Doorashada Soomaalilaan: codkayga
- Nov 9, 2017
- 6 min read

Dhaladnimadu (muwaadinnimadu) waa xuquuqaha lala dhasho ta ugu mudan marka lagu hoos noolyahay dawladnimadan casriga ah ee aadamaha ka xayuubisay noocii madaxbanaanida dabiiciga ahayd ee uu lahaa, xadaysay xaquuqdiisa iyo xoriyadihiisa, sidoo kalena xeerraysay habka uu u noolaanayo oo idil. Dunidan casriga ah in aad dhalad dal ku tahay, dastuur ahaanna laguu qirsanyahay dhaladnimadaasi waa arin lafdhabar, waxana sheegi kara oo qudha dareenka ku dheehan la’aanteeda dadka ku dhashay dalal aan dhaladnimadooda qirsanyn iyaga oon lahayn nolol aan tiisa ahayn.
Xuquuqda dhaladnimada ka dhalata waxa ka mid ah kuwa siyaasadeed ee ku qotoma “xaqa doorashada madaxda, la xisaabtankooda iyo xil-ka-xayuubintooda”, ama haddaan si kale u sheegno xaqa ka-qaybgalka siyaasadda, taas oo keensanaysa in xuquuq kale oo ay ugu horayso, xaqa war-helidda, xaqa doorashada iyo tartanka, xaqa xoriyadda hadalka, xaqa matalaada siyaasadeed iyo qaar kale oo la mid ah oo si guud u noqonaaya xaqa dawlad dimuqraadi ah. Xuquuqda noocan ahi waxa ay ku xusantahay dastuurka Jamhuuriyadda Soomaalilaan, si la mid ah dastuuradda dawlado badan oo aan si dhab ah looga hirgalin xuquuqdani, waxana lafdhabar u ah dhaqangalinta mabda’yadaas in ay jirto cid isku arkaysa dhalad oo adeegsanaysa dhamaan wixii xuquuq ay leedahay dastuur iyo xeerbana siiyay, ciddaasi qof iyo koox mid ay tahayba waxa ay lagama maarmaan u tahay hirgalidda mabaadi’dan oo la’aanteed hal bacaad lagu lisay iska noqonaaya.
Aniga oo ka duulaaya aragtidaas waxa aan rumaysanahay in adeegsiga xuquuqda dastuurka Soomaalilaan dhigay ee ka dhalatay axdigii lagu yagleelay qaranka ee lagu ansixiyay shirkii Boorama 1993-kii ay tahay mid mudnaan gooni ah leh, inkasta oo ayna xuquuqdaasi ka dhalan garasho-guud oo bulsheed (macnaha aaanay bulshadu rumayn afkaarta xuquuqdaasi laga soo dhiraandhiriyay) oo ay ahayd garawshiyo siyaasadeed oo awoodihii xiligaas hirdamaayay isla garteen sida qudha ee lagu kala hagaagi karaa in ay tahay nidaam dumuqraadi ah, haddana waxa ay casharadu taariikhdu ina barayaan in xuquuqdii axdi siyaasdeed jideeyo, dantii la doono ha laga lahaado maalinka la jidaynayaye, haddaan laga faa’iidayn oon laga dhigin lama taabtaan iyo wax dhawran si fudud ayay u luntaa.
Adeegsiga xuquuqdaasi marxaladdan aan taagannahay waxa kow ka ah cod bixinta doorashooyinka madaxtinimada ee Noofambar 13keeda qabsoomi doonta, codayn, taagero, iyo ololaynba. Waxa inoo furan sadexda dookh ee inna hor yaala, kala doorashadooda ka horna waxa mudan in aan isla qeexno qodobadda mudnaata leh ee dookheenna siyaasadeed aan ku jaangoynayno iyo aragtida aan ka duulaynayno marka aan la falgalayno siyaasadda iyo guud ahaan arimaha danta-guudba. Si qaangaadh ah haddii aan isnidhaah aan u qeexno aragtiyahaas iyo qodobaddaas waxa cad in aan u baahanahay wakhti sannado ah, qoraalo buug iyo baadhitaanno badan leh, doodo toos ah iyo kuwo dadban, isla-falgalid dad iyo isla-falgelin tallo, taas oo ay muuqato in aanay wax ka tarayn go’aan ka qaadashada doorashadan foodda inagu soo haysa.
Dhankalena in aan hadda awoodi wayno in aaynu si buuxda go’aan uga qaadano doorashadan Noofanbar, sababtuna tahay qaydhiinnimada aragtiyaha aan kula falgalayno iyo qodobada aan si gooni ah u danaynayno -haddii aan isku qeexno in aynu nahay dadka aan go’aankooga loo gadhin- waxa ay muujinaysaa sida ay u liidato –haddiiba ay jirto- doodo midho dhal ah oo danta-guud iyo aayaha dadkeenna la xidhiidha, taas oo ay tahay in ay inna dareensiiso baahida aynu u qabni in aan abuurno dood iyo tashi-bulsheed oo ka heersareeya ugu yaraan abtirsiga iyo safashada aan macnaha lahayn. Haddana halkan aynu taagannahay waxa mudan in aynu si dulxaadis ah u xadidno waxa lama huraanka ah ee aynu ku xadidi karno aragtida aan ka qabno dawladnimada iyo siyaasadda, codaynteenna saamaynaysa.
Qof ahaan waxa ugu yar ee aan u hanqaltaagayaa waxa weeyi dawlad casri ah, awooduhu kala soocanyihiin, garsoorku madaxbanaanyahay, dastuurka iyo xeerashu danaheeda ka turjumayaan, xeerku taliyo, xuquuqda aadamuhu dhawrantahay, madaxbanaanideedu buuxdo, daneheega iyadu ka tashata ee aan cid ka sugin tallo iyo go’aamo, adeegyada aasaasigaa ee nolosha bulshada ka adag sida caafimaadka, waxbarashada, guryayta, biyaha, korontada, mashiicadda dhadka, nadaafadda iwm, dhaqaaleheegu nidaamsanyahay, shaqona u abuuri karta shacabkeeda, leh awood ay ku sugto nabadda, ku fuliso xeerka, kuna dhawrto jiritaankeedda, dariskeeda nabad, danwadaag iyo karaamo kula nool, ugu danbayna danaheega taqaan oo sida dameerta aan loo raran.
Sida hadda muuqata dabaqadda talisa ee hadda joogta oday-beeleedkeeda, siyaasigeeda, hantiileheega, ciidankeeda iyo waxgaradkeeduba uma dhacsana waxaas aan ku sheegnay in uu yahay waxa ugu yar een hunguri-siyaasadeed naga gali karo haddii aan isku qeexno markale dadka isbadalka u hanqaltaagaya –isbadal dhab ah-, umana diyaar aha dabaqaddani in ay u dhagdhigaan hadal caynkan ah. Sidoo kale waxa cadaatay tirada codbixiyaasha markii la shaaciyay ka dib, horena ugu muuqatay cidkasta oo indho nool ku eegaysa habdhaqanka siyaasadeed in dabaqaddani ay musaliftay oo gabigeed –mucaarad, muxaafid, dawlad, komishan, oday-beeleedyo, biroqraadiyad, warbaahin- ay awoodi waayeen in ay ku qanciyaan kalabadh bulshada qarankan in ay kaqayb qaataan doorashada, tartankuna doorkan waxa uu dhexeeyaa aqaliyad (inta laga tirada badanyahay). Taasi waxa ay caddayn u tahay –waxkasta hortii- in aanay bulshadu iyadu dooran hab-siyaasdeedkan lagu socdo, raali buuxda ka ahayn, kuna qanacsanayn, sidoo kale in ay si fudud ugu gacansaydhin karto haddii ay badal hesho.
Dabaqadaas aqaliyadda siyaasadeed ah qaybteeda mucaaridka ahi waxa ay ku baaqaysaa in ay isbadal dhalinayso, marka aanse akhrino qaabdhismeedkoodda, u fiirsano hogaankooda, u dhagraaricinno khidaabkooda waxa caddanaysa in aanu sibadalkoodu dhaafsanayn qof qof ku badal. Gafka ugu wayn ee ay galeenna uu yahay in ay isbadal halhays ka dhigteen, sababata oo ah waxa ay marinhabaabiyeen isbadaldoonimadu waxa ay taahay iyo qiimaha ay leedahay.
Dhanka kale qoloda talada haysaa waxa ay isdhexwaddaa laba arin oo is burinaaya oo midi tahay “waji cusub ayaannahay” oo isbadal ayay si dadban ugu baaqayaan –si warkaasi garaad gal uyahay garan maayee- halka midda kalena sheegayso in ay xukuumadda hadda talada haysa taxaneheega yihiin, taa danbaana labada fariimood dhab ah, garaadkana gali karta, iyadaana ugu filan wax laga baydho, lagu diiddo, loogu codayn waayo oo waliba lagaga codeeyo.
Waxa kale oo ay labadda koxoodba si toos ah iyo si dadbanba u sheegayaan in rubuc-qariniga ay Soomaalilaan soo jirtay wixii la yeelay wax dhaama aan la yeeli karin, intan lahayaana tahay horumar lagu faani karo. Waxa ay markaaba ku boodaan in ay inagu beer laxawsadaan dadka kale waan dhaannaa waxa se nasiib darro ah in aan dadka kale is barbar dhigno oo is ilawsiino fursadaha aan luminay ee ku jiray waxa aan qabsan karnay, sidoo kale in aan isbarbardhigo dhinacyada inaga liita oon aynu ka gabanno in aan isbarbar dhigno kuwa inaga horeeya! Inta ay Soomaalilaan jirto dawlado ayaa dhashay ooh anno qaaday, qaar kale ayaa isbadal taariikhi ah sameeyay qaarna waxa ay safka hore ka galeen awoodaha dunidda. Marnaba ma liاi maxaan kuwaas ugu ekaan waynay laakiinse sidoo kale marnaba ma aqbali karo in wax intan ka badan aan awoodi waynay ama aynaan awoodi karin.
Intaas dabadeed sadex talloba waxa ay ila tahay in aanay adkayn in aan isla meeldhigno, midda ugu horaysaa waxay tahay in cidda ka boodsan habdhaqanka siyaasadeed ee hadda jira, ku kacsan dabaqadda talada haysa ee ka rajo dhigtay dhamaanteed in aanay lahayn aragti qaangaadh ah oo la barbar dhigi karo sida hadda wax loo wado ama ugu yaraan lagu xujayn karo, midda labaadna tahay in dabaqada siyaasadeed ee dalka hadda gacanta ku haysaa ay musaliftay, isbadal qof qof ku badal ah wax dhaafsan aanay dhalin karin, midda sadexaadna tahay in aanay bulshadu si qalbi ah ugu qanacsanayn habdhaqankan siyaasadeed ama ugu yaraan inteeda badan, haddii laga tago cid ku dan qabtana aanu jirin qof si buuxda oo damiir ah uga raali ah xaaladdan.
Sadexdaas tallo ka dib waxa miiska isa soo saraysa waydiinta ah doorashadan maxaan ka yeelnaa?.
Qof ahaan, aniga oo ka dabqaadanayaa doodaydaas ah in in ay muhim tahay in la adeegsando xuquuqda dastuuriga ah arkayana in dookh siyaasdeed oo maangal ahi ina hor oolin waxa aan u arkaa labada dookh ee ugu maangalsani in ay yihiin in aan qaadacno doorashada ama aan diidmo-codayno. Qaadacaadda oo ah in dookha ugu haboon, ahna ka ay doorteed aqlabiyadda shacabku waxa qudha oo uu ceebleeyahay in uu sii balaadhinaayo baaxadda dhaladka ka tanaasulaaya xuquuqdooda siyaasadeed –yaanay waxba ka dhalan adeegsigeega e-, sidaas darteed anu qof ahaan aan doortay in diidmo-codeeyo sabatoo ah waxa aan u arkaa in ay ugu mudantahay ka-codaynta cid kasta oo xilka haysa, maanta iyo barriba, haddii aanay jirin cid aan dookh buuxa ugu codayno, ilaa inta aan ka helayno dookh siyaasdeed oo inoo cuntama ama aan ka aburayno mid, si aan ugu yaraan u ilaashanno awoodda aan u leenahay in aan caydhino qolo kasta oo aan hore talada ugu dhiibannay, xuquuqdeenna dastuurigaana ugu adeegsano fal saamayn leh.

















Comments