku biyoshubto gooni-isu-taag.


Sidoo kale waa ay kala duwanyihiin seesaska siyaasadeed iyo kuwa qaynuun iyo kuwa akhlaaqeed ee u ka duulayo aayo-ka-tashigu, oo waxay mar walba ku tiirsanyihiin ayadaloojiyadaha siyaasadeed ee dhexyaal bidxda maarkasiyiinta,(1) iyo kuwa ku dooda aragtiyadaha bulsheed ee waaqicayada (Political Realism) (2) iyo kuwa muxaafidiyiinta lebraalka ah. Aragtiyaha maarkasigu iyagu waxay ke eegaan xaqa aayo-ka-tashiga (oo koobsanaya xaqa gaani-isu-taagga) dhinca umadaha dulmiyaga loo geystay, iyagoo xoogga saara calqadaha dabaqooyinka iyo danaha shaqaalaha.


Xaga ay ka qabto aragida dimqraadiyadu in xaqa dimiqraadi ah uu u leeyahay shicib waliba in uu isagu naftiisa xukumo, oo u si xor ah u dhisto uraradiisa siyaaseed, aragtida lebraal ku iyana waxay xoogga saartaa xaqa aayo katashiga qofeed, xaga aragtida bulsheedna ay ku baaqdo xaq ka tashiga masiirka bulsheed iyo umadeed, aragtida waaqiciguna (Political Realism) (3) waxay xoogga saartaa mabad’a ah nabdooniada dhulaka oo laga ilaayo kala googoynta, xaga ay aragtida cadaalada goboleedna ay ku baaqdo xaqa shicbku u leeyhay madaxbannnida dhulkiisa.


Waxa jirta aragti aan caan bixin sida kuwaa hore ee kalaasiikiga ah, sida aragtida silica iyo dawanta (The theory of Suffering and Remedy), waa atagti ka dhigan in uu gobal galay dagaal budhacadeed muddo dheer, intii u socdayna ay xadgudbyo xuququl insaanka ah u soo gaadhsiiyay taliska dhisani dadka laga tiroda badan yahay, waxayna xaq u siinaysayaa aragtidanai gobolkaa dhisadda dawladiisa u gaarka ah, iyo in ay dunidu ictaarfto si dawayn looga dhigo silicii iyo dhibaayooyinkii loo gaystay.


Aragtidan dad baa ku diiday in aanu gooni-isu-taaggu uuna ka dhignayn marwalba yaraynta cunfiga iyo dagaansho la‘aanta, waxayna ku doodeen, waxaba laga yaabaa in gaani-isu-taagga gobol u ka go’ jidhkii dawaldda, in ay horseeddo gobollo kale iyana inay dalbadaan gooni-isu-taag, taas oo albaabka u furasyo dhibaatooyin cusub oo laga yaabo in ay sii dheeraeyaan wakhtiga cunfiga.


Waxay ka dhigeen jidbixiyayasha caalmaku (Cosmopolitan theorists) ka tashiga masiirka mid shardi ku xidhan, sharidigaas oo ah dawalladda cusbi waa inay awood u leedahay sugidda nabadagaliyada iyo amniga iyo dhawrsita xuquuqda binaadanka, ma ah oo kaliye muwaadintiita ku nool e, xitaa waa in ay sugtaa dadka ka baxsan xuduudeeda, sidaas bay ku hanan kata icitraafka dawaladaha jaarka iyo bulshada caalmka.


Waxa isna jira qaab cusub oo la ydihaa “qaabka bin aadimeed”, wuxuuna u arkaa qaabkani ka tashiga masiirku inuu yahay xaq aasaasi ah oo ka mida xuquuqda bin-aadanka, waana qaab cusub oo ka gaddisan kuwii hore ee kalaasiikiga ahaa ee xoogga saarayahy laf-dhabrahanimada dawladda ee ka talinta masiirka, laakiin qaabkani waxa uu wajahay naqdi ballaadhan, waayo, wax la taaban karo kumuu soo kordhin mashruuca dhisadda dawlad qawmiga, waana marhruuca loo arko in uu yahay mushkildda uuga adag ee ka taagan Afrika.



Fahanno iyo cakirnaan


Waxay horyaalla fikradda ka tashiga masiirka taxaddi balaadhan oo kaga imanaya dhanka aragtida madaxbannnida dawaladda, kaas oo hadafkiisu yahay xaqiijinta sinaata dawaladaha iyo ilaalinta nabdoonidooda goboleed iyo madaxbanindooda siyaasadeed, oo dalbashada ka madax bannaantu waxay ka dhigantahay iyadoo lugu xadgudabay siyaadedii dawaladda iyo iyadii oo la furfray dawalad oo ka dhigan bu’uda bulshada caalamka. madaxbannaanidu waxay dowr kaga jirtaa xhididhka u dhexeeya dawaladaha, waxaynu odhan karnaa inay tahay dawaladdu kayaan laga hago dibaddo, markay noqoto sharacaiyadeeda.


Iyadoo ay taagan yihiin khilaafyo aragtiyeed, haddan fahanka ka tashiga masiirku si guud wuxu u muuqdaa in uu ka soo unkamayo xoojinta faslafeed ee badelidda hanaqal-taagyada bulshooyinka waaqic la taaban karo. Iyadoo la xoojiyo sinaanta bin-aadnka ah ee asalaka ah.

Wuxu ku sugamaa qarannimada dawladdu halbeegayadan: dhul, dad deggan, xukuumad, iyo madaxbannaani, aragti ahaan shicbka intaa koobsada waxay tahay in uu hel ictiraaf dawli ah, shuruudda caynkaas ahi waxay koobsanayaan dhan dhaqan sidoo kale, oo waxay u muuqtaa in mujtamac walba oo wadaag dhaqan in uu mudanyahay in u yeesho dawalad madaxbannaan, oo uku fushado danihiisa dhaqan iyo siyaasadeed, wuxa xoojinaya mandiqnima (loojignimda) dooddani badi bulshooyinka kala dhaqannada duwan ee afrika ee aan xaslinoonyan, ee aan awood u lahayn inay dhawraan ishaysadaka dawaladda, iyo dhisnaataeeda.


Haddii gooni isu taagga lagu qeexo, asal ahaan, in uu yay ka bxintaanka dawald dhisan, taasi waxay ka dhigantahay markaan qaadano qeexintaankaa goosad dhuleed oo keenaya kala daadasho gobol. Halkaana waxa ka soo baxaya shardi aasaasi ah, si loo waafaqo mashruuca gooni-isu-taag, oo ah in ay waafaqo dawalad laga goosanayaa, oo keenaya dabadeed ictiraafka beesha caalaamka, saamaynta siyaasadeed iyo qaanuun waxay ku qontantaa hadii ayna waafiqin dawaldda laga goosanayaa, ee waayaysa dhulka iyo muwadininta, in la iclaamyo gooni-isu-taag dhan qudhata ahi, ma yeelanayo micno la sheego.(4)


Doodda ku wareegaysa fahannada ka tashiga masiirka iyo gooni-isu-taaggu waxay la xidhiidhaa qiimaha caalamka ee mabad’eed, kaasoo bilowgii ku koobnaa masiirka dawadladaha Yurub, oo dabadeed dagaalkii dunida ee labaad noqday mid koobsanaya masiirka dadyowgii u hasytay guumaysthii reer yurub si u soo afjaro gumaysgiii kalaasiikiga ahaa, marxaladii ka danbeysa isticmaarka wuxu noqday mawduucani mid ku dhaw in uu ka soo af jarmo saaxada dunida. Gaar ahaan afrika. Taasoo la go’aamiyay in ay xuduudda istimaarku muqddas tahay, dawaladeheeduna dhamaan isku waafaqeen in aan la farafarayn xuduudda, loona aqoonsado xuduud dawli ah oo rasmi ah, ariinkaa waxaa dhidibada luugu aasay heshiiskii ururka midowga afrika sannadkii 1964.(5)



Soomaliland iyo South Sudan


Ka dib fufurankii midwgii suufiyeetka waxay yeelatay shaacsanaha gooni-isu-taagga siyaasadeed firfcooni laxaad leh, laakiin si guud waa firfircooni aan looga tusaale qaadan karin xaaladaha afika, (6) waxaana rumobay in sababaha siyaasadeed iyo dhaqaale ay dowr wayn ka ciyaaraan gooni-isu-taagga gobalada, taas oo lugu daray goobta u ku yaal gobolka oo ama fududayn kara gooni isu taagga ama adkayn katra.


Waxa ugu mhuumsan sababaha saamanta ku leh labada xaaladood ee soomaaliland iyo south sudan arrimahan soo socda:


  • Seeska (taariikheed & qaynuuneed)


South Sudan muu ahayn kayaan gumaysi oo si cad u madax bannaan, iyadoo oo u u xukmay gumaystihii ingriisku qaab ku dhow madax bnaani ilaa sannadkii 1946, waxay u ordayeen reer koonfureedku (iyadoo sababo kalena ay jiraan) in uu gobalkoodu xaqa aayo tashi ay helaan, laakiin si kastaba ahaatee maamulkaa madaxabnaan wuxu hoostagayay xunkunkii Ingriiska iyo Masar ee Sudan ka talinayay, kaas oo galay meeshii xkunkii Turkiga iyo Masar ee suudaan.(7)


Waxay koobsatay khariirada cusub ee Suudan gobolka koonfurta suudaan, waxaan si jilcsan loola mideeyay koonfurta gobolada kale ee suudaan ee ingriisku gumaystay, dawalddii sudaan ka dhistnatay xilliiyadii gumaysiga ka dib kuma aysan guulaysan in ay iskugu tagaan dhinacyadii kale duwanaa qaab loo bogay, sidaa darted bay koonfurta suudaan u ahayd gobol dayacan waligiiiba.


Dhinaca kale goblka Soomaalinad isagu wuxu ahaa gobol u aasaaysay gumasythii ingriisku, oo wuu ka madax bannaanaa goblladii kale ee soomlidu degenayd, wuxuuna ka helay madaxbnaandidiisa gumasytihii ingriiska 26 june sanadii 1960. Waxyna u ictiraaftay qaramada midoobay inuu yahay qaran madaxbanaan muddo shan cisho ah, ka hor intii uuna la midoobin soomliayadii talyaaniga.


Goblka soomaliland wuxu si buuxda uuga midasanyahay dhanka isirka iyo afka iyo diinta, taasoo ka dhigan in ay suurgal tahay in mawqifka soomaliland uu ka xoog bato mawqifka South Sudan marka la eego seeska qaanuunka dawliga ah, halkaas waxay ka soo baxaysa doodad soomaalinad ee leh la midowga soomaliaye wuxu ahaa mid doosnitayda ku yimi, taasoo xaq u siinaysa goblka in uu dib uuga noqdo midawga hadii uu culays ku noqday Soomaliand.


Dhaxlkii gumasyga markaynu eegno waxa uugu wayn ee soomaliand ay ku doodasyo aayo ka tashigeeda iyo gooni-isu-taaggu, gumasihii ingriisku maxaafika ahaa wuxu ku dhaqmi jiray siyaasdado xukun oo aan toos ahayn, taasoo oo ka gaddisan gumaystihii talyaaniga, arrinkaasi wuxu keenay samaysanka awoodo iyo ha’ado taqliidi ah oo xilliyo hore woqooyiga soomlaiya ka samaysmay, waxaana ka dhaltay khibrado isbiirsaday oo mar danbe goboku u adeegsaday najixinta suguudda amniga, iyo dhisadda mu’assadtak siyaasi oo wadani ah, iyo hirglainta doorashiiyin madaxtooyo (waana arrin dhif ku ah dhicitaankisu qaarradda afrika). Iyo isku dhafka qaab dhismdeeyadii rerahah iyo awoodihii siyaadadda, iyo dhidibbo u aaska xasiloonni dhammastiran, marka laga reebo loolanka ka dhexeeya goblka iyo jaarkiisa bari ee butlaan mooyiye.


Intaa waxad ku dartaa, in tilmaamidda dhaxalkii gumasyga iyo xoojintiisa waxa gadaal loo adeegsaday si loo minceeyo sharciyada gooni-isu-taagga oo waajahsya heshiiyada iyo axdiyada dawliga iyo kuwa goboleed ee xaarumtnaysa beddel ku samaynta xuduuddii gumastaha ee qaaradda afrika, iyadoo laga duulayo in uu gobalku bilowgiiba ahaa kayaan si madax banana oo gooni ah loo gumaystay.


· Haybta


Waxa la odhan karaa xujooyinka uugu cadcad ee ka dhigtay sababaha gooni-isu-taagga South Sudan qaar ka xoog badan kuwa ay haysto Soomalilnad waa sababo la xihdiidha dhinacyada isir iyo dhaqan aheeneed, masalada isirka iyo dhaqnka ee u dhexeeya South Sudan iyo sudaanta woqooyi ayaa ka dhigtay mid ku filan ka dhaadhicinta beesha caalnka si u ugu ogalaado South Sudan in uu dhisto dawladiisa u goonida ah.


Waxay u aragtay beesha caalamku ishaysadka sudaan mid u dhexeeya woqooyiga carabta mulinka ah iyo koonfurta afrikaanka kiristnaka (ama sanam caabudka) ah, taasi waxay sharciyad siisay dalbkii South Sudan ee gooni isutaagga ah, waana arrin ka maqan xaaladda soomaaliya, tawsiifka caykan ah waxaa aad looga adeegsaday gudaha marakaynka muxaafkda ah ee taageerada u fidayay halgankii South Sudan ee guuni-isu-taagga, waxaana la iska dhaadhicayay in kala qaybinta suudaan ay noqon doonta mid ka dhib yar silica dhamaan waayanaa ee lugu hayo goblkaa ka gaddisan isir iyo dhaqan ahaan.


Taa lidkeed. Soomaalidu waa daka uugu hayb-wadaagga badan qaaradda afika, marka la eego afka iyo isirka iyo diinta iyo dhaqnka iyo hab nololeedka, isku eekeentaasi waa tii keentay bilow ahaan inay soomalilnad la midwdo soomlaiaydii talyaaniga, wuxuuna kor u qaaday riyooyinka soomliada guud ahaan ku dhqan geerska afika inay hoos tagaan calanka (soomali wayn) xiiliyadii lixdimaadkii iyo todbaatanaadkii. Waana arrin carqalad ku ah dhaqan ahaan iyo falsafad ahaan iyo siyaasad ahaanba isku dayga inay soomlialand si madaxbanaan loo icitraafo.


· Beesha caalamka

Diraasadu waxay ku soo uruinaysaa in waxa jaan gonaya najixinta mashuruuc waliba oo gooni-isu-taag afrika ka dhaca uu yhay ictiraafka beesha caalamka, gaar haan qaramada midoobe inay sharciyayso, icitraafkaasi badanaa wuxu ku qotabaa lix arrimood oo asaasi ah:


  • Danaha dawladaha waawayn

  • Mawqifka xukuuadda dhexe ee laga goosanayo

  • Isku dheeli tirnaanta miletari ee xukuumada dhexe iyo gobllada goosanaya

  • Mudnaanta istraatiiji ee u leeyahay goblka goosanaya

  • Taageerada dibadeed ee u haysto gobalka goosanaya iyo xukuumadda dhexe

  • Mudnaanta dhaqaale ee u leeyahay gobolka goosanaya


Xaaladda South Sudan waxaa jiray darafyo maxaalli ah oo diyaar ah wada hadallo, aqablaayna xaqa aayo ka tashi dirqiba haku ahaatee, waxay ahayd arrin saaciday fududaynta aayo ka tashiga iyo gooni-isu-taagga, taa caksigeeda soomalialnd ma jiraan darfyo maxalli ah oo u diyaaro wada hadllo, oo waqooyigu wuxu iclaamyay gooni isutaagiisa (dhanka qudhaanta ah) May sanadkii 1991, xilgaas waddanku wuxu ku qarqoonsanaa dagaal sokooye, ka dib buburkii taliksii Siyaad Barri.


Ma jirto dawalad afrikaan ah oo dhaltay isticmaarki ka dib oo awood caskri oo qudhaata ku meel martay iyadoo ayna aqblain dawald asalka ah ee laga goosanayo, taasi waxay ku dabaqmasyaa xaaladda Eretria iyo South Sudan, oo ah labada dawaladood ee kaliyaata ee ka goostay dawald dhexe wakhtigii gumaysiga ka dib, beesha caalmku iyo ururada mandaqadu waxay ku adkesanaysa inay daruuri tahay in ogaalsho laga heso soomlaiya si ay soomlailand u goosato, waana arrinka aan suuragalin ilaa manta.


Danaha dawaldaha waawayn waxay dowr firfrircoon ka ciyaareen meel marinta natiijooyinka doonitaannada gooni-isu-taagga ee qaaradda afrika, South Sudanna waxay taageero ka heshay dawaldaha waawayn oo ay u Maraykanku, waxaana sababay laba arrimood taageerada marakynka ee xlli hore timi ee gooni isu taagga South Sudan, sababto hore waa shidaal badan oo laga helay South Sudan, ka labaadna wuxu la xidhiidhaa ihtimaamka jiyoosiyaasiga ah, intaa waxa laga dari karaa caaadiskii ay saareen masiixiiynta muxaafidiinta ahi ee maraykanka jooga oo ku cadaadayay guriga cad in uu taageero dadadaalka gooni-isu-taagga South Sudan luugu jiro.


Xaaladda soomaliand iyada gooni istuaageeda kama dhalasnayso dano siyaasadeed oo cad oo dawaladaha waawayn leeyihiin, ilaa imikana kumuu guulaysan gablku in uu ku qanciyo dawalad wayn in ay uga dooddo fagaarayaasha dawliga ah, marka la eego dawladha jaarkna, gooni isu taagga soomaliland wuxu ka dhiganayhay dhibaato goboleed oo adag, oo wuxu ku xidhiidnasyahay taariikh ay ka buuxdo ishaysaday xuduudeed iyo mid dhuleed oo u dhexeeya jamhuuriaydda soomaliaya iyo dawladaha jaarka, oo dabada ay ka riixasyay dhanka soomlaida u ololaynayay aayo-ka-talinta qawmiyada soomlaiyeed ee geeska afrika, sidaa markay tahay, ictirafka soomaliand wuxu halis ku yahay kooxaha isir iyo deganahassha siyaasadeed uu bulshooyinka jaarka.


Waxa la adeegsaday (aragtida silica iyo dawaynta) xaaladda South Sudan, si loo adkeeyo inay lama huraan tahay joojinta xadgudubyada wakhtiyada dhaadheer ee loo geystay dadka deggan goblka xilliyadii u socday dagaalkii lagu la jiray taliska khurtuum, iyadoo ay jiraan tabashada siyaasadeed ee u qabo gobalka soomlaiand iyo siyaasadihii ciqaab wadareedka ahaa u kula kacay taliskii Siyaad Barre dadka deggan goblka, sidaasooy tahay masaladaa xasaasiyada leh kamay hoos bixin dhibtaada siyaasadeed ee soomaliaya wayn ka taagan.(8) Waliba markaan eegno in nidaamkii halligmay uu hawlagallidiisa aan laga fiirsan ee siyaaseedd iyo melitari ku beegsaday gobollo iyo reero kala gaddisan iyo cid walba oo si toosa ama si dadban u mucaaradday.

gunaanadka hadalku: aragti ahaan heeshiisyada dawliga ee qaramada miboobay waxay qirayaan in dhamaan bulshooyinku xaq u leyihiin aayo-ka-talintooda. Laakiin marka ficil ahaan loo eego, waxa sargooynaya najtiijada doonitaanka gooni-isu-taagga afrika waa xaalad ka adag oo ka murgusan sida riyooyinka ah ee aragtiyaha siyaasaeed iyo xuquuqeed ay u dhigaan. Iyadoo soomliand ay ku guulaystay sugidda halbeedgayada guud ee dawaldeed, xagga South Sudaanta la aqoonsayahyna ay kaga dhex dhacday dagaallo sokeeyo oo khatar badan, taasi kuma filna sugidda sharciyadda dadaadalka gooni-isu-taagga soomlaand, ma aha oo kaliya marka laga eego dhanka soomlida gobadalada kale ka soo jeeda, balse sidoo kale awoodaha gobleed iyo kuwa dawliba kuma qanacsana.



(1) Waa madarad siyaasadeed oo ku qotonta aragtiyihii bulheed ee karal marax, oo ahaa faylasuuf yahaduudi ah oo qarnigii 19aad nooaa.


(2) waa mid ka mida aragtiyaha siyaadaha dawliga ee macneeya siyaadaha arrimaha dibadda ee dawladaha.


(3) Oo lid ku ah aragtida Idealism-ka.


(4) Xaalad soomlailand faa’ido la sheego way yeelatay marka gudaha la joogo, oo farqi la taaban karo ayaa u dhexeeya somalialnd iyo somaliya, laakiin farqigasu waxu meesha ka baxaya marka dibadda loo ga soo baxay soomalialnd. oo ka simanyihiin baasabuurka iyo sumcadda.


(5) Haddaynu u fiirsano, heshiiskan waxaa la galay xillli ay soomaaliland iyo soomlaiaya mid qudha isku yihiin, taasoo hoos u dhig u gaysan karta dooddii ahayd “laba dawladood baanu kala ahayn, oo annaba xuduud muqddas ah ayuu isticmaarku nooga tagay”.


(6) Soofeetka waxa ka go’ay 15 dawladeed bilowgii 90aadka.


(7) Turkiga wuxu ciidamadiiso qabsadeen suudaan 1821, ingriiska iyo masar waxay sudan gumaysanayeen intii u dhexeysay 1899 ilaa 1956.


(8) Qodobkani aad buu iila muhim yahay, qadiyada soomaliland waxa laga dhigay mid ka mid ah uun dhibaatooyinka badan ee soomaliaya ka jira. Waxa haboon in si ka baxsan dhibaatooyinka iyo isku murganka goboleed ee soomaliya looga hadlo arrinta soomliland.



Comments


Featured Review
Tag Cloud

© 2023 by The Book Lover. Proudly created with Wix.com

  • Grey Facebook Icon
  • Grey Twitter Icon
  • Grey Google+ Icon
bottom of page