Xidid-u-siibid: Sida ay Alshabaab u Afganbiday Dagaalyahannadeedi Ajaanibka ahaa
- Sep 4, 2017
- 15 min read

{Maqaalkan oo magaciisa asalka ahi yahay The Purge: How Somalia’s Al Shabaab Turned Against Its Own Foreign Fighters waxa intercept lagu faafiyay 19May 2015 kii}.
Wax badan bay isku hawleen hay’adaha ku shaqada leh “la dagaalanka aragagixsadu” khatarta ay leedahay uruka Alshabaab ee Soomaaliya, oo loo aqoonsan yahay in uu yahay urur argagixo ah; iyo guulaha uu ururku ka soo hooyay ciidangelinta dhallinyaro ku sugan gudaha dawladaha reer Galbeedka, xilli ururka ay uu suuragashay in uu soo jiito boqollaal dagalyahan oo ajnabi ah oo uu Soomaaliya keeno, ayna ka mid yihiin ku dhawaad 40 muwaaddin oo Maraykan ah, oo ku kasbaday cajaladaha muuqaalka ah ee dacaayadda uu ku soo bandhigo internetka, iyo ciidangalin qofeed oo toos ah oo uu ka helo gudaha bulshooyinka cadhaysan ee u qaxay dawladaha reer Galbeedka.
Iyadoo ay sidaa tahay, ururka Alshabaab wuxu afgambi ku sameeyay dagalaayhannadiisii ajaanibka ahaa. Wuxuuna olole bahalnimo ah ku qaaday cid ay ku tilmaantay jaasuusyo gudaheeda ku jira. Waxa u suuragashay mareegta intercept in ay hesho sheekada nuxurka loolanka gudeed ee ururka, oo uu helay taxane waraysiyo uu la yeeshay xubin hadda ka tirsan ururka Alshaaba, iyo il kale oo xidhiidh dhow la leh ururka.
Wuxuu dil ku fuliyay ururka Alashaab tiro ka mid ah dagaalyahanno magacyadooda lugu daray liisaska dhimisho/qafaalasho ee ay dhigtay CIA-du sannadihii koobnaa ee la soo dhafay. Waxayna Intercept ogaatay in ururku maamulo jeelal qarsoodi ah, oo uu ku xidho dadka uu ku tuhmo inay jaasuusyo yihiin ee ka soo jeeda Maraykan, Ingriis iyo dawlado kale oo reer Galbeed ah, kuwaas oo Soomaliya u yimi si ay ugu biiraan ururka Alshabaab.
Dagaalyahannada Alshabaab waxay jidhdilaan eedeysanayaasha, iyagoo adeegsanaya tabo badan, oo ay ka mid yihiin: biyo ku qarqoomin, garaacid, cunto iyo cabbid ka maanac. Intaa waxa dheer falalka daldalka badheedhka ah ee dadka jaasuusnimada ku eedaysan lugu fuliyo.
Marag ururka ka tirsan
Ibraahin—oo inoo ah magac tobolcaaro ah—waa muwaaddin u dhashay dawlad reer Galbeed ah. Wuxuu Soomaaliya ugu socdaalay si uu Alshabaab ugu biiro. Wuxuu imika ku nool yahahy dhulalka ay Alshabaab ka taliso, ururkuna waxu ka aaminsan yahay xubin daacad ah. Intercept waxay hubsatay haybtiisa dhabta ah, waxaya ballan qaadday in ayna daaha ka rogin, waxayna waafaqday in ay dalka uu ka yimi qariso, oo waxa laga yaabaa in haddii uu dhaliilo xarakada uu dil ama xadhig ku danbeeyo. “Waa la i xidhi doonaa, waana la i jidhdili doonaa” sidaa ayuu Ibraahin ku jawaabay markaan waydiiyay waxa ku dhici doona haddii uu si badheedh ah u dhaleeceeyo ururka.
Sida dhallinyarta isagoo kale ah ee dawladaha Galbeedka ku nool, kana soo jeeda Soomaaliya; wuxuu Ibraahin go’aansaday in uu Soomaliya u guuro, ka dib markuu internetka ka daawaday muuqaallada ururka Alshabaab, uuna dhegraariciyay dagaallada u dhexeeya dagaalayahannada Soomaalida iyo hawlwadeennada Midawga Afrika (AMISOM) ee uu Maraykanku taageero. “Xilligaas arrimo badan ayaa socday, waxaanan isdareensiiyay inay waajib diineed igu tahay ka qaybqaadashada jihaadka muqaddaska ah ee Soomaaliya ka socda, ayna dushayda saaran tahay—Muslin dhallinyaro ah ahaan—inaan xanbaaro masuuliyadda taageeridda waalalahayga ay is-hayaan cadawga,” intaa wuxuu ku daray Ibraahin, “waxaan isdareesiiyay inay lamahuraan tahay ajiibidda yeedhmada Soomaaliya.”
Wuxuu aaminay Ibraahin in xarakada Alshabaab u dagaalamayso siday u dhisi lahayd hannaanka sharreecada Islaamka, taasoo u suuragalinaysa in uu ku noolaado si waafaqsan isqancinta diineed ee ka dhaadhacsan. Wuxuuna aaminay in ku biirista jihaadku ay arrinkaas waaqic ka dhigayso Soomaaliya. “Xiligaas aad bay u jeclaayeen dadka aad u taqaannaan dagaalyahannada ajaanibka ah, aad bayna u soo dhawayen jireen,” wuxuuna leeyahay: “waxaan ka qaybgalnay tababbarka hoose ee hubka fudud iyo waxa la midka ah, wax walbaana sahal bay u muuqdeen.” Wuxuu sii raacinayaa “warbaahintu way bunbuunisay wax ka ogaanshaha tababbarrada Alshabaab. Tababbarku sidiisaba wuu hooseeyay, hubkuna wuu yaraa, wuxuuna ku koobnaa jimicsiyo jidheed iyo ku tababbar anshax.”
May sii dheeraan xasilloonida gudeed ee ururku. Wuxuu imikana ka warramayaa Ibraahin sheekadiisa si ay kuwa kale uga leexdaan. dhiniciisa xubinta koongereska ee laga soo doortay gobolka Minnesota, Keith Ellison, ahna masuulka matala jaaliyadda Soomaaliyeed ee ugu ballaadhan Maraykanka, deggan Minnesota/deegannada St. Paul; qisada Ibraahin ee digniinta ahi waxay tusaale u tahay sheekooyinka ay tahay in lagu dhiirrigaliyo werinteeda dhallinyarta ku biirta Alshabaab, xaggii laga xidhi lahaa ama laga dili lahaa uun, waana habka ay xukuumadda Maraykanku ku socoto e. “Waxaan aaminsanahay qof ka tirsan ururka Alshabaab, oo qiraya sida ay u tahay urur dhagarqabe ah, oo aan u socon xoraynta Soomaaliya; qofkaasi hubaal isagaa u dhaw adkaynta nabadda iyo aminga, halkii jeel lugu tuuri lahaa isla wiilkaa.” Wuxuu intaa ku darayaa Ellison: “waxaynu u baahannahay inaynu dadkaa wax ka baranno, oo aynu u adeegsanno si aynu farriin u gaadhsiinno dhallinyartaa laga yaabo inay ku dagmeen farriinta ururka Alshabaab.”
Muddo kooban ku biiritaankiisa ururka Alshabaab ka dib, wuxuu Ibraahin la kulmay dagaalyahanka Maraynka ee ugu caansanaa taariikhda Soomaaliya. Waa wiil dhallinyaro ah oo ka yimi gobalka Alabama, oo la yidhaahdo Cumar Xamaami, oo Somaaliya looga yaqaan Abuu Mansuur Al Ameeriki. Wuxuu Ibraahin xasuustaa in uu Xamaami ahaa wiil dhallinyaro ah oo u farxad badan si layaab leh, wuxuuna ka dhigtay tusihiisa iyo hoggaamiyiisa gudaha guutada dagaalyahannada ajaanibta ah kula jira. Wuxuu Xamaami u safray Soomaaliya 2006, wuxuuna ku biiray Maxkamadiihii Islaamiga ahaa dagaalkooda ay kula jireen duullaankii Itoobbiya ee dalka, ee u Markaynkuna taageerayay. Wuxuu ahaa Isbahaysigii Maxaakiimta Islaamku isgarabaysi bulsheed oo lagu eryayo qabqablayaashii dagaalka ee taageerada ka heystay CIA-da ee Muqdisho sannadkii 2006. Waxay isku dayeen garabyadaasi inay sameeyaan xukuumad ku dhisan shareecada Islaamka, se awoodda Maxaakiimtu way cimri gaabnayd. Durtadiiba waxay bilaabeen ciidamadii Maraykanka iyo Itoobbiyaanku inay qafaashaan oo xidhaan madaxdoodii. Waxayna ku qabsadeen ciidamadii Itoobbiyaanku Muqdisho iyo gobollo kale oo Soomaaliya ah muddo labo sannadood ah.

Wakhtigii u burburay Isbahaysigii Maxaakimtii Islaamiga ahaa, ayuu soo baxay ururka Alshabaab oo ahaa awoodda iska caabbineed ee keliya ee ka soo horjeedda gumaysiga shisheeye. Waxay xarakadu habeen iyo dharaarteed uga gudubtay ahaansheeda qayb yar oo ka mid ah dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee “xorraynta” Soomaaliya, oo ay noqotay hurmoodka halgankaas. Wuxuu xoojiyay ururku isgarabaysigiisi u la lahaa Alqaacida, wuxuna si xoog leh u u ciidangaliyay dagaalayahanno ajaanib ah. Isla jeerkaana waxay Alqaacida u aragtay Soomaaliya goob ay xurun uga dhigi karto hawlagalladeeda.
Bilawgii hore ee bishii Jannaayo 2007, ku xigeenkii Bin Laaden, Ayman Al-dawaahiri wuxu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya cajalad lagu faafiyay internetka. Wuxuu Dawaahiri hadalkiisa ku bilaabay: “Waxaan maanta idin la hadlayaa xilli ay ciidammada Itoobbiya ee gumaysiga saliibiga ahi ay ku xad gudbayaan ciidda Soomaaliyada gacalka ah. Waxaan ugu baaqayaa shicibka Muslinka ah ee Soomaaliya inay ku sugnaadaan goobta dagaalka cusub, kaas oo ah mid ka mida goobaha dagaalka saliibiga ee Maraykanka, xulafadiisa iyo Qaramada Midoobay ay islaamka kaga soo horjeedaan.” Wuxu Dawaahiri ka codsaday mujaahidiinta inay u isu diyaaryaan “Weerarrada gaadmada ah, miinooyinka, iyo hawalagallada ismiidaaminta ah, ilaa aad uga cidhibtiraysaan sida uu libaaxo u cuno ugaadhiisa.”
Xamaami wuxuu kaga guulaystay gudaha ururka Alshabaab sumcad wanaagsan. Waayo, wuxuu ahaa ciddii ugu horreysay ee soo ajiibta yeedhmada, halkaas ayuuna ku sugnaa intii ay dhacayeen dagaalladii halyaynimada ahaa. Wuxuuna guursaday gabadh Soomaali ah. Durtabadiina wuxu noqday ergayga la jecelyahay ee af ingriiska ku hadlo ee soo jiita dhallinyarada reer Galbeedka. Xamaami wuxuu muuqaallo ku faafiyay barta Youtube-ka, isagoo sifeynaya farxadda jihaadka iyo nooca nolasha Islaamka ee badhaadhaha leh ee ay ku jiraan. Wuxa kale oo soo saaray heeso hip-hob ah, oo ku saadsanayo in ay dili doonto diyaarad drones ah ama gantaal kuruus ah. Wuxuu leeyahay Ibraahin: “wuxu ahaa xiddigga dagaalayahannada ajaanibka ah. Halkan buu joogay ilaa dhammaadka sannadkii 2006dii. Dagaallo badan buu ka qaybqaatay, mutacallin aad u caqli badan buuna ahaa.”
Dhammadkii sanadkii 2007, sannad ka dib imaanshihiisi Soomaaliya, wuxu ka soo muuqday Xamaami shaashadda Al-jasiira–isagoo xidhan koofiyad qayb badan wajiigiiso qarinayso. Wuxuuna sharxay sababto uu ugu biiray xarakada Alshabaab: “Muslimiinta Marakankoow, xaaladda Soomaaliya il gooni ah ku eega. 15 sanno oo fawdo iyo xukunka arxanka daran ee dagaal oogayaasha u Maraykanku taageero ka dib, walaaladiin waxay garteen inay caddaalad iyo nabadgalyo ka dhisaan dalkan.” Wakhtigaa isaga ah, waxay masuuliyiin Soomaaliyeed ku qiyaaseen in ka badan 450 dagaalyahan oo ajnabi ahi inay Soomaaliya yimaaddeen si ay uga qayb galaan halganka ururka Alshabaab .
Isagoo ku sii socda jidkii Xamaami—markuu tababbarka aasaasiga ah ka helay ururka Alshabaab— wuxuu Ibraahin bilaabay in uu ka qayb galo weerarrada qorshaysan ee lagu qaado ciidamada hawlwadeennada Midawga Afrika, oo badankoodu ay yihiin Yugaandhiis iyo Burundiis. Wuxuu Ibraahin xasuustaa: “waxaan ka qayb galay dagaallo badan, badankoodu gudaha Muqdisho ayey ahaayeen, midkoodna magac may lahayn.” Wuxuu ku sii darayaa: “markaan imi waxaan la degay dagaalyahanka ajaanibta, oo loo yaqannay muhaajiriin.” Wuxuu sheegay in ay jireen dagaalyahanno ka yimi Maraykanka, Kanada, Ingiriiska, Dheenmark, Suudaan, Sucuudiga, iyo dawlado Bariga Afrika ah.
Laakiin, isla markiiba, hoggaamiyayaasha awoodda leh ee Alshabaab; waxay u arkeen daadka ku soo qulqulay ee dagaalyahannada ajaanibka ahi in uu khatar ku yahay awooddooda xukun. Bilawga sannadkii 2011, khilaaf dagaalyahannadii ajaanibka ahaa madaxa u geliyay hoggaamiyayaashii Soomaalida ahaa, oo loollan dhiig ku daatay la galay, ayaa ka dhex dhacay gudaha xarakada. Wuxuuna keenay ugu danbayntii in uu Ibraahin ka murugoodo in uu yimi Soomaaliya, iyo in uu Alshabaab ku biiray. Markay Alshabaab u jihaysatay in ay xoojiso awooddeeda xukun; waxay isu arkeen Alqaacida iyo dagaalyahannadii ajaanibka ahaa in la faquuqay.
In badan ayuu ku taamayay Usaama bin Laadin in uu Soomaaliya ka helo meel ay cagta dhigto Alqaacidi, laakiin habdhismeedka reereed ee dalka ayaa arrinkaas aad u adkeeyay. Wadciga waxaa baddelay duullaankii Itoobbiya iyo ololihii laynta ee Marykanka. Bin Laadin wuxuu u magaacaabay Maxamad Faaddil oo ka soo jeeda Comoros in uu noqdo hoggaamiyaha Alqaacida ee Bariga Afirka, uuna si gaara u taageero jihaadka Soomaaliya. Faaddil waa mid ka mida caqliyadii abaabulay qarxinta labadii safaaradood ee Maraykanka ee Kiiniya iyo Tansaaniya sannadkii 1998. Waxa kale oo uu qorsheeyay taxane weerarro loogu beegsado reer Galbeedka Kiinya sannadkii 2002.
Cabdiraxmaan Caynte Cali, oo ah cilmibaadhe arrimaha Alshabaab ah, wuxuu ii sheegay in Faaddil uu ahaa: “biriijka isku xidhay xarakada Alshabaab iyo uruka Alqaacida, si uu ugu keeno ururka khayraadka iyo taageerada dhaqaale, iyo soo jiidashada dagaalyahanno ajaanib ah oo dheeraada. Intaa waxa ka sii muhiimsanaa waayo-aragnimadiisa dagaaleed ee sida loo sameeyo walxaha qarxa iyo tababbaridda ciidanka. Intii uu joogayna waxay xarakadu hantiday saamayntii ay wakhtigaas u baahnayd.”
Bishii Ogosto 2010, waxay ku dhawaaqday xarakada Alshabaab wax ay ku magacowday “dagaalweyne” lagu qaadayo AMISOM, oo wakhtigaa tiradoodu dhannayd 6000 oo askari. Waxay weerareen gaadiidkoodii, waxayna dalka ku fidisay ismiidaamiyayaal. Waxayna weerarro ku qaadday wasiirrada iyo madaxda xukuumadda. Waxay beertay cabsi iyo baqo, meelo Muqdisho ka tirsanna way qabsatay. Markaasuu Maraykanka, oo ay wehelinayaan dawlado kale oo reer Galbeedi ahi ay taageero u soo ururiyeen AMISOMta go’doonsan, taasoo keentay in weerarro culus iyo duqayn aan kala sooc lahayn loo geystay goobihii xarakada. Waana arrinkii ku qasbay xarakada dibugarashada, ay iyaduna ku magacawday dibugarasho istraariji ah. Waxa soo gaadhay xarakada jab weyn. Waxaana soo if baxay khilaafka u dhexeeya hoggaamiyayaasha xarakada iyo sida ay ugu qaybsan yihiin mustaqbalka uruka.
Laga soo bilaabo 2011, Faaddil dunidiisu way sii yarayaanaysay. Waxa laga shirqoolay dhammaan jaallayaashiisii ee Alqaacidada Bariga Afrika ee dhanka Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Wadajirka ah (JSOC). Wuxuuna ku noolaa firdhad ka dib markii ay xukuumaddu dul dhigtay madaxiisa 5 milyan oo dollar. Waxay sheegeen warbixinno sirdoon ahi in Faaddil u qalliin wajigiisa ku sameeyay si uu qaabkiisii u beddelo. Warbixinno kale oo muddaysanina waxay sheegeen in uu ka soo muuq baxay dhinacyada Geeska Afrika oo idil isagoo adeegsanaya magacyo tobolcaaro ah iyo baasabuurro bug ah. Iyadoo qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Alqaacida ay meesha ka baxeen, waxaa sii kordhayay go'doonka uu ku jiray, wuxuuna ku qasbanaaday in uu la dhaqmo dhibaatooyinka siyaasadda Soomaaliya ee reeraysan. Ka dib, bishii May labadeedii, Usama bin Laaden ayaa la dilay.
Waxa Faaddil u muuqatay in ka helitaanka khayraad ku filan ururka Alshbaab oo u ka keeno Alqaacida ay aad u adkaatay. Alshbaabna waxay ballaadhisay hababkii ay ku heli jirtay ilo taageero dhaqaale oo kala duwan, oo waxay heshiisyo la gashay beelo awood leh. Faaddil wuxuu is arkay isagoo ay ismaandhaafsan yihiin hoggaamiyayaashii Soomaalida ahaa ee xarakada Alshabaab .
Il (source) ka tirsan wakaaladda sirdoonka Soomaaliya, oo ay u suuragashay inay helaan qoraalle Faaddil uu lahaa ayay wakaaladdu gacanta ku dhigtay sannadkii 2011. Waxay muujiyeen qoraalladu dildillaacyada u dhexeeyay xarakadda iyo Faaddil, iyo in uu “Faaddil amnisanaa bilowgiiba inay xarakada Alshabaab si khaldan arrimaha u maamulayso, dagaalka soojireenka ah ee ururka iyo xukuumadda u dhexeeyana aan loo sii dul qaadan karin.” Wuxuu sheegay Faaddil in ay xarakadu ciidan gelin jirtay da’a yarta, “ayna bilo gudahood ugu diri jirtay hawlagallo ismiidaamin ah. Wuxuu aaminsanaa inay fikraddaasi xun tahay oo muddada fog ay keeni doonto inay xarakada awooddeedu wiiqanto.” Waxayna ishu ku dartay “waxaan ula jeedaa, in ninkani ka fikirayay mustaqbalka fog, xarakadana uu ku tuhmay aragti-gaabni.”
7dii Juun, 2011, waxay sirdoonka Soomaaliya gaadhsiiyeen CIA-da inay ciidamo maxalli ahi dileen Faaddil. Waxayna sirdoonka Soomaliya sheegeen in Faaddil gaadhigiisu uu qaaday jid qaldan, oo uu afku ka xumaaday ciidammo Soomaali ah oo isbaaro joogta, dabadeedna ay rasaas ku fureen. Waxay sirdoonku ii sheegeen in “Maraykanku ay si weyn arrinkaa uga mahadsheegteen.” Waxayna u aqoonsatay wasiiraddii arrimaha dibadda Markaynka ee xilligaas, Hillary Clinton; “dilka Faaddil dhirbaaxo xoog weyn oo Alqaacida iyo xulafadeeda xagjirka ah ee Bariga Afrika ku dhacday. Waa dhammaadkii nin aragagixiso ah oo geeri iyo xannuun u geystay dad badan oo maato ah.”
Ibraahin iyo isha kale ee xarakada Alshbaab ka agdhow ee aan u cuskaday maqaalkan; midkoodna ma aaminsana inay sax tahay sida loo soo weriyay dilka Faaddil. Labaduba waxay tuhunsan yihiin in Faaddil la dilay. Cidda dishayna ma aha ciidamada maxalliga ah ama CIA-da, balse xarakada laftigeeda ayaa dishay. Wuxuu Ibraahin leeyahay: “wakhtigaa waxa jiray iskudhac dhexyaal Faaddil iyo hoggaamiyihii hore ee Alshabaab, Abuu Subeer.” Wuxuuna ku daray: “wuxuu Faaddil u sheegay hogaamiye Soomaali ah oo xarakada ka tirsan oo taageeri jiray dagaalyahnnada ajaanibka ah: dhawaan Alshabaab way i dili doontaa e, haddii la i dilo, dhiigayga u aar guda.” Wuxuu xoojinayaa Ibraahin in “loollanku socday ilaa dilkaasi ka dhacayay.” Wuxuna aaminsan yahay in ay xarakadu qorshaysay oo ay maleegtay dilkan, “mana aaminsani in waxa dhacay uu khalad keliyaata ahaa.”
Bilhii xigtay dilkii Faaddil, waxa sii ballaadhay fakaagga u dhexeeya hoggaanka maxalliga ah ee xarakada iyo dagaalyahannada shisheeye. Wuxuu bilaabay Cumar Xamaami in uu si cad u dhaleeceeyo xeeladaha iyo go’aannada hoggaanka xarakada. Wuxuu leeyay Ibraahin: “Xamaami muu yeelin in uu sinnaba u aqbalo dullayn iyo ixtraami la’aan. Wuxuuna u halgami jiray xuquuqdiisa.”
Waxaan ka ogaaday isha ku dhaw xarakada in xilligii uu socday loollankii Xamaami iyo hoggaanka xarakadu; uu Xamaami ku jeeni qaarnaan jiray suun miinaysan mararka qaarkood. Isagoo gudbinaya farriin ah: haddaad isku daydaan in aad i dishaan waad ila dhiman doontaan.
Waxay is bahaysteen Xamaami iyo dagaalyahnno kale oo ajnabi ahi Mukhtaar Roobow; hoggaamiye Soomaali ah oo xubin sare ka ah xarakada Alshabaab. Markaas ayuu qarxay loollan gudaha xarakada ah oo ah yaa xukumaya. Waxay xarakadu bilowday olole shirqoollo ah oo loo geysanayo dagaalyahannada ajaanibka ah ee waaweyn iyo xulafadooda Soomalida ah, badankoodana Maraykankaa raadinayay. Bishii Juun 2013 waxay xarakadu dishay Sheekh Macallin Burhaan, iyo Ibraahin Afgaani. Ka danbe wuxuu ahaa Soomaali ku noolaa Maraykanka siddeetamaatki. Wuxuu Ibraahin leeyahay: “labadaa nin waxay dooneen inay caddaystaan gedood. Waxayna isku dayeen inay si cad u hadlaan. Waxay u qaadeen dibadda magaalada Baraawe, halkaas bayna ku dileen.”
Hoggaamiye Roobow oo Maraykan uu shaaciyay in 5 milayan oo dollar ay helayso cidda dishaa; wuxu si cad u naqdiyay hoggaamiyihii xarakada Abuu Subeer, wuxuna ku tuhmay in uu soo saaray amarrada laynta dagaalyahannada ajaanibta, iyo maleegidda shirqoolkii dilka Xamaami. Wuxuuna arrintaa ku tilmaamay “gaboodfal weyn oo loo geystay walaalaheen.” Isla bishaas ayuu Roobow ka baxsaday dhulka ay Alshabaab ka taliso, wuxuuna bedqab ku gaadhay deegaanka reerihiisa.
Wuxuu Ibraahin leeyahay: “wuxuu Roobow dareemay in uusan amnigiisu sugnayn, sidaas ayuu Bakool ugu firdhaday, halkaas oo isaga iyo qoyskiisaba ay beeshiisu ku ilaalinayso.”
Tegitaankii Roobow wuxuu waayay Xamaami ilaalintiisi uu ku tiirsanaa, wuxuuna bilaabay in uu Twitter-ka ku qoro inay jiraan isku dayo lagu dilayo. Bishii Abriil 2013-kiina wuxuu faafiyay Xamaami sawir muujinaya wax uu ku tilmaamay isku day fashilmay oo ay xarakada Alshabaab ku khaarajin rabtay, ka dib markay qoorta raraas lagaga riday. Mar danbana wuxuu Xamaami sheegay inay xarakadu habab kala duwan isugu deyaysay inay disho, wuxuuna Twitter-ka qoray: “wuu waashay Abuu Subeer, wuxu iclaamiyay dagaal sokeeye.”
Ugu danbayn, 12kii Sebtembar 2013 ayaa la dilay Xamaami. May dilin xukuumadda Maraykanka oo in badan u ordaysay dilkiisa. Cidda dishay may ahayn CIA, manay ahayn JSOC, balse waxay ahayd xarakada Alshabaab.
Wuxuu xasuustaa Ibraahin: “waxay ka qabqaateen dagaalayahannada ajaanibku inay horumariyaan xarakada Alshabaab. Wuxuna ahaa Abuu Mansuur Al-amriiki (xamaami) mid ka mida dadka kaalin weyn ka ciyaaray. Wuxuu ahaa nin caqli badan oo arrimo badan ku fiican, xarakadana wuxuu ka dhigay mid caalami ah. Xarakadaa dishay, taasi way caddahay, waayo waxay u arkeen halis guud.” Xamaami waxa la la dilay jaalkiisii loo yaqaannay Usaama Al-bakastaani, oo isaguna ahaa dagaalyahan shiheesheeye oo Ingiriiska muwaaddin u ahaa.
Markuu arkay Ibraahin dildillaacyada ka dhexjira xarkada gudeheeda, oo u goobjoog u noqday jaalayaashiisi ajaanibka ahaa oo la dilayo ama la xidhayo, wuxu bilaabay in uu shakiyo, wuxuuna garowsaday in ahayd khalad foolxun in uu yimaaddo Soomaaliya, waxayna laga yaabaa in ay noloshiisu ku dhmaan waydo ku dhimasho jihaad, balse ay ku dhaaamto dil ama xadhig ay u gaystaan xulafadiisa hore ee xarakada Alshabaab.
Badh ka mid ah asxaabtii Ibraahin waa la dilay, badhkoodna waxay ku qarsoomeen jeelal qarsoodi ah oo ay xarakadu maamusho. Badanaa waxa ka horraysa intaan la xidhin in lagu tuhmo jaajuusnimo iyo shirqoolid hoggaanka xarakada. “Waxay hore u lahaayeen jeelal qarsoodi ah, laakiin waxay noqdeen qaar dardar cusub ku shaqeeya dilkii Abii Mansuur Al-amriiki ka dib, iyo dilkii sheekh Burhaan iyo raggii kale”, wuxuna intaa sii raacanayaa Ibraahin: “cid kasta oo khilaafta xarakada Alshabaab, oo ku hadasha wax ayna xarakadu ka raalli ahayn, waxa loo arki doonaa in ay tahay cadow. Waxa laguu geysan doonaa dhirbaaxo haddaanad ka shaqayn danahooda, waxaanad ka war heli adoo noqday dadka la waayay ee jeel dhulka hoostiisa ah lagu cadaabo ku biiray.”
Jidhdil caynkee ah?“
Garaacidda, biyo ku qarqinta, adeegsiga ku cadaabidda gaaska, cunto iyo hurdo ka maanaca. Saacada dhaadheer oo lagu qataaro, iyo meel fagaare guud ah oo lugugu shaabuugo, ama daldalid; ama waxa lugugu xidhayaa xagga danbe ee gaadhi SUV ah oo lagugu jiidayaa. Intaasoo dhami waa qaabab ka mid ah sida ay wax u cadaabaan”.
Ibraahin wuxu leeyahay in dadka u badan ee jeelasha xarakada wakhtigan la joogo ku xidhan ay yihiin dagaalayahano ajaanib ah, ayna ka mid yihiin –ugu yaraan- labo Maraykan ah. “Badanaa waxay ku tuhmaan inay cid kale u shaqeeyan oo jaasuusiin yihiin, inta ayna u dhaadhicin jeel dhulka ka hoos qodon. Halkaas baa sannad lagu hayaa. Markuu soo baxana labo doorasho ayaa horyaal: in uu aamuso, haddii kale waxa loo tarxiili doonaa waddan lagu maxkamadeeyo eedda argagaxisada waayo Alshabaab baad xubin ka ahayd, sida Maraykanku uu sameeyay marar badan; ama waa in lugugu tuuro waddooyinka Muqdisho. Xukuumadda Soomaaliyana waxay shaacisay in ay cafis guud u fidisay Soomaalida ka soo laabata xarakada Alshabaab ee isa soo dhiibta. Laakiin cafiskaas waxa ku lammaan khatar ka imanaysa xarakada Alshabaab oo laga yaabo inay ku qafaalato.”
Wuxuu Ibraahin leeyahay: “markii u horraysay ee aan ku baraarugay inay Alshabaab kharribtay ujeeddadii aan awgeed Soomaaliya u imi; waxaan hoos iskula shawray inuu khalad jiro, laakiin shakiga waan xakameeyay oo kamaan hadal. Waxaan isku dayay inaan laabta ku haysto oo aan ka gudbo, laakiin waxa durtabadiiba soo baxday inay gaboolfalyadaasi soo shaacbaxaan. Waxaanan dareennay–haddaannu dagaalyahannada ajaanibka ah nahay—in aan soodhawayn danbe iyo ixtiraam toona na loo hayn, waxaana na loola dhaqmay sidii muwaaddiniin derajada labaad ah.”
Wuxuu Ibraahin ku sii darayaa: “haddad eegtaan sida ay u horumartay xarakada Alshbaab, dagaalayahnnada ajaanibtu waa iyaga cidda dhistay sumcadda caalamiga ah ee xarakada. Bilowgii xarakadu maxalli bay ahayd. Markii ay ku biireen dagaalyahannada ajaanibku waxay xarakadu wanaajisay tayadeeda warbaahineed iyo tababbareed. Laakiin xilligaasu wuu dhammaaday imika.”
Wuxuu Ibraahin ku matalayaa dhulalka ay Alshbaab haysato–siduu isagu u fahasan yahay—bulshada Kuuriyada Woqooyi oo kale; maxkamado qarsoodi ah oo aan racfaan lahayn, jidhdilid, daldalaad aan qarsoodi ahayn, iyo in loo oggol yahay madaxda oo keliya in ay internetka isticmaalaan oo wararka caalamka ay ogaadaan, iyo la socodka taleefannadda gacanta, iyo reebidda kamaradaha ama taleefannada kamarada leh.
Wuxuu Ibraahin Soomalida Marakanka, Kanada iyo Ingiriiska iyo meel walba oo ay joogaan uga digayaa: “waxaan rabaa in codkayga la maqlo, oo dadkoo dhan uu gaadho. Ma rabo in khaladkii aan ku dhacay cid danbe ku dhacdo, waliba dhallinyarta ku nool dawladaha reer Galbeedka. Waxaan rabaa inaan u sheego; Soomaaliya ha imanina, nafihiina waxba ugu tari maysaan, ummadda Islaamkana waxba ugu tari maysaan e. Waa waano qalbigayga ka soo go’day.”
Mar aan waydiiyay Ibraahin in uu rabo in uu ku laabto waddankii uu ka yimi, wuxuu ku jawaabay: “Maya. Ma lihi umaan xiisin meeshii aan ka imi, sidaa kama wado, kamana qoomamaynayo in aan jidkan doortay. Halkan waxa aanan jeclaysan waa dadka aan la shaqeeyo, waana qodobka ugu muhiimsan.”
{Wuxuu Ibraahin saadaalinayaa in ay xarakada Alshabaab noqon doonto sannadaha soo socda sida ciidamda kacaanka Colombia (FARC), oo iska beddeshay urur siyaasadeed noqotayna urur dhiigcab ah}.
Wuxuu isbarbardhigayaa xildhibaanka koongareska Ellison gaabiska habkan hadda ay raacdo xukuumadda Marakanku iyo xagajirka waddamada reer Galbeedka iyo gaabiska dagaalka Marakanku kula jiro maandooriyayaasha: “kuwii shaki gelinayay faa’idada la dagaallanka maandoorayaayshu waxay garanayaan in maandooriyhu dadka dhibka uu soo gaadhsiiyo, wax xun oo aan caafmaadkana u roonayn inuu yahay. Laakiin dhab ahaan ma waxaan rabnaa in dadka loo xidho sababtaa, mise waa in aan siinno doorasho dawayn? Arrinkan (xagjirnimadu) taas ayuu la mid yahay; dhammaanteen waan ognahay in xara kada Alshabaab, Booko xaraam iyo Daacish ay yihiin ururro aragagax leh oo cuqdadaysan, laakiin sidee baan u jabin karnaa? Ma waxaynu ku jabin karnaa in aynu rasaas uun ku furno oo aan ciidamo iyo jeelal u adeegsanno, mise waxay tahay in aan raadinno hab kale si aan u jabinno oo aan u xidid-siibno fikirka ay ku taagan yihiin?”.
Si aan ujeedkaa u xaqiijinno, faafinta qisooyinka la midka ah qisadan Ibraahin faa’ido weyn bay leedahay. Wuxuu aaminsan yahay Ellison: “in shacabka Marakanku uuna waxba ka garanayn caqliyadda qof la dhacsan ururradaas. Waxaan u fekarnaa uun inay jiraan dad wanaagsan iyo dad xun. Dhabtu waxay tahay inay jiraan dhallinyaro neceb Guantanamo iyo diyaaradaha doroonka (drones), sidoo kale aan jeclayanna siyaasadda Marakanka ee dibadda, aadna uga soo horjeeda. Laakiin taasi kama dhigayso argagixo”.
Wuxuu aaminsan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamad in barnaamijka cafiska xukuumaddu faa’ido weyn yeeshay, uuna suurageliyay bil gudaheed in uu kasbado tobannaan qof oo ka soo laabtay Alshabaab, kuna soo biiray macadka dhaqancelinta. Wuxuuna tilmaamayaa in mid ka mida sababaha taageeraysa ka soo laabadka Alshabaab ay tahay waaya-aragnimada la midka ah kuwii uu ka sheekeeyay Ibraahin: “dad badan baa ku baraarugay in aydaloojiyadda xarakadu iyo tallaabooyinkii ay madaxdeedu qaadeen ay ka hortimi waxay filanayeen. Dhallinyartaa maskaxda laga qabsaday haddii uu miyirku ku soo noqday waxay tahay inaynu cafis u fidinno oo aan jaanis labaad siinno.”
Wuxuu Maraykanku raacay hab cafkiska ka duwan, oo ciqaab jeel dheer ah ayaa sugaysa Soomaalida Maraykanka ah iyo kuw kalaba ee Soomaaliya u socdaala ee lagu eedeeyo inay taageero u fidiyaan ururro aragagaxiso ah. Markaan waydiiyay wasiirka Soomaaliya inay xukuumaddiisu xukuumadda Maraykanka u dhiibi doonto muwaaddintiinta Maraykanka ka timi haddii ay cafis Muqdisho ka dalbadaan, wuxuu ku jawaabay: “arrinkaas waa arin qaanuun ah, laakiin u dhiibi mayno oo waxaa na saaran inaan ilaalinno kol hadday na la shaqaynayaan, xogna aan ka helayno, aydaloojiyaddaana ay iska dhaafeen.”
Waxaan Ibraahin waydiiyay: maxaad isleedahay waa in uu Maraykanku sameeyo? Wuxuu ku jawaabay: “Maraykanku waa laacibka aasaasiga ah, waxayna tahay in uu dib u eegis ku sameeyo siyaasadihiisa Soomaaliya, waayo u malayn maayo inay arrimuhu ka soo raynayaan”.
Ibraahin isagoo qiraya inay xarakado weerarro xoog leh ku qaadday dibadda xuduudda Soomaaliya, sida weerarkii 2010 ee Yugaandha xllligii gebagabada koobka adduunka, iyo go’doomintii sannadkii 2013 ee xarunta suuqa ee Nayroobi ee dhaliyay dhimashada in ka badan 65 qof; wuxuu qabaa in u Maraykanku buubuuniyay awoodda caalami ee xarakada Alshabaab. Wuxuuna aaminsan yahay in uu Maraykanku u-soo-joogsi siiyay dacaayaddii lagu sheeganayay cajaladaha muuqaallada ee xarakada iyo soosaarkii garabkooda warbaahneed (alktataa’ib). Wuxuuna leeyahay: “falcelinta Maraykanka ee xarakada ku aaddan wuxuu kor u qaaday booskeeda ay ku dhex lahayd jihaadka caalamiga ah, wuxuuna siiyay soo-jiidasho ay ka heshay dhallinyarada reer Galbeedka.”
Wuxuu Ibraahin leeyahay in uu ku taagan yahay qaddiyaddiisi weynayd; dhisidda dawlad shareecda Islaamka ku dhaqanta, laakiin wuxuu leeyahay ma aha hababkan ay ku socoto xarakada Alshabaab. “Dariiqada qudhaata ee lagu dawayn karo qadiyaduhu waxay tahay in shareecada loo hirgalayo si dhammaystiran. Xarakada Alshabaab dariiqaas ayay haysay, arrinku si qumman ayuu u socday bilowgii, laakiin way ka leexatay”.

















Comments