Dawaladda Rayidka ah iyo Ujeedooyinka Shareecda Islaamka: Iskuday is-waafajineed (1-3)
- Sep 6, 2017
- 10 min read

Hordhac
Qadiyadaha culculus ee dhinacayda kala duwan leh ee casrigeenan taagan waxay u baahanyihiin in dhinacyo kala duwan laga eego oo takhasusyo iyo manhajyo kala duwan lagu darso, sidaas ayey isku dhamaystirmayaan, dhinacyada iyo xaglaha mawduucuna u dhamaystirmayaa. Dhab ahaanna in aqoonta cusubi ay u kala qabysan tahay takhasusyo aqooneed iyo xirfadeed waa jid wax lagu baran karo waxna lagu bari karo, laakiin ma aha in la dabro hal abuurka feker, waayo asalka cilmibaadhista iyo fikirku waa kala duwanaashaha takhasuseed ee aragtiyaha xaglaha kala duwan.
Waxa dhawaan soo baxay khilaaf kulul oo ku saabsan sida loo xaddidi karo fahanka “dawaladda rayidka” ah, waxayna wehelisay doodaasi khiddaabkii siyaasadeed iyo bulsheed ee guud ee la socday “gugii carabeed”, waxaana dooddadaas la isku jiidhay dabaceedda dawladda rayidka ah laftigeeda, waxaana loo dhigay dhawr waji iyo qeexid, badhkood waxay yidhaahdeen dawladda rayidka ahi waa dawladda calmaaniga ah ee kala saarta diinta iyo dawladda, badh kalena waxay yidhaahdeen mayee waa dawladda libiraalka ah ee xoogga saarta xorriyadda qofeed iyo xuquuqda shakhsi ee muwaadintiinta, qaar kalena waxay ku doodeen waa dawladda ay hoggaamiyaan dad rayid ah (oo ka soo horjeeda midda ay hoggaamiyaan millaterigu), kuwa kalena waxay yidhaahdeen waa dawladda waddaniga ah ee ay muwaadiniinteedu ay u simanyihiin qaynuuunka, qaar kalena waxay yidhaahdeen ma aha dalwadda rayidka ahi mid tuyuqraadi ah (Diimaysan) oo ay hogaamiyaan wadaaado, qaar kalena waxay yidhaadeen dawladda rayidka ahi waxa weeyi “dawaldda islaamiga” ah oo sawirkeeda saxda ahi uu dhabarka ku hayo wakhtigii nebiga iyo heshiiskii madiina (وثيقة المدينة).
Iyadoo ayna jirin qeexid sugan oo taariikheed ama falsafeed, hadana wuxu iila muuqda eraybixinta “dawladda raydika ahi/civil state” fursad lugu dhalin karo nooc isfahan oo lagu sameeyo sees mideeyada dhinacada iyo aydiyoolojiyadaha hirdamaya ee aan soo sheegnay, oo keenta inay isku waafaqaan qaabka dawladda la rabo iyo qiyamka/hannaanka aan ku magacaabi karno “qiyam madani ah” oo dawladda lagu maamulo iyo shaqadeeda iyo siyaasadaheeda, qiyamkaa qofka muslinka ahi wuxu kaga iman karaa isagoo ka istaaga dhanka maqaasida shareecada sida aan hoos ku caddayn doonno, qofka masiixiga ama yuhuudiga ah ama diin laawahi ama wadaniga ama libraaliga ama calmaainga ah ama cidkastoo kalena waxay ka istaagi karta manduurka falsafadeed ee soo gaadhsiinaysa isla qiyamka ku qotoma cadaaladda iyo xorriyada iyo danta guud.
Isafgardkaa islaamiyiinta qaar baa u arki kara inay tahay ka tanaasul badh ka mid ah mabaad’ida islaamka, laakiin anigu waxaan u arkaa xal daruuri ah oo ay keensanayso xaaladda taagan ee ay ku jiraan bulshooyinka carbeed, si looga baxo xaaladdan isjiidjiidhashada iyo kala daadashada wayn oo loogu gudbo xaaladda la dhawrayo nidaamka guud iyo awoodda qaynuunka iyadoo lagu dadaalayo ilaalinta nafaha dadka iyo nabadgalayda bulsheed iyo hadafyada aasaasiga ah iyo kuwa insaaniga ah ee la wadaago.
Sidoo kale seeskaa la wadaagi karo wuxu iiga muuqda laba arrimood oo ku dhex jira “dawaladda raydka ah” ee la rabo, labadaas oo haddii la xaqiijiyo ay suuragalayso in tallaabo hore loogu qaado dhanka dib-u-hagaajinta waddamada carabta u badan iyo kuwa kale ee islaamka ah. Ta kowaad waa kala duwanaanshaha siyaasadeed, markaynu qaadano micnaha guud ee siyaasadda, ka labaadna waa mudnaanta ay leedahay adeegga rayidku.
Kala duwanaansha siyaasadeed ee la rabo wuxu ku hirgalayaa marka kowaad habka nidaamka xisbiyada badan ee xukunku u dhexeeyoo, taasi waxay xal u noqonaysaa cakirnaantii gunta dheerayd ee ahayd jiritaan la’aanta qaab silmi ah oo xukunka la iskugu wareejiyo, sidoo kale kala duwanaasha siyaasadeed waa inay ballaadhantaa si loo xaqiijiyo matalaada siyaasadeed iyo isku dheellitirnaanta qaybsashada hantida iyo awoodda maadiga ah ee u dhexeeya beelaha iyo dadka ay bulshadu ka kooban tahay.
Arrinta kale ee “adeegga rayidka / civil service” ee dhisidda dawladda rayidka ah la rabo waxay mudnaan u leedahay dhigidda siyaasado mudnaanta siinaya xaqiijinta danaha dadka, waana ujeedada dawladda laga leeyahay asal ahaanba. Way u kala duwanaan karaan aydaloojiyadahu bidix iyo midig si ay xaddidaan astaamaha guud ee siyaasadahaas, laakin taasi ma hor istaagayso in halbeegyo akhalaqeed la dhigto iyo mabaadi’ guud si ayna siyaasaduhu u leexan.
Khilaafka ka taagan “dawladda rayidka” ahi waa mid aydalooji ah
Ma jiro dabeecad qudha oo u leeyahay fahanka siyaasadeed, waa fahanno bini-aadan oo soo hormarayay muddo dheer, oo ay dadku dhigtaan, dhistaanna haya’do iyo nidaamyo siyaasadeed, iyagoo ka duulayo waxay isku afgartaan ee shaqada iyo fahannada (siyaasadda) iyo hadafyadeeda ah. Eraybixnta “dawladda rayidka” ahi ma laha taariikh iyo qeexid cad sida ay u samaysantay cilmigii siyaasadda ee kalaasiga ah iyo ka cusub midna, ha ahaatee faafitaankii uu faafay marxaladii “guga carbeed” ee macnayaashan ee aynu u jeedno manta ee heerka ummada carbeed iyo muslimiinta ayaa inagaga filan in lafahmo ahmiyadiisa manhajeed iyo islaaxineed iyo shaqadeeda guud.
Laakiin waxa habboon –sidaan hore u soo nidhi- inaan kala saarno qeexidda “dawaladda rayidka ah” oo aan u kala saarno mabaadi’ qiimeed oo la isku wada raacsanahay, iyo aydaloojiyad siyaasadeed ee kala duwan oo ay tahay in ay dhamaantood ka qayb qaataan oo ay wax ku darsadaan tayaarka “dawaladda rayidka” ee la wada rabo, iyadoon cid gaari ayna kali ku noqonayn qeexidda dawladda laftigeeda.
Se mabaad’ida la isku raacsan yahay waxa u horreaya in dad rayid ahi ay dawaladdaas xukumaan, oo ayna ha’yadda miltari gacanta u galin, taasina waxay ka dhigantahay in hay’adda miletari (iyadoo mudnaanteeda wayn leh) ay ahaato uun mid ka mida hay’daha dawaladda bes, oo ayna waxba kaga duwanaan. Qodbakaasi waa mid la’aantii ayna suuragalayn dawaldda rayidka ahi.
Mabad’a labaadina waa damaanad qaadida xorriyada iyo xuquuqda muwaadiniinta iyo u sinnatooda qaynuunka hortiisa, iyadoon loo kala eegin diin iyo jinsi iyo fikir toona, taasi waxay keensanaysaa sarreynta qaanuunka iyo in uu beegsado qaynuunka xaqiijinta cadaaladda iyo inuu si dhaba uga madax bannaanaado awoodaha dawaladda ee kale, iyo in uu distuurku ixtiraamo qiyamka bulsho, siiba mabaadi’da shareecada islaamka, hadii ay dadka majooratigiisu yihiin muslimiin, taas dabcan waxa barbartaalla in uu distuurku damaanad qaado xarriyada caqiido ee muwaadiniinta diimaha kale haysta.
Se aydiloojiyadaha siyaasadeed ma soo galyaan qeexidda dawaladda laftigeeda, haddii ay soo galaan waxay noqonayaan qeexidda falsafadaha xarakaadka iyo xisbiyada siyaasadeed ee uu xukunka ku dhex wareego, oo waxay noqonayaan “calmaaniyadda dawladda” ama “libraaliyada dawldda” ama “hantiwadaagga dawladda” amaba “islaamiyadda dawladda” – sidaan u arko dawaladda waddaniga ah waxa qudha ee “dawladda islaami ah” ku tahay waa marjica distooriga mabada’iga ah oo laga dhigo diinta majooritagu ay hastaan masdarka sharci dajinta, waxayna tahay inaan carrabka ku xoojinno dawaldda waddaniga ee cusubi sida waaqiceegan taagan imika ma aha “dawlad islaami” ah oo riyo ah (ideal) oo aan maskaxada ku sawirano, ee waa mid waaqic ah, mana ah mid taariikhda aan ka soo dheeganayno ee waa mid waaqica ah. Halkan waxan ka hadalynaa waa waaqica waddani ee dawladda.
Mar hadday sidaa tahay, waxay ku baaqeen xisbiyo siyaasadeed “cilmaaniyad” isku magacaabay in la kala saaro diinta iyo dawladda, ama in dawaladdu dhexdhexaad ka noqoto arrimaha diinta iwm, laakiin taasi waxay tahay inaan galin qeexidda dawladda lafitgeeda ama distoorkeeda, oo waa in uu ku ekaado uun dhinac siyaasi ah oo ka qayb qaadanaya go’aanka siyaasadeed ee guud, mana aha in uu ku kali noqdo magaca “dawadda rayidka ah”.
Inay ku baaqaan xisbiyo siyaasadeed badh ka mida qiyamka libraaliyada ee mudnaata siinaysa xorriyada qofeed ee muwaadintiisa ee ka horreysiinaysa arrin kastoo kale oo xorriyadaa dabraya, sidaa laftigeedu ma aha la dhex galiyo qeexidda dawladda ama distoorkeeda, ee waa inuu ku ekaado uun dhinac siyaasi ah oo ka qayb qaadanaya go’aanka siyaasadeed ee guud, mana aha in uu ku kali noqdo magaca “dawadda rayidka ah”.
Inay ku baaqaan xisbiyo badh ka mida qiyamka hantiwadaagga oo ka dhigan inay dawaladdu xakamayso dhaqaalaha suuqa ama inay diiddo hab dhaqaale oo kale bulshada dhexyaal ama wax la mida, taa laftigeedu kama dhigna in la soo galiyo qeexidda dawladda ama distuurkeeda, ee waa itijaah siyaasi ah oo ka qayb qaadanaya go’aanka siyaasadeed ee guud, mana aha in uu ku kali noqdo magaca “dawadda rayidka ah”.
Inay ku baaqaan xisbiyo siyaasadeed hirgalinta buuxda ee dhaman xukunadda shareecada islaamka oo saamanaya nolosha muwaadintiinta aan islaamka ahayn, ha aqbalaan ama yayna aqbaline, taa laftigeedu kama dhigna in qeexidda dawaladda la soo galiyo ama distuurkeeda lagu qoro, waa itijaah siyaasi ah oo ka qayb qaadanaya go’aanka siyaasadeed ee guud, mana aha in uu ku kali noqdo magaca “dawladda rayidka ah”
Haddii dadka qaar ay hadalkan ka biyo diidaan, oo ay ku adkaysataan in ay dawladda waddiniga ahi ay tahay dawlad islaami ah oo macnihii sharicga ahaa iyo kii taariikhiga ahaaba leh, ha qaadaan hadday awood u leeyihiin kacdoon ku taagan sees islaami ah si ay u dhisaan dawlad islaami ah oo leh distoor si ka duwan u kala xadayna dawaladda iyo muwaadinka xidhiidhka u dhexeeya maanta, laakiin kacdoonadii jiray iyo kuwa manta jirayba ee dhaliyay marxaladan aan ku jirno, dadku umay socon dawad islaami ah ee micnaha taariikheed leh, cidna may sheegayn inay kcodoonka sidaa u qabatay, xitaa islaamiyiintu sidaa umay socon, cidna may beegsanayn inay beddesho nidaamka dawaldeed oo ay mid islaami ah ku beddesho,, masaladaa iskumabay waafeqeen bulshooyinku inay fagaarayaasha ugu soo baxaan si ay u taageeraan.
Halkan waxaan u imanaynaa xidhiidka ka dhexeeya “diiniga” iyo “madaniga” ee waxa aynu ugu yeedhaynay “dawalad madani ah”, jawaabta su’aashaasina waxay u baahantay inaan furfur ku smayno arrimahan soo socdo:
Xidhiidhka isa saran ee u dheexa diiniga iyo madaniga
Waxaan ku sheegay kitaabkayga (shareecada iyo siyaasadda – oo ay daabacday shabaka al carabiya ee cilmibaadhista iyo daabacadda) in aanu jirin isku hor imaaasho u dhexeeya “madaniga” iyo fahanka “diinta islaamka”, hadii aan u qaadanno diiniga iyo madaniga laba wareegto oo isa soo gaadhaya, ee aan ahayn wareegayaal kala go’an, oo dabadeed aynu u qaybinno kala go’aa fahannada u dhexeeya sida jaantuska hoose ka muuqata.
Muuqaalkaasi waa dabiqitaanka aragtda tiro badaanta manduumooyinka bulsheed iyo kuwa siyaasadeed, mabada’ fagaaraha ramaadiga ahi ee dabiiciga ee u dhexeeaya cadaanka iyo madowga ee lafa gurka fahannada aragtida sawarida maskexeed. Halkan fahanka madanigu wuxu u qaybsamayaa laba qaybood: “madani badhax tiran”, iyo “madani diini ah”, iyadoo lagu daray qayb “diini badhax tiran ah” sidaa ka muuqato jaantuskan:

Xidhiidka diiniga iyo madaniga ee isdhexgalka iyo kala baxa
Diiniga badhaxa tiran: waa cibaadooyinka khuseeya diinta, waana arrimo aan xidhiidh la lahayn dawaladda iyo qaynuunadeeda, waxaana la mida masalooyinka caqiidada iyo qadiyadaha xalaasha ama xaaraata, ee aan khuysayn nidaamka guud, masaalixdaasi islaamka uun uma gaar aha, ee waxa leh iyaguna yuhuudda iyo kiristanka iyo cid waliba oo diin haysta, oo gaar u leh waxa khuseeya diintooda iyo caqiidadooda, inta uuna ka hor imanayn nidaamka guud ee dhamaan la isku wada raacsanyahay. fagaarahaasi (spaces) waa meesha ay ku gutaan shacaa’irta diintooda iyadoo ayna diintu soo fara galin, hadii ay afka gashato dawaladdu waxay ku xadgubaysaa xorriyada muwaadiniinta, waxayna iska beddelaysa dawlad madani ah oo waxay noqonaysaa dawlad “diineed macangag ah”, mana aha inay dawaladdu fara galiso xorriyadaha diined, haba ku hadasho magaca inay diinta difaacayso ama ha sheegto magac difaaca cilmaaniyeed e.
Madani badhaxa tiran: waa wixii khuseeya dawaladda iyo haayadaheeda kala duwan ee siyaasadeed, wixii islaamku u fara galin toosa ku leeyhay waa dhanka qiyamka iyo ujeedooyinka, mana aha dhinaca xukunada sharciyeed ee khuseeya islaamka diin ahaan, taasna waxa ka mida qaabka dawaladda iyo qabyinta awoodaha kala duwan iyo qaynuunada habaynaya xidhiidhka u dhexeeya qofafka iyo hay’adaha iyo ururada oo ah wax ayna diintu ka hadal, si faahfaahsanna u soo bandhigin, waxaynu ku sheegi karnaa qaybtan inay soo hoos galyso maaraynta adduunyo ama ismaamulka siyaasadeed, waana fagaaro u gaara dawadda rayidka ah.
Diiniga-madaniga ah: waxa jirta wareeg (sida ku cad jaantuska) ay is dhexgalaayn diinta iyo madanigu, micno ahaan diintu waxay ka leedahay xukun fahfaahsan ah oo asal ah inay isku baddesho qawaaniini ama siyaasado guud oo dhamaan ay tahay in la raaco, halkan ayey ka soo baxaysaa cakrinanta u dhexysa diiniga iyo madinga, waayo, in loobeddelo xukunka shareecada (islaamku) qaynuun guud oo lugu dabaqayo muwaadinka muslinka ah iyo ka aan muslinka aynba si siman waa masalad u baahan in la sii kala saaro:
Laakiin haddaynu u qaybinno fagaaraha (diiniga-madaniga ah) saddex qaybood waxa laga yaabaa inay inoo soo baxdo qaab la wadaagi karo, oo aan ka fogaan karno kala qaybsanka iyo loollanka bulsheed iyo caqiibo xumada “dawaladda madaniga ah”:
1- Diiniga madaniga ah ee qola waliba diinteed iskula xukun tagi karto:
Waa sida arrimaha qofeed tusaale ahaan, majooratiga bulshooyinka carbeed –kiristan ama muslin ama diin kaleba ha haystaane, ama sunni ama shiici, ama islaamiyiin ama libraaliyiin ama kuwa kaleba, ma oggola fikradda guurka “madaniga ah/ civil marriage” micno ahaan inay laba qof is guursadaan iyagoon isku la noqon xukunka diineed (kiristanka ama islaamka) ee sharciyaynta guurkaas iyo shuruudiisa iyo muwaanicdiisa/waxa ka reebban ee kala duwan sida aay dhigayaan ha’yadaha diineed ee ku shaqada lehi, sidaa daraadeed, hawlaha qofeed iyo wixii la xidhiidha arimaha qoyska ee ha’yado iyo qaynuuno- waxaana lagu daraa dhaxalka iyo biilka, iyo abtiriska, iwm- waxa erayga kama danbaysta ah leh fuqahada qaynuun yaqaanka ah ee cilmiga diinta aqoonta u leh diin kasta, waxayna matalayaan (dabcan waa iyadoo la tixgalinayo munaasibadda iyo casriga kolba la joogo) in ra’yiga diineed ee la oggol yahay islaamka ama kiristanka sida tixraacayda loo yaqaano leh. Fagaarahaas waxay tahay in qaynuunka iyo ha’yadaha dawaladdu ay noqdaan kuwa teegeeraya gaar ahaanshaha diin waliba iyo firqo waliba iyo mad-hab walba.
2- Diiniga madinga ee la isla qaato inuu ku dabaqmo dhamaan dadkoo idil:
Waa fagaaro axkaam diini ah (imika xuknada islaamka ayeynu uula jeednaaye) oo ay isku waafeqeen dhamaan dadku in ay danta guud ku jirto marjiceedu shareecada islaamka ha ahaadabee. Waxaa tusaale ka ah qaynuunka qisaasta ee qofka qof kale u dila si uula kac ah, oo lugu fuliyo xadka dilka kaska ah ee shareecada islaamka. Xukunkaasi isagoo shareecada islaamku dhigtay hadna waxa la isku waafaqay inuu noqdo qaaynuunka lagu dhaqo muslinka iyo qofka aan muslinka ahaynba, distuurka iyo nidaamka guudna kama soo horjeedo.
Waxa kale oo ka mida cuquubadaha qaynuuneed ee falalka foosha xun sida in meel jid guud ah lagu sarkhaamo, ama rambadaan banaanka cunto loo la soo baxo, iwm ee xukunnada shareecadu dhigtay ee dabadeed dhamaan la isku waafaqay badanka bulshooyinka carbeed iyo kuwa islaamkaba.
Waxa kale oo Iyana jirta qaynuunada habeeya goobaha cibaadada oo tahay in loo eego kala badnaashaha tirada dadka diimaha kala duwan haysta iyo sida ay u kala degginyiihin, iyo fasaxyada rasmiyga ah ee ciidaha islaamka ee badanaa la fasaxo dadyowga oo idil, iyo sidoo kale ha’yadha masaajidda iyo awqaafta iyo bicsadaha xajka ee ay dawaladdu ka maal galiso hantida shacabka oo idil, iwm, dhamaatoodna waxay tahay in loo la noqdo “sharci dajihay” kaas oo matalaya shacabka oo idil, lana dhawro xasaasiyadaha kala duwan ha ahaato xasaasiyada muslimiinta oo majoorati ah, iyo sidoo kale dareenka diineed ee dadka laga tirada badan yahay oo waajib ay tahay in la dhwro, Iyana ay waajib ku tahay inay dhawraan.
Intaa waxa dheer qodobka distuuri ah oo ka dhigaya shareecada “il” ama “isha kaliya” ee laga soo dheeganayo sharicidajinta, waana qodob distoori ah oo mudnaan leh oo badanka wadamada muslinka ah ka jira, isagoon wax dhibana u gaysan gaar ahaansha dadka aan mulsinka ahayn.
3- Diiniga madaniga ah ee aan dhamaan la isla oggolayn:
Qodobkani waa mid margi galeen ku ah islaamiyiinta, xasaasiyad baynna ay si gaara uuga qabaan islaamiyiintu, oo marka la eego qaynuunada iyo hay’adahu halkan waa shareecada islaamka, laakiin isku waafiqitaan bulsheed may dhicin, lamana helin diintu islaamku isku beddesho qaanuun lagu dabaqo ama ha’yado gaara oo ha’yadaha dawladda ka mida, waana sida dadka ku baaqa inay dawaladda wadaniga ahi ka qaado (jisyo) ama cashuur dadka aan muslinka ahayn, aanan loo ogalaanna dadka aan muslinka ahayn inay ciidnka galaan ama madaxtinimda isku sharraxaan ama garsoorka qabtaan, ama inay dawalddu ku waajibso dhamaan mudaawintia wax ka mida shacaa’irta islaamka oo dhaqnadiisa guud iyadoo la adeegsanayo magaca (xumaan reebista iyo wanaag farista), iyo in shareecada lagu dabaqo fal dambiyeedyada xaddidan, iyo in bangiyada ribada wata la xidho, iwm.
Waxay tahay qodobadan in ayna isalaamiyintyu galin siyaasadda, lagana saaro doodda dawladda iyo sharici dajinta oo loo saaro fagaaraha shaqada rayidka ah iyo tarbiyda iyo dhaqanka oo wax laga bedelo. Aadabta islaamku tusaaale ahaan waxay ku dabaqmi karaan dhamaan iyadoo la adeegsnayo ha’ydaha islaamka ee tarbiyda iyo saqaafada iyo wacyigalinta iyo warbaahinta iyo masaajiddda, Kamana dhalanayso in ay aadabtaasi isku beddesho qaynuuno dadka ka horyimaadda ciqaabta, sunnada rasuulkana waxaan ka baranaynaa in asalka masaa’ilkaasi uu yahay dhaqanka qofka khuseeya ee uusan ahayn awoodda dawaladda.
Wareegtadan madaniga ah ee aan afarteeda qaybood halkan ku soo bandhignay (1,2,3) ha ahaato wax la xidhiidha islaamka, qiyam iyo mabadi’ la wadaago ahaan, ama wixii la xidhiidha xukunnada fahfaahasan, oo ay tahay si ay u rumawdo madaniga in macnaha kala duwanaasho ee guud la xaqiijiyo ee mid xisbi ayna noqon. Wareegtadan madaniga ee afarta qaybood lehi (1,2,3) waa inay iyada laftigeedu u sii kala baxdaa wacyiga fulinta iyo shacabka ay tahay in ay u kala saarto laba qaybood siyaasad fulin, iyo siyaasad dajin, waxayna u baahnaynaysaa fahfaahin intaa ka ballaadhan.
La soco qaybta 2aad..

















Comments