Abaalmarinta suugaanta ee Nobel iyo sanadkan
- Oct 6, 2017
- 2 min read

Abaalmarinta suugaanta Nobel waxa la bilaabay 1901kii, waxaana ilaa imika ku guulaystay 109 qof oo u badan noofeliste iyo gabayaa, waxaana la baajiyay sanadihii 1914, 1918, 1935, 1940, 1941, 1943. Abaalmarintan badanaa waxa lugu bixyaa isu gaynta shaqooyinka u qoraagu soo saaray, dadka ku guulasytana waxa lugu qiimeeyaa afafka ay ku qoreen, ee dalka ay ka soo jeedaan looma xisaabiyo, hadaynu wax ka tilmaanno sida ay u kala badanyihiin afafku, waa sidan: Ingriisi: 28 jeer, faransiis 14 jeer, Jarmal: 13 jeer, isbaanish 11, Iswiidhish 7, Talyaani 6, Ruush 6, Carabi ooh al mar ah, waa sandkii 1988 oo uu ku guulastay qoraagii Masaariga ahaa ee Najiib Maxfuud. Abaalamaritani waa ta dunida uugu caanasan, waxaana qabata akaadimiyada Iswiidhen, waxayna isku qeexdaa inay tahay “caalami/international” eedaha loo soo jeediyo waxa ka mida inay (yurubaysntahay), oo badanaa ay qorayaasha reer Yurub ay soo hormasriso, waana qodob la xidhiidha inay Yurub isu haysto inay masraxa iyo suugaanta kala duwan ay iyadu soo saartay. Taas oo lugu daray inay Yurub dunida kale gumaystay, kana gacan sarrayso, gacan sarrentaas oo ay kow ka tahay saqaafada iyo aqoontu, sidaa dartedbaa wax wal oo Yuurb leedahay “Caalami” luugu suntaa.
Sanadkan 2017 akaadimayada Iswiidhan ee abaalmarintan bixisa waxa soo gaadhay 240 codsi is-sharraxaad. sida caadada u ahaydna waxay joornaalada iyo websityada aduunayda ay ka hadlhayeen oo ay saadaalinayeen maalimihii tagay cidda la filaayo inay sanadkan ku guulaysanayso, abaalinta oo aan marnaba ka maqnaan kadintu, hadana magacayda ugu waawayn ee doorkan la filayay waxa ka mida ahaa qoraaga Kiinyaanka ah Ngugi wa thiong’o, iyo qoraaga Jabaaniiska ah Haruki Murakami, iyo qoraaga reer Kanada ee Margatet Atwood la yidhaahdo. Wa thiong’o oo 79 jir ah ayaa aad loo filayay, Wa thiong’o wuxu joojiyay 70kii qarnigii tagay inuu af ingiisiga wax ku qoro, isagoo ku sababeeyay in uu yahay afkii gumaystaha, wuxuna doortay inuu afkiisa kiikooyuuga wax u ku qoro, waxa la filayay inuu mawqifkiisaasi soo jiidasho ka helo akaadiimiyada abaalimarinta bixisa.
Waxa xigay Murakami oo si joogta ah sanad waliba ugu sharaxan abaalimarintan, Murakami wuxu caan ku yahay usluubkiisa fantaasiga ah, sheekooyinkiisa waxa aan ka madhnaan marwalba bisado hadalaya iyo kalluun cirka ka soo daadanaya, waana qorayaasha aduunka luugu akhrika badanayahay.
Qofka sadexaad ee sanadkan la filayay waxa weeyi qoraga Kanadiyaan ka ah Margatet Atwood, oo ah haweenay badanaa xuquuqda dumakra wax ka qorta.
Daka kale ee loo saadaalinaayay guusha waxa ka mida ahaa Nuuradiin Faarax oo si joogta ah ugu sharxan abaalmarintan sanad waliba, iyo qorayaasha Amos Oz (Israa’iili), Claudio Magris (Talyaani), Javier Marías (isbaanish), Don DeLillo (Maraykan) iyo kuwa kale. Laakiin waxay si lama filaana akaadimayadu u sheegtay in uu ku guulaystay sandkan qoraaga Kazue Ishiguro (62 jir). Ishiguro bugaag badan buu leeyahay waxa ka mid ah kuwiisa ugu caansan (the remains of the day) oo u qoray sanadkii 1989 kii, filimna loo badelay.
Ishiguro wuxu ku dhasay Jabbaan sanadkii 1954kii, isagoo shan jira ayuu qoyskiisu Ingriiska u guuray. Wuxu Ishiguro wax ka qora badnaa (themes) Nasinimada iyo dagaalkii dunida ee labaad, wuxuna hore ugu guulasytay abaalmarinta The Man Booker, buugtiisana waxa loo turjumay in ka badan 28 af.

















Comments