top of page

Dilka beegsashada ah

  • Sep 9, 2017
  • 10 min read

Dukumeenti aan taariikh iyo sexeex toona wadan oo ka soo baxay wakaaladda dhexe ee sirdoonka Maraykanka (CIA) ayaa cinwaan looga dhigay: “Diraasad ku saabsan qafaalashada: qeexitaan, fulin, iyo sababayn.”


Waxa loo badinayaa inay u noqonayso sannadii 1953 oo ay ka mid ahayd kun iyo afar boqol oo dukumeenti sir ahaa oo daaha laga rogay, qaybna ka ahaa boqol kun oo dukumeenti oo la xidhiida ka qaybgalkii Maraykanka ee qarsoodiga ahaa ee rididda madaxweynihii Guatemala; Jacobo Árbenz, ee sida dimuqraadiga ah loo soo doortay sannadkii 1950. Iyadoo Maraykanku taageeray afganbigii jenaraal Carlos Costello, xilligii ay socdeen xiisadihii dagaalkii qaboobaa. Waxaana xogtan lagu soo shaac saaray qaanuunka xoriyadda xogta ee 15 May 1997.


Waxay dukumentiyadani sheegayaan in siddeed iyo konton masuul oo Guatemala u dhashay ay CIA-du ku beegsatay dil intii u afganbigu socday. Intii u dhexaysay sannadihii 1954 iyo 1990, waxay talisyadii miletariga ahaa ee kala danbeeyay, Maraykankuna uu gacan siinayay, ay Guatemala ku dileen in ka badan boqol iyo siddeentan kun oo qof.


Waxay muujiyeen dukumentiyadan xilliga hore soo baxay fududaanta agabka iyo hababka loo adeegsaday dilka si loo xaqiijiyo dano siyaasadeed, oo la heer ahaa cabbirka horumarka tiknoolijiyadda xilligaas jiray, marka la eego hurmarka ku yimi samaynta hubka; oo hubka la adeegsaday wuxuu ahaa labada gacmood in wax lagu dilo, hubka qarxa, sumayn iyo hubka cad.


Ilaa wakhti dhow, qafaalashada iyo dilka beegsashada ahi suuragal muu ahayn ilaa cidda la beegsanayo si toosa la iskaga hor yimaaddo. Waxaana taasi uga baahatay cidda fulinaysa ku dhac, oo waxay badanaa keensataa dhimashada la beegsadaha oo keliya.

Maanta se waxa horumaray tiknoolijiyadda, waana laga gudbay in la beegsadaha si toosa loo waajaho, meeshana ku dhawaad way ka baxday dhibta soo gaadhi karta cidda fulinaysa. Laakiin waxyeellada akhlaaqeed iyo waydiimaha qaanuun way burinayaan fikradda “caqlibadnida tiknooljiyadda” taas oo biniaadanku u adeegsaday muujinta sarrayntiisa.


Dilka beegsashada ah ee aan ula jeedna maqaalkan gudhiisu wuxuu yahay ”adeegsiga ula kaca ah ee loo kaso in awood dilaa ah loo adeegsado xaqiijinta dano siyaasadeed oo laga leeyahay cid ka baxsan awoodda ama wisaayada cidda dilka fulinaysa, taas oo lagu fuliyo tiknoolijiyadda loo yaqaan Unmanned Aerial Vehicles- UAV ama diyaaradaha bilaa duuliyaha ah oo loo yaqaan Drones.


Waa maxay Dronesku?


Markii ay soo baxeen hawlgallada ururka Alqaacida bilowgii sagaashanaadkii, “argagaxisadu” may ahayn qaddiyad ku weyn siyaasadda dibadda ee Maraykanka, oo wakhtigaa wuxuu Maraykanku faraha kula sii jiray weli culaysyadii siyaasadeed ee xiliigii dagaalka qaboobaa. Waxa waaqic cusub ku dhalisay siyaasadda dibadda ee Markaykanka weerarradii Sebtembar oo jidka u jeexay mashruuc ballaadhan oo lagu magacaabay “la dagaallanka aragagixisada.”


Diraasad ay si wadaaga u soo bandhigeen labada cilmibaadhe; Daivod Gruy iyo Jouseph Karam, oo cinwankeedu yahay (Waxyeellada dorneska iyo isbeddelka gaareed ee istaatijiyadda Maraykanka ee la dagaallanka aragagixisada) oo ka soo baxday sannadkii 2014 jaamacadda Norwich waaxdeeda diraasadaha amniga iyo milteriga, lagana tixgeliyo wakaaladda amniga Markaykanka, ayay ku soo koobeen laynmanka waaweyn ee istraatiijyadda droneska.


Wuxuu u arkaa maamulka Markaykanku adeegsashada xooggan ee droneska in loo adeegsado hub istiraatiiji, mid jawaab toosa u ah hababka ururka Alqaacida iyo ururrada la midka ah, ee aan aqoonsanayn qaanuunnada dawladaha iyo madaxbannaanidooda toona, waxayna si xor ah oo fudud iskaga gudbaan xuduudaha, oo waxay xasaanad ku leeyihiin gobollada saldhigayada u ah ee caalamka oo badidood aan lahayn awood xukuumadeed oo dhamaystiran ama awood sharci xoog leh. Waana arrinta siisay ururrada Maraykanku u yaqaan “horor” marmarsiyo ay ku waajahaan dawladaha qawmiga. Iyagoo aragtidaa ka duulaya, dronesku waxay carqalad ku yihiin korriinka ururradaa, waxayna ku sababeeyaan inay dibugarasho ku dhacdo awoodaheeda hoggaamineed iyo shaqagelin, iyo inay helaan hoy aamina oo ay dunida ku yeeshaan, iyagoon dagaal caadi ah kaga hor iman.


Samaynta dronesku—si guud—waa ay ka jaban yihiin diyaaradaha ay duuliyaashu wadaan, wuxuuna Maraykanku u adeegsadaa saddex sababood oo asaasi ah:


- Inay taageero farsamo ugu fidiso ciidan dhulka jooga, sida xaaladihii duullaannadii Afgaanistan iyo Ciraaq, iyo Soomaaliya oo uu Maraykanku ku taageerayay duullaankii Itoobbiya ee sannadkii 2007.


- Beegsashada xubno ka tirsan ururka Alqaacida iyo ururrada ay xulafada yihiin ama kuwa la midka ah, oo hoos taga mashruuca “la dagaallanka aragagixisada”; ee Afganishtan, Bakistaan, Yaman, Soomaaliya, Filibbiin, Maali, Liibya, Suuriya, iyo meelo kale.


- Fulinta hawlgallada sirdoonka, dabagalka iyo indo-indhaynta; ISR.


Qaanuunjebin mise Qaanuun jaban?


Waxa ka muuqda istraatiijiyadda droneska madmadow iyo iswaafaqid la’aan, marka la eego seeska ay ku taagan tahay oo ah nooc aan hore loo arag cunfiga dawladda ay ka geysanayo dibadda xuduuddeeda. Waxayna dhalisay dood ballaadhan oo ku saabsan dhinacyadeeda qaanuun.


B- Awoodda qaanuunka maxalliga ah:


Maqaal cilmi ah oo lagu faafiyay sannadkii 2013 majaladda kuliyadda qaanuunka ee jaamacadda George Town oo cinwaankeedu yahay (Dilka beegsashada ah iyo la xisaabtanka); wuxuu ku sheegayaa macallinka kaaliyaha qaanuunka, Gregory Macneill, in ay maamulkii Bushkii inanka ahaa iyo Obama u adeegsadeen xaqa distooriga ah ee madaxweynuhu u leeyahay in uu adeegsado awooddiisa isagoon ku qasbanayn in uu wax ka waydiiyo kngareska si ay qiil sharci ugu helaan gudaha Maraykanka istariijiyadda droneska. Maaddaama oo madaxwaynuhu yahay hoggmiyaha sare ee ciidanka qalabka sida.


Isagoo qodobkaa sii daba jooga, wuxuu kongaresku banneeyay sannadkii 2011 ka dib weerarradii Sebtembar mashruuca qaraar ee: u adeegsida awooda malteri – Use of Military Force (AUMF), oo loo qaatay dagaal ku dhawaaqid. Wuxuuna u bannaynayaa madaxweynaha adeegsiga awood kasta oo uu u baahdo una arko inay ku munaasab tahay dadkii ka danbeeyay weerarradii Sebtembar. Mar danbe sanadkii 2012 wuxuu kongaresku banneeyay mashruuc qaraar kale; qaanuunka oggolaanshaha difaaca waddaniga ah – National Defense Authorization Act (NDAA). Sidaas ayay fikradda guud ee “distooriga ah” ee ay mareen labadii maamul ee Bushkii inanka ahaa iyo Obama looga ansixiyay dhanka ha’yadda sharcidejinta.


Ka sokow labadaa mashruuc, awoodda fulineed aad bay ugu talaxtagtay adeegsiga masaladaa ilaa sannadkii 2003. Iyadoo adeegsanaysa mashruuc saddexaad; cidhibtiridda ururka Alqaacida – Al Qaeda Network Execute OrdeIsagoo qodobkaa sii daba jooga, wuxuu kongaresku banneeyay sannadkii 2011 ka dib weerarradii Sebtembar mashruuca qaraar ee: u adeegsida awooda malteri – Use of Military Force (AUMF), oo loo qaatay dagaal ku dhawaaqid. Wuxuuna u bannaynayaa madaxweynaha adeegsiga awood kasta oo uu u baahdo una arko inay ku munaasab tahay dadkii ka danbeeyay weerarradii Sebtembar. Mar danbe sanadkii 2012 wuxuu kongaresku banneeyay mashruuc qaraar kale; qaanuunka oggolaanshaha difaaca waddaniga ah – National Defense Authorization Act (NDAA). Sidaas ayay fikradda guud ee “distooriga ah” ee ay mareen labadii maamul ee Bushkii inanka ahaa iyo Obama looga ansixiyay dhanka ha’yadda sharcidejinta.


Qaanuunkani wuxuu u oggolaanayaa waaxda hawlgallada wadaagga gaarka ah (Joint Special Operations Command –JSOC) inay bilowdo hawlgalladeeda ay kaga soo horjeeddo ururka Alqaacida iyo ururrada la midka ah ee xudduuda Maraykanka ka baxsan, oo ay ka mid yihiin goobaha una Marayknku iclaamin inuu dagaal toos ah kula jiro; isaga oo aan u baahan—badanaa—in uu wax ka waydiiyo madaxweynaha ama wasiirka gaashaandhigga si loogu helo oggolaansho dheeraad ah wixii la xidhiidha hawlgalladaa. Ka bilow ururinta xogta sirdoonka ilaa laga gaadhayo fulinta dilka.


Macneill wuxuu leeyahay in qawaaniinta u adeegtay xaaladaha gaar ah, sida Soomaaliya, oo ah dawlad fashilantay oo aan awoodin inay qabsato masuuliyadaheeda amni laakiin xidhiidh adag la leh Maraykanka. Xaaladaha iyaga ah, waxa hawlgallada dilka beegsashada ahi u baahdeen helidda oggolaansha Bentagoonka. Dhanka gobollada leh khatarro degelsiyaasadeed (geopolitical) ah, sida Baakistaan ama Suuriya, waxay hawlgallada dilka beegsashada ahi u baahdeen inay oggolaansho ka helaan madaxweynaha laftigiisa.


T- Awoodda qaanuunka caalamiga ah


Wuxuu sii sharxayaa Macneill dhinacyada qaanuun, wuxuuna sheegayaa in Maraykanku adeegsado labo tiir si uu u sharciyeeyo istraariijiyadda droneska marka laga eego qaanuunka caalamiga ah:


Ka hore waa: Jus in bello (qaanuunka dagaalka)


Maraykanku wuxuu isu arkaa in uu ku qasban yahay dhawridda mabaadi’da aasaasiga ah ee qaanunka binaadantinnimo ee caalamiga ah, inta ay ku guda jirto laba nooc oo ka mida dagaallada ba’an ee ay dunida ka waddo; dagaallo hubaysan oo aan caalami ahayn (Transnational Non-International Armed Conflict), oo isagu iskaga gudba xuduudaha dalalka, aan lahaynna dabarro juquraafi inta uu iska horimaadku socdo. Iyo dagaal hubaysan oo soojireen ah oo aan caalami ahayn (Traditional Non-International Armed Conflict); waa marka uu talis xulafo la ah Maraykanka uu dagaal kaga soo horjeedo koox hubaysan oo gudaha xuduuddiisa joogta. Maraykankuna wuxuu u garab istaagaa dagaalka uu xaliiskiisu kula jiro sida uu u arko inay munaasab ku tahay.


Ka labaadina waa: Jus ad bellum (dagaalka xaqa ah)


Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu reebayaa ku hanjabidda adeegsiga awoodda, ama u adeegsiga qaab ka soo horjeeda madaxbannaanida siyaasadeed ee ay leedahay dawlad waliba. Sidoo kale wuxuu reebayaa nooc kasta oo ah hawlgallada dilka beegshada ah ee ka baxsan dawladda duullaanka ah xuduuddeeda, ilaa ay ka Golaha Amniga hesha oggolaanshaha adeegsiga awoodda lagaga soo horjeedo dawlad/urur “horor ah” mooyiye, ama xaaladaha siinaya xaqa dabiiciga ah ee ay dawladuhu u leeyhiin naf difaacidda. Wuxuu Maraykanku u arkaa in dronesku ay soo hoos gelayaan xaaladda naf difaaca, haba la aado oggolaasho rasmi ah adeegsigooda oo uu ka helo Golaha Amniga e.


Galdaloollo iyo diidmooyin:


Mabaaddi’ida aasaasiga ah ee qaanuunka caalamiga ahi way micno beeshay intuu dhashay dagaalka dronesku; waxaana soo baxay khalkhalka ku jira xakamayntiisa iyo halbeegyadiisa. Iyadoo ay jiraan wax badan oo aynaan ka garanayn dagaalkaa madowgu ku dheehan yahay. Laakiin tibaaxaha iyo warbixinnada masuuliyiinta Markaykanka ee shakiga leh, yaraanta dukumeentiyada xukuumadeed ee la soo dusiyay, yaraanta warbixinnada dabagalka saxaafadeed, iyo tusmooyinka yaalla dhulka ee raadadka weerarrada droenska; dhammaantood waxay caddaynayaan in seeska qaanuuneed ee istraatiijiyadda dronesku ayna u ekeyn mid cago adag ku taagan.


1-Baqaha halis “soo fool leh”:


Wuxuu maamulkii Obama xilka qabtay iyadoo xafiiska guriga cadi uu ku jiro xaaladdiisii dhaqaale tii ugu liidatay. Sidaa darteed waajihidda dhibaatooyinka gudaha yaal ayaa ugu muhiimsanaa maamulkiisa. Balse danaha Maraykanka ee caalamka ayaa suuragalin waayay in uu Maraykanku ku laabto siyaasadihiisii go’odoonka ahaa ee uu qaatay soddomeeyadii qarnigii tegay. Sidaa awgeed wuxuu maamulka Obama dejiyay istiraatiijiyadda leading from behind/hagidda daahsoon; si ay xal dhexe ugu noqoto damaanadqaadidda ilaalinta hoggaanka Maraykanka ee caalamka iyo si ay sarrayntiisa miletari sii jirto, iyadoo jaanis ku filan la siinayo xoog saaridda siyaadaha gudaha. Wakhtigaa wuxuu Obama ka soo saaray ciidamadiisa Afganistan iyo Ciraaq, wuxuuna iska ilaaliyay gelitaanka dagaallo cusub. Wuxu kor u soo qaaday droneska, uuna soo gaadhiisay istiraatiijiyadda “la dagaallanka argagixisada”, iyadoo ay jirto in markii uu ololaynayay uu arrinkaa ku dhaliili jiray maamulkii isaga arrinkaa uga horreeyay.


Wuxuu Obama ka jeediyay mid ka mida khudbadihiisa la xidhiidha mawduuca amniga qaranka jaamacadda difaaca waddaniga ah (NDU) ee Washington 23 May 2013. Wixii ugu muhiimsanaa ee uu kaga hadlay khadbaddiisu wuxuu ahaa mashruuca “la dagaallanaka argagixisada” iyo istraatiijiyadda droneska, wuuxuna adkeeyay in Maraykanku la dagaallami doona “argagixisada halista ku ah joogtada ee soo ku soo fool leh bulshada Maraykanka”; isagoo difaacaya dronenska.


Diraasad cinwaankeedu yahay (Droneska iyo xeerka qaanuunka caalamiga ah) oo ka soo baxday jaamacadda George Town sannadkii 2014; waxay gabadh cilmibaadhe ah oo la yidhaa Rosa Brooks soo bandhigtay waydiin la xidhiidha micnaha “halista soo fool leh/imminent threat,” waxayna sheegaysaa in khubarada qaanuunka caalamiga ahi isku raacday in “halista soo fool lehi ay tahay ta markaa taagan ee la taaban karo, ayna se ahayn halis isdareensiin ku dhisan, ama mid fog, ama mid malayn ah".


Laakiin micnuhu wuxuu qaaday jid kale sida ka muuqatay dukumeenti rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda caddaaladda Maraykanka sannadkii 2011. Waxay sheegtay in Maraykanku aanu u baahnayn jiritaanka daliillo cad oo muujinaya in ay jiraan weerarro xaddidan oo ku dhici doona qofaf Markaykan ah ama dano Maraykanku leeyahay mustaqbalka si uu u adeegsada awoodda militari, haddii aan lagaga hortagin droneska ama hab kale oo weerar ah, iyadoo lagu dhisayo isqancin sheegaysay in xubnaha ururka Alqaacida iyo ururrada la midka ahi ay si joogta ah u abaabulayaan fulinta weerarro, ayna fulinayaan haddii ay fursad u helaan.


Wuxuuna dukmeentigu ku soo ururinayaa inay xukuumadda Markaykanku ayna ogayn dhammaan maleegyada ay wadaan ururka Alqaacida iyo ururrada la midka ahi, taasoo ka dhigan inayna hubin in ay dhici doonaan weerarro soo fool leh mustaqbalka. Taasaa ka dhigaysa ururradan—waa sida dukmeentigu qabee—inay yhihiin “halis joogta ah oo soo fool leh” wakhti kasta, waxayna noqonaysaa arrin “sharci” ah in la beegsado xubnahaa xitaa haddii aan la hayn xog sax ah ama sugan oo xidhiidh la leh in ururku maleegayo weerarro la taaban karo oo isla markaa taagan.

Fasiraaddaa habayaca ah ee ay sheegtay Brooks wuxuu ina tusayaa in halbeegga “aan sugnayn” ee dronesku ee uu ku sheegay Macneill maqaalkiisa aynu kor ku xusnay; ee ka hadlaya dilka beegsashada ah. Isagoo sheegay in dadka qaar la beegsado iyadoo laga duulayo istusinta natiijo wacan oo ka dhalanaysa dilitaankooda, si loo helo dano siyaasadeed oo la xidhiidha siyaasadaha dibadda Maraykanka.


Taasoo ka dhigan in ayna ahayn mar walba xubnaha ka tirsan ururka Alqaacida iyo ururrada la midka ahi halis toosa oo la taaban karo oo ku soo fool leh amniga qaranka Maraykanka, laakiin ay dhici karto inay khatar noqon karaan—qasab ma aha in uu noqdo mid hubysan—oo ay ku noqan karaan xulafada Maraykanka ee aasaasiga ah. sidaa darteed baa loogu beegsadaa hawlgallada qarsoodiga ah Covert Actions.


2- Dagaal muran ka taagan yahay


Maraykanku wuxuu noqday cidda qudhaata ee garsoor ka noqon karta siyaasadihiisa iyo habdhaqankiisa miletari, maaddaama uu yahay awood miletari oo caalami ah. Iyadaa xadidda qaanuunka inta lagaga dhaqmayo iyo inta aan lagu dhaqmayn, iyadaana xadidda sida loo faisrayo mabda’yada qaanuuneed ee kala duwan. Si kale haddaan u dhigno, iyadaa ah garsoorka, iyo hay’adda xeerbeegtida iyo danbiilahaba isla wakhti keliyaata!


Hay’ado Yurub ah iyo qayb ka mida aqoonyahanku ma qirsana jiritaanka dagaal sharci ah oo kawni ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo kooxaha aan ku xidhnayn dawlado dhisan. Waxayna Rosa Brooks diraasaddeeda kor ku xusan ku sheegaysaa in golaha xidhiidhka dibadda Yurub, isagoo matalaya cilmibaadhayaal iyo culimo qaanuun—tusaale ahaan—uu diiday qaabkan edegaysan ee dagaalka ayna xaddidnayn dhinacayadiisu ee u dhexeeya Maraynkanka iyo kooxaha jihaadwadayaasha.


Wuxuu aaminsan yahay golahu in iska horimaadka cid is haystaa uuna dhamaystirmayn ilaa la helayo labada dhinac ee loolamaya iyo qaabdhismeedkooda urureed, si ay ugu suuragasho beesha caalamka maaraynta loollankaa dhinacyada is haysta dhexyaal oo dhul juquraafi oo xadiddan ka taagan. Wuxuuna u arkaa goluhu in marka la eego qaabkan aan hore loo arag ee diyaaradaha dronesku, ay adkaanayso in la xisaabyo inay yihiin dagaal qaanuuni ah oo u hoggaansan barxadda uu ku shaqeeyo xukunka qaanuunka caalamiga ah ee la xidhaadha naf difaacidda khuseeya loollanka hubaysan, mana jirto ilaa imika hab droneska loo hoos geyn karo garsoorka.


Masiibooyinka Droneska



Khudbaddii uu jeedayay Obama maalintii caleemo-saarkiisa ee sannakii 2009; wuxuu xoojiyay in nabadgelyada caalamku ayna u dul qaadan karin holcinta dagaallo cusub. Wuxuuna sheegay tusaale ahaan xaaladaha Ciraaq iyo Afganisatan, laakiin wuxuu is moogsiiyay in uu sheego dagaallada qarsoodiga ah ee ay wadaan diyaaradaha dronesku, kuwaas oo wakhtigiisa si laxaad leh kor ugu kacay, gaadhayna dhawr kun oo weerar.


Wuxuu qirayaa saxafiga Markaynka ee war dabagaleenka ah, Jeremy Scahill, oo ah mucaarid siyaasadeed iyo qoraha buugga (Blackwater) iyo (Dirty Wars); in uu Obama xoojiyay awoodaha CIA-da iyo kooxaha hawlgallada gaarka ahi inay dalka dibaddiisa ka shaqeeyaan, uuna ka qaaday dabarka inay diyaaradaha dronesku duqaymo geystaan. Dagaalka qarsoodiga ahina wuxuu noqday mid ka holcaya saaxadda dunida oo idil.


Marka la eego arrintan, waxa mudan inaan sheegno hadalkii mufakiradda siyaasiga ah, iyo cilmibaadhaha Jermalka u dhalatay ee Hannah Arendt (1906-1975) ay ku sheegtay buugeedda (On Violence): “in awooddu ay waaqica ahaan tahay nuxurka xukuumad kasta laakiin uuna cunfigu (Violence) sidaa ahayn. Cunfigu isagu wuxuu leeyahay dabeecad qofeed, sidaa daraaddeed mar walba wuxuu u baahan yahay jihayn iyo marmarsiyo-u-samayn, si uu u xaqiijiyo ujeeddada uu u socdo. Waxa u baahan in marmarsiiyo uu arrin kale ka helaana wax kale uma noqon karo nuxur".


Wuxuu ku qoray Scahill degalkiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay internetka, isagoo ka hadlaya waxyeellada weyn ee biniaadatinnimo ee uu leeyahay adeegsiga dronesku:


“Wakaaladda sirdoonka dhexe ee Maraykanku magac ahaan waa hay’ad biruqraaddi (beuracratic) oo rayid ah, laakiin wakaaladdaa biruqraaddiga ahi waxay waddaa cunfi iskaga gudbay qaaradaha oo ka fog indhaha dadka, iyadoon la kashifin cidda fulisa ee geysata cunfigaas. Cidna ma garanayso qofafka qarsoon ee hawlgalladaa dilka beegsashada ah fuliya. Waxay weerarradaas ku jiraan xaalad la yaab leh oo qarsoodi ah, waxaana reebban in garsoorka dacwado looga gudbiyo, iyo in la xisaabyo cidda ka danbeysa dulmiga ay dhaliyaan. Diyaaradaha dronesku waa cunfi la fasaxay, iyo biniaadan ka gaabiyay ilaalinta tiknoolijiyadda. Guulaha xiisaha leh ee ka dhashay cunfigan indhaha la’ wuxiu yahay qayb cusub oo ka mid ah cunfiga aragagaxa leh ee aan hore loo arag, wuxuuna ina gelinayaa cutub cusub oo ka mid ah gadoodka biniaadan ee casrigan cusub.”



Comments


Featured Review
Tag Cloud

© 2023 by The Book Lover. Proudly created with Wix.com

  • Grey Facebook Icon
  • Grey Twitter Icon
  • Grey Google+ Icon
bottom of page