Dawaladda Rayidka ah iyo Ujeedooyinka Shareecda Islaamka: Iskuday is-waafajineed (2-3)
- Sep 15, 2017
- 10 min read

Masalada dabaqitaanka xuduudaha iyo dawaldda cusub
Sharciga masalada xuduudu waa mid go’an oo la isla yaqaan, tafaasiishiisa badhkood baa la isku khilaafanyahy, laakiin in xukunada sahreecada loo beddelo qaanuuno lagaga dhaqmo dawaldo wadani ah oo dad diimo kala duwan ay ku nool yihiin waa masalo kale, waxayna ku xidhantahy jidadka distuurika iyo sharci dajineed ee loo marayo ee qaanuunada lagu dhiraardhirano, iyo ta u muhiimsan oo ah in badanka dadka dalkaa daggini ay isku raacaan in xukunnada shareecada lagu dhaqmo, waana arrin aaa loo malaynayn inuu dhici karo ama suuragal noqon karo.
Xadku af ahaan waxaa shayga laba arrimood kala saara, waxa la yidhaa xadka magaalada ama suurka magaalda, macne ahaan meesheeda ugu cidhafsan, sidaasay la mid tahay xuduuda shareecada, waa cidhfaka uugu kooneeya ee fal danbeyeedka islaamka, iyaguna uuguma soo horreeyaan, hadaan adeegsanno cabiraada casrigan; waa ciqaabyo xaalada emerjansi ah oo gaara, mana aha falal danbiyeedyo caadi ah.
Xadka shareecadu waaa inay nusuus cadcad ku soo arooray, waana inay is le’egyihiin cuqaabada xadkeedu cad yahay, hadii kale waxay u ekaanaysaa tacsiirinta –sdaan hore u soo sheegnay- tusaale ahaan qadiyada khamri cabistu isalaamku waa tacsiirin ee xad ma aha sida dad moodaan, waayo ciqaabta nusuuta sheegtay ma aha mid sugan waa mid la qiyaas qaatay, nebguna csw wuxu ku dabaqay ciqaabyo kala duwan khamri cabista, (aan dhahno khamri cabista banaanka loo la soo baxo e), markay sidaa tahy waa sharci looga tagay sharci dajiyaha iyo waayaha dadka ee cusub.
Xadadka shareecady waa falal danbiyeed xaddidan oo la yaqaan, waana sidan soo socot:
Xadista: wuxu Alle yidhi (وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُواْ أَيْدِيَهُمَا جَزَاء بِمَا كَسَبَا نَكَالاً مِّنَ اللّهِ).
Sinda: wuxu Alle yidhi:الزَّانِيَةُ وَالزَّانِي فَاجْلِدُوا كُلَّ وَاحِدٍ مِّنْهُمَا مِئَةَ جَلْدَةٍ وَلَا تَأْخُذْكُم بِهِمَا رَأْفَةٌ فِي دِينِ اللَّهِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَلْيَشْهَدْ عَذَابَهُمَا طَائِفَةٌ مِّنَ الْمُؤْمِنِينَ) waxa kale oo Alle yidhi: (وَاللَّاتِي يَأْتِينَ الْفَاحِشَةَ مِنْ نِسَائِكُمْ فَاسْتَشْهِدُوا عَلَيْهِنَّ أَرْبَعَةً مِنْكُمْ فَإِنْ شَهِدُوا فَأَمْسِكُوهُنَّ فِي الْبُيُوتِ حَتَّى يَتَوَفَّاهُنَّ الْمَوْتُ أَوْ يَجْعَلَ اللَّهُ لَهُنَّ سَبِيلًا), waxa kale oo Alle aayad kale ku yidhi: (وَٱللَّذَانِ يَأْتِيَانِهَا مِنكُمْ فَآذُوهُمَا فَإِن تَابَا وَأَصْلَحَا فَأَعْرِضُواْ عَنْهُمَآ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ تَوَّاباً رَّحِيماً).
Jid gooyada ama mooryaanimada: wuxu Alle yidhi: (إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الأَرْضِ فَسَاداً أَنْ يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُمْ مِنْ خِلافٍ أَوْ يُنْفَوْا مِنَ الأَرْضِ ذَلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا وَلَهُمْ فِي الآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ).
Dilka iyo dhaawaca: waana dhower nooc, dilk kas ah iyo dil u dhaw kaska iyo dil gaf ah, iyo dhawaacid kas ah iyo dhaawicd aan uula kac ahaym, waana noocyo caan ku dhex ah shareecada. Waxa ka mida tusaale ahaan qasiaasta dilka ee in naf naf loo dido. Waxa uu Alle yidhi : (وَكَتَبْنَا عَلَيْهِمْ فِيهَا أَنَّ النَّفْسَ بِالنَّفْسِ وَالْعَيْنَ بِالْعَيْنِ وَالأَنفَ بِالأَنفِ وَالأُذُنَ بِالأُذُنِ وَالسِّنَّ بِالسِّنِّ وَالْجُرُوحَ قِصَاصٌ فَمَنْ تَصَدَّقَ بِهِ فَهُوَ كَفَّارَةٌ لَهُ وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ فَأُوْلَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ). Waxa kale oo u Alle yidhi : (وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُون).
Qafdafka: waana iyadoo qof lugu caayo inuu sinyaste yahay: wuxu Alle yidhi: (وَالَّذِينَ يَرْمُونَ الْمُحْصَنَاتِ ثُمَّ لَمْ يَأْتُوا بِأَرْبَعَةِ شُهَدَاء فَاجْلِدُوهُمْ ثَمَانِينَ جَلْدَةً) .
waxa jira wax lugu magacaabay “xadka riddad” waana ciqaabta in qofka diina isalamka beddelo, culimo badan baa xad ku tiraya, laakiin sidaa ma aha, fahfaaahinteedana waynu u iman doonnaa.
Laba waydiimood baa ina hor yaalla:
Xuduudda miyaynu ku dabaqaynaa dawladda cusub (modern state)?
Hadii islaamiyiinta badhkood ay manta ku baaqayaan in xuduuda la dabaqo, maxay tahay baadhista iyo cusboonaysiinta ay tahay in laga horreysiiyo dabiqitaankaa casriga la jaanqaadaya?
Jawaabta su’aasha hore ee xuduudda miyaynu ku dabaqaynaa dawladda cusub? Waa: Haa, laakiin shuruudda dawaladda cusub lafteeda ayaa loo raacayaa, taasina waxay ka dhigantahay in sida xeer ciqaabyeedka kale uun loo la dhaqmayo, ayna tahay in dadka uugu badan ee sahrci dajinta ahi ay isku waafaqaan, waayo mashaqo wayn baa ka dhaxaysa bulshooyinka cusub iyo xuduudda shareecada.
Laakiin waxaa jirta caqabad wayn oo distuuri ah oo horjoogsanaysa dabiqidda shareecada casrigeenan, waana shardiga uugu wayn ee dawaldda cusub distoorkeedu u dhigayo oo ah inay muwaadintiiu u siman yihiin xeer ciqaabeetka! Taasina waxay ina horkeenaysaa caqabad ah in dadka aan muslinka ahayn lugu ciqaabo falal aan diintooda ku danbi ahayn. Hadii Iyana la yidhaa muslimiinta uun ha lagu dabaqo xukunnadaas, waa mushkilad kale; waayo meesha wax aka baxaya u sinaashihii qaanuuniga ahaa muwaadiniita u dhexeeyay, taasina waaqiceenan cusub muslimiintayba diintooda ka fitnanyn kartaa, hadday u arkaan in hadii ay diinta iskaga baxaan laga dhaafayo xadka.
Laakiin taasi shareecada islaamka waxba kama beddelayso, laakiin waxa jira farqi u dhexeeya shaeecada iyo qaanuunka, si kale hadaan u dhigno, shareecada ilaahay oo ayna cidi isku khilaafsanayn, iyo wixii ay tahay inaynu u beddelono ee shareecadaas qaanuun lugu dabaqo waaqica jira.
Jawaabta su’aasha labaadna: waxay tahay inaynu ka fekrno bilowaahnba dabiqataanka shareecada ee casrigeenna iyo darsidda dadaadalda cusub ee dabqidaas, ijthaadka shareecadu mar waliba waa waajib ah tahy in aan laga tagin.
Ijtihaadkaa hore waxa ka mida ahaaa ka rididda xadka toobadda qofkii danbi falay, waxa xaqiiqoobay ujeedadii xadkaba laga lahaa. Oo waxa jira laba dhinca ama laba xaq oo ay fal danbiyeed waliba leeyhay, ka hori waa xaq bin aadan, waxayna tahay in xaqii bin aadan loo celiyo cidii lahayd, tusaale ahaan xadista waa in loo celiyaa shayga la xaday cidii laga xaday. Xaqa labaadna waa xaqa ilaahay, oo ah danbiga ilaahay iyo adoonkiisa u dhexeeya.
Ilaahay wuxu ka yidhi kuwa dagaal oogaysaasha ah (إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الأَرْضِ فَسَاداً أَنْ يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُمْ مِنْ خِلافٍ أَوْ يُنْفَوْا مِنَ الأَرْضِ ذَلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا وَلَهُمْ فِي الآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ. إلَّا الّذِين تَابو). Culimadu iskuma khilaafsana inay xadka jid gooyadu uu ku dhacayo toobadda sida ay aayadu sheegtay, laakiin waxay iksu khilaafeen sidan: toobadda jidgooyada ma looga qiyaas qaadan karaan xuduudaha kale hadii laga toobad keeno? Hadii ilahaay swt uu aqbalayo toobadda cidii ka toobad keenta (الحرابة) jidgooyada ah danbiyda uugu waawayn, miyaan la aqbalayn toobadda xuduudaha kalena? Jawaabta ku haboon casrigan iyo ijthaadka ujeedada laga laha masalada xuduuddu waa xad-s-samaynta danbiilaha, jawaabtu waa Haa, towbadaasi waa inay wadataa shruudeedi iyo waxii ayyidayay, waan inaynu arrinka qaaciido ahaan u qaadannaa, laakiin taasi wa ka dib marka cidii xaq ka maqnaa loo celiyo xaqeedi.
Wuxu qabaa diktoor Ttawfiiq Alshaawi ra’yi ayyidsan caynkaas aan soo sheegnay, wuxuun yidhi:
{Waxa cad in taageerida toobaddu ay tahay waxyaalihii uugu waawana ee ay beegsatay sunnada nebigu, waxayna gaadhsiisnayd heer loogu nasteexeeyo eedaysnaha in uu u qirto danbigiisa oo ka laabto si taasi ay cadayn uugu noqoto tawbadiisa. Balaadhnida toobada dadka badhkii baa ismoogsiinaya. habkaas ayaa uugu habboon la dagaalnka falal danbiyeedka iyo toosinta danbiilaha iyo bulshda xagii laga ciqaabi laaa. In uu ku dhawaaqu eedaysnuhu tawabadiisa iyo inay dhab ka tahya tawbadiisu waa arrimaha u garsoorku u adkeesan karo joojinta xeer ciqaabayda iyo qisaasta. Tawbaddu kama cafinayso qofkau inuu bixiyo wixii xuquuq lugu leeyhay.. xilliga tijaabinta (probation) waxay tahay in loo adeegsado eedaysnaha in lugu dhiiriyo toobad keen, sidaa daraadeed waxa si buuxda uula waafqanahay ujeedeeyinka shareecada islaamka iyo usuushiisa}.
Ustaad diktoor Maxmad Saliim Alcawaa isna ra’yi sidaa u dhaw ayuu qabaa, wuxu leeyhay:
{xujada dadka qaba inay ku dhacayso xuduudo toobad keen –ama laga cafinao toobad keenaha ciqaaabtii- ayaa ka xoog badan ra’yi kuwa kale, mana odhan karno inay ra’yigani albaabka u u furayo ciqaab la’aanta falal danbiyeedka hadii la yidhaa toobad keena ayuu ka ga badbayaada wixii u falay, waayo markaynu toobad keenka ka dhingo cudurdaar lugu dhaafayo ciqaabta kama dhigna inay ka horjeedsanayo garsoorku inuu toobadda ku miisaamo waaqica, oo u qiyaaso, sidaa ma diidani anigu}.
Ijtihaadka labaad ee muhiimka ah waa ijtijhaadka cusub ee ku dhaqanka casriga ah ee qaaicidada “xudoodo oo loo baajiyo iyadoo laga baqayo shuhbo/malayn” oo ma soo jeedin karno in xuduuda xatooyada lugu dabaqo bulsho ay ka buuxdo shubhooyin, taasoo oo kala dhexgalaysa inuu fulinta shareecadu ay cadaaladda iyo islaanka waafaqdo, tusaale ahaan Masar waxaa ku faafsan gaajada iyo saboonimada iyo baahida iyo aqoondarrada, iyadoo xaaladda lugu jiro islaamku ma ogola in xuduud la fuliyo, waxayna tahay in xuduudda la baajiyo ilaa xaaladdan laga baxayo, dadku haba isku raacaan fulinteeda e.
Shrci ahaan waxay tahay intaan lugu baaqan fulinta xadka xatooyada in la wanaajiyo heerka nololeed ee dadka, oo la soo afjaro dhibaatooyinka saboolnimada iyo gaajada iyo baahiyaha daran, wuxuuna Cumar bin Khaddaab Alle raali ha ka noqdee u joojiyay fulinta xuduudda xatooyada gugii macluushu dhacaday, sidoo kale intaan lugu baaqin fulinta xadka sinada waxay tahay sharci ahaan in dadka wax la baro oo wax la fahansiiyo, wuxu Cumar ka joojiyay fulinta xadka sinada dadkii “acjimiga” ahaa ee aan fahmayn xaduudda, markaa waxa habboon in aynaan ku baaqin uun xad ha la fuliyo e aynu dadka wax barno, oo ay u kula cadaato waxa xaaraanta ah iyo waxa xalaasha ah, iyo taa horteed in dhalinyarta duruuftooda la hagaajiyo si ay u guursan karaan, uugana badbaadi karaan xumaan.
Waxa kale oo jira laba arrimood oo la xidhiidha ijtihaadka casriga ah ee xuduudda, waxayna la kala xidhiidhaan rajmiga (dhagax ku dilka) iyo qadiyadda xadka riddada.
Iyada ciqaabta rajminta, culimda badnakoodu waxa arkaan in la rajimiyo qofka isagoo xaas leh sinaysta, laakiin waxa jira ra’yi qaba inay rajimga uu ka ka midyahay shareecada yuhuudda ee islaamku u beddelay, oo uusan shareecada islamka ka mid ahayn, waxa kaloo jira ra’yi kale oo isna qaba in uu yahay edbin (tacsiir) uu xaakimku ka go’aan qaadanayo ku dhaqankeeda. Labadaas ra’yi baa waa ijtihaad ay tahay in fiiro loo yeesho oo u soo saaray sheekh Yuusuf Alqardaawi iyo kuwa kaleba, halkanna waxaan ku soo guurniyaa hadalkii qardaawi:
{(goobta:Liibya, sanadka: 1972) kulankan wuxu sheekh Abuu sahara soo bandhigay ra’yi diineed, oo kiciyay xubinihii kulanka, oo qariibsaday ra’yigiisa cusub. Siday u dhacdayna waxay ahayd: Sheekha Alle ha u naxariistee intuu ka istaagay kulnkii ayuu yidhi: ra’yi diineed baan qabaa, oo aan qarsanayay labaatan sanno, waxaaanan hoos uugu tibaaxay diktoor Cabdicasiis Caamir, intuu dhankii Cabdicasiis eegay buu yidhi, sow maha diktoor Cabdicasiis: markaasuu isna yidhi ”Haa”. Wuxu sii watay: waxaana la joogaa xiligii aan ra’yigaa badka soo dhigi lahaa, inta aanan ilaahay la kulmin, oo aan la igu xisaabin: maxaad cilmiga dadka uugu bayaamin wayday oo aad u qarsatay. Ra’yigaygani wxuu la xidhiidhaa qadiyadda rajiminta qofka xaaska leh ee sino ku dhaca.waxaanan u arkaa inay rajimintu tahay shareeco yuhuud, nabiguna bilow ahaantii wuu qiray oo wuu daayay, dabadeedna waxa lugu nashakhay xadka jeedalka ee suurtul Alnuur ay ka warrantay. Isagoo hadlka sii wata wuxu raaciyay: waxaaanan u cuskanayaa ra’yigagan saddex daliil, ka kowaad: ilaahay sarreeye wuxu yidhi “فإذا أُحصِنَّ فإن أتين بفاحشة فعليهن نصف ما على المحصنات من العذاب”” suuradda (Al-nisaa 25). Aayadn waxay ina leedahay dumarka adoomaha ee xaaska idiin noqda haday sino ku dhacaan ciqaabtii dumarka xorta ah badhkeed ha la mariyo, halkaa waxa ka cadaanaysa in ciqaabta loo jeedaa inayna rajmin ahayn, ileen rajimintu ma qaybsantee, ciqaabta loo jeedaana waxay tahy ta suurtul nuur ku xusan: “وليشهد عذابهما طائفة من المؤمنين” suuradda (Al nuur: 2). Dalkiikayga labaadna: waa xadiiska uu Bukhaari soo wariyay, in Cabdilaahi bin Awfa la waydiiyay rajminta: suurtaul nuur miyuu ka horeeyay mise wuu ka danbeeyay? Markaasuu ku jwaabay: ma garanyo. Waxaana meesha iman karta inuu ka horeeyay rajmintu soo digista aayadda nuur oo nasakhday. Daliilkayga saddexaadna waa: xadiiska loo daliishado rajiminta laftigiisa, oo la yidhaa: wuxu ahaa aayad quraana, dabadeed waa la nasakhay akhrinteedi laakiin waxa hadhay ku dhaqankeedi, waan arrin caqilga aan gali karin, sideebaa aayad loo tirtiri karaa gabi ahaanba, hadana luugu camal falayaa? Qaar baa yidhi saxiifadii ay aayaddu ku qornayd buu xaywaan guri joog ahi cunay, wax la aqbali karo ma aha. Sheekhu marku intaa yidhi bay dadkii ku wada kaceen, waxaana loo soo daliishaday fiqiga iyo daliilada ku jira, laakiin sheekhu waxu ku adkaystay ra’yigiisi, waxaanan la kulmay markii u dhamaaday shirkii, waxaanan ku idhi: sheekhow, waxaan qabaa ra’yi kaaga u dhaw, uuna dhaw in la qaato, markaasu yidhi waa maxay? Markaasan idhi: wuxu xadiis saxiix oo leh: “ البكر بالبكر: جلد مائة وتغريب عام، والثيب بالثيب: جلد مائة ورحجم بالحجارة" markaasuu I ydihi: oo maxaad xadiiskaa ku daliishanaysaa? Waxaan idhi: sheekh waxaad ogsoontahay inay mad-habka xanafigu qabaan: in qaybta hore ee xadiisku tahay: xadku uu yhaya jeedalka. Laakiin dal ka saaridda iyo eryiddu inay tahay siyaasad edbin (tacsiirid) oo wakiil u ka yahay xaakinku (ama garsorku) laakiin ayna marnba waajib ahayn. Laakiin sheekhu igu muu raacin ra’yigaas, wuxuna I yidhi: Yuusufow, ma kula caqli galbaa in Maxamad bin Cabdilaahi oo naxariis iyo hanuunin loo soo diray oo dadka dhagax ku dili laha ilaa inta ay ka naf go’ayaan, taasi waa shareeco yuhuudeed. Waxaanan hoos isku idhi: imisa ra’yid iyo ijtihaad oo cusub, dardarna leh ayaa aan soo dhaafin laabta dadkii lahaa, ilaa ay la dhinteen, cidna ayna maqlin, cidna ayna ka soo warin}.
Sh Cisaam Taliima isna wuxu leeyhay cilmibadhis waafi ah oo qadiyadaa ku saabsan, wuxna ku sheegay:
{waxa jira dad qaba in rajmintu ay tahay tacsiirin uu gacanta ku hayo xaakinku, oo kolba sidii u doono uuga go’aan qaadan karo, waxyna badhkood si fahfaahsan u soo bandhigeen daliiladooda, iyo sharraxaadda aragtidooda, waxana ka mida: Cabdilwahaab khilaaf, Maxamad Abuu sahra, Maxamd Albana, Mustafal Sarqaa, Yuusufal Qardaawi, iyo Maxmad Sacaad Jalaal. Waxa kaloo jira culimo isla ra’yigaa qabta, laakiin laga soo waryay, iyadoon fahfaahinta daliiladooda ayna la socon, oo af ahaan un ardaydoodu uuga soo xigteen, ama fadhi aan la diiwaangalin hadalkiisi, waxana ka mida kuwaas: Sheekh Maxamad Shaltuut, Sheekh Cali alkhafiif, iyo Skheekh Cali Xasbullaah.
Arrinka labaadna waa qadiyadda riddada, waana ciqaab lugu tagrifalay, loona adeegsaday dano siyaasadeed, horeyso iyo danbeysaba. Waxayna tahy inaynu u kala saarno qof diinta qof ahaantiisa uuga baxay, waana danbi wayn oo ciqaabtiisa aakhiro ay taal, laakiin wuxu soo hoos galyaa inta dunida la jooga micnaha hadalka Alle sareeyo u leeyhay: “Laa ikraaha fi diin”, waa inaynu kala saarno kaas iyo qofka danbiyo kale ku kacaya, sida isagoo ku jesjeesayaha diimaha, ama duullaanka ku ah islaamka, ee msulimiinta beegsanaya, qofkaas waxay tahay in lugu la xisbaatmao dibiyada kale ee u ku kacayo, ma aha in lugu ciqaabayo diinta ayaad ka baxday, waana ijtihaad casri ah, ciida sida uugu habboon wax uuga qortana waa Sheekh Daah Jaabir Alcawaani, oo qoray sidan:
{waxay ka hadleen xadiisada iyo sunooyinka hadal ee la xidhiidha mawduucan, waxaanan isku dayay inaan darso oon gorfeeyo, si aan cadeeyo inuusan jirin xad sharci oo riddada khuseeya oo ku soo arooray sunnda, ficil ahaaneed iyo ta hadal ahaneed ba, waxyna daliilada oo dhami xoojinyaan inayna jirin dhaliil sheegaysa xad sharci oo u leehay danbiga badelida caqiidada diiniga ah hadii uusan qofka falal danbiyeed oo kale raacsan. Xad kaasi kuma sheegna qora’aanka kariimka ah oo ah masadarka kaliya ee axkaamta shareecada loogu noqdo, manaanan helin dhacdo qudhaata oo xiligii nebiga dhacday oo tilmaamaysa inuu jiro daliil sheegaya inuu nabeigu SCW ku dabaqay ciqaab aduunyo dadkii diintooda beddeli jiray, iyadoo ay sugntaay inay jireen dad badan oo diintooda beddelay xiligii nebiga, nebigana u ogaal u lahaa dadkaas.
Waxaana cad in fuqahada ay ka hadlayeen danbi ka duwan kan xadka ridda aynu maanta naqaan, oo iyagu waxay ka hadalayeen danbi isa saran oo iskugu jira siyaasad iyo qaynuun iyo bulsheed, oo ay ahayd qofka diinta ka laabtaa inay dhlaysay inuu beddelo mawqifka uu umadda iyo bulashada iyo hogaanka iyo nidaamka sayaasadeed uka taagan yahay, uuna beddelo baadisoociisa iyo ku abitrsashadiisa umadeed.
Sidoo kale waxaan ka hadalnay sheegshada la sheego inuu jiro ijmaac, waxana caddeynay inuusan jirin ijmaac sheegaya xad ama ciqaab sharci oo quraanka ku sugan, sunnadana ku cad. Sidaa awgeed waxa ku sugnaaday inuu qofku islaamka dhexdiisa uu heysto xorriyada dhamaystiran inuu doorto diinta uu ilaahay uugu cibaadaysnayo, waana xorriyad uu ilaahay ku amaanaystay, waana xorriyadda qofnimada qofku ay ku sugmayso, oo qofka la qasbaa isagu wuu ka baxsayahy amarkaas, mana qaadayo masuulyadda waxa lugu qasbay wuxu doonaba ha ahaadee, aduunyo iyo aakhiro tay doonto ha ahaatee. Markasta oo ay isdhinto xarriyadiisu waxa Iyana isdhimaysa masuulaydda wixii iska dhimay xariyadiisa in la eg}.
Uugu danbyntii, ijtihaadka casriga ahi waxay tahay inuu fiiro gaasha u yeesho inay dabaqitaanka xukunada shareecadu u baahanyhay in aayar-aayar la daadajijyo, oo mujitimcii nebigaba sidaas baa la yeelay, tusaale ahaan aayadda xaraatimaynta khmarigu dhawe heer bay soo martay, sidoo kale xaaritimaynta ribadu dhawr heer bay soo martay, sunadda nebiguna waa sidaa, oo si bulshada xaalad oo looga beddelo oo tu kale loo gaadhsiiyo waxa laga maarbaan si aayara loo baddelo.
Mana aha inay cidina ka saartay xeer ciqaabyada diintu ay dhigtay, waayo dhab ahaan waa qayb ka mida shareecada Alle, laakiin waxa haboon in la hago qaababka luugu baaqayo ee aan dhawrin dabeecada dawlaida rayidka ah ee caeigan, oo aan qaadanno ijtihaadkaka casriga, waayo hadii aan sidaa la yeelan waxa la gaadhay natiijo ku lid ah tii sahreecada looga gol lahaa.
La soco qaybta 3aad..

















Comments