top of page

Sidee lagu horumarin karaa xisbiyada Siyaasadda Soomaalilaan?

  • Nov 9, 2017
  • 2 min read


Hannaan socodka siyaasadeed ee Soomaalilaand wuxu soo maray duruuf kala duwan. Waxa ka mid ahaa marxaladdii beelaha oo reer waliba keenayay qof metela beeshiisa. Marxaladdaas waxa heshiis lagu ahaa in uu qofku fadhiisto kursi reer ku magacaaban yahay, waxa ugu badan ee uu masuulkaasi ka shaqaynayeyna waxa ay ahayd sidii uu beeshaas ugu soo xero gelin lahaa dawladnimada iyo aaminaadda dalkii xornimadiisa dib ula soo noqday. Waxa ugu weyn ee marxaladdan lagu guulaystay waxa ay ahayd nabad gelyo iyo deggenaan iyo in beeluhu ciidamadoodii ku wereejiyaan awood u dhex ah oo la yidhaa dawlad.

Marxaladda labaad ee halkaa looga gudbay waa marxaladda xisbinimada. Saddex xisbi siyaasadeed ayaa la oggol yahay in ay ku tartamaan saaxadda siyaasadda Soomaalilaand. Xisbinimada waxa looga dan lahaa in lagaga gudbo oo meesha laga saaro hab dhiskii siyaasadeed ee beelaha ku dhisnaa, si loo xoojiyo wax wada lahaanshaha beelaha, taas oo keenaysa in dadku isku raacaan fikir, halkii ay markii hore isku raacayeen haba reereed. Waxay taasi xoojinaysaa oo horumarinaysaa is dhex galka waxana ay meesha ka saaraysaa xayndaabkii iyo dayrkii siyaasadeed ee ku kala xidhnaa beelaha dalka wada dega.


Taasi waxay keentay dhutis ku yimaadda hannaankii iyo horumarkii siyaasadeed ee dalka. Waxad ka fahmi kartaa cabsida indheer garadka ee ah in laga baqo qabo in ay beeluhu is jiidhaan ama isku dhacaan, natiijada doorashada ka dib! Waa yaabe maxaa keenay cabsi ah in beelo isku dhacaan iyada oo aynu nidaamkii beelaha kaga soo gudubnay meel fog oo aynu u soo gudubnay nidaam xisbi! Taas waxa keenay laba qodob:


Qodob waa hal abuur la'aanta siyaasadeed ee hoggaanka xisbiyada iyo dadka siyaasadda galay. Qodobka labaadna waa jahliga guud ee bulshada ee aanay fahansanayn waxa uu la macno yahay xisbigu. Qodobka koowaad waxa lagu xallin karaa iyada oo la adkeeyo shuruudaha cidda noqon karta xisbi yahanka iyo iyada oo macluumaadka xubnaha xisbi kasta (golihiisa dhexe gaar ahaan) laga heli karo maxkamadda iyo xeer ilaalinta dalka. Taasi waxay meesha ka saaraysaa in aanu guddoomiyaha xisbigu u dhaqmin sidii mulkiile bakhaar oo shaqaalaha marka uu doono eryi kara marka uu doonana shaqada qoran kara, iyo in aanu xisbiga ka dhigan mehered uu keligii leeyahay oo dhanka uu doono u jihayn kara xisbiga. (Golaha dhexe ee xisbiyadu imika suuqyada ayaa laga qortaa marka loo baahdo, mana aha dad qeexan oo la isla garanayo).

Qodobka labaad waxa lagu xallin karaa, in la dhigo qorshe dheer oo kor luugu qaadayo wacyiga bulshada, taasi waa shaqada aqoonahahka iyo indheer garadka u taal, hogaan aragti leh hadii la helana waxa uu ka qayb qaadan karaa in wakhtigaa kocbinta waciyi wadareedka bulshada u soo gaabto, oo wakhti kooban baraadka dadka lugu baddelo, waayo ha’ado badan oo taas u saamaxaya Ayaan imika shaqayn.


Labadaas qodob: ka soo adkaynta xisbinimada ee dhanka hay'adaha garsoorka iyo xeer ilaalinta iyo dhanka dadweynaha laftiisa iyo waxbarisitiisa ayaa keeni kara Soomaalilaand xisbiyadeeda siyaasadeed la wada leeyahay oo aan xisbi reer lagu shaanbadayn ee lagu shaanbadeeyo fikir iyo aydiyoolajiyad la isla oggol yahay.

Comments


Featured Review
Tag Cloud

© 2023 by The Book Lover. Proudly created with Wix.com

  • Grey Facebook Icon
  • Grey Twitter Icon
  • Grey Google+ Icon
bottom of page