top of page

2017-kii iyo buugtii aanu akhrinnay (1-2)

  • Dec 30, 2017
  • 8 min read


Buuqa, sawaxanka, muranka, iyo is-jiidjiidashada qofka soomaaliga ah afarta dhinac kaga hareeraysan, malaha, meelaha uukaga baxsan karo, ee u hawo saxasaxo leh ka heli karaa waa akhriska, akhriksa oo aynu odhan karno waa nolol kale, oo baddel ka noqon karta tan sumaysan ee aynaan dooran ee aynu sida kadiska ah iskugu dhex aragnay uun. haddaba bahda Madasha Baraarug waxay idiin soo xushay buugtii uugu mudneyd ee ay akhriyeen sannadkan sii gabagaboobaya ee 2017ka, iyagoo soo doortay intii ay uula muuqtay inay u habboontahay in dad kale la la sii wadaago, waana sidatan:


Cabdirasaaq Waayeel


Paula - Isabel allende




Buuggan oo ah xusuus qoraaleed waxaa qortay Isabel allende oo ah qoraa u dhalatay wadanka chile, waxeyna qortay xilli ay inanteeda/gabadheeda oo la oran jirey Paula ay isbitaalka jiiftey ayada oo miyir daboolan, Waxey wax ka qortay sheekada qoyskeeda iyo sheekooyin iyada gaar u ah, iyada oo ku han weyneyd in ay Paula u hadiyeyso marka ay soo miyirsato, laakin xanuunki ayaa daba dheeraaday ilaa bilooyin qaatay, uugu dambeyntina Paula waa ay u geeriyootay.


Isabel waxey dib uula noolaatay dhacdooyinkii tagay, iyada oo qalinkeeda saaxirka ah si layaableh uugu sawirtay, waxaad ka dheehanaysa kalimadaheeda xanuunka fog ee gaaray hooyadaas, cabsida iyo murugada ay la nooleed iyo dhibaatooyinki hore usoo gaaray qoyskeeda xilligii caruurnimadeeda.


Waxaan dhihi karaa waa mid kamid ah kutubta ugu saameynta badan dunida marka laga hadlo taariikh nololeedyada kuwa laga qoro.




لو أبصرت ثلاثة أيام- هيلين آمامز كيلير



Haddii aan wax arki lahaa saddex maalmood: Kitaabkan waxaa qoray qoraa u dhalatay wadanka Ingiriiska oo lagu magacaabo Helen Keller, Helen markii ay 5 bilood jirtey ayaa waxaa ku dhacay cudur indhaha iyo dhegahaba tiray, hasayeeshe waxey ku guuleystaya in ay noqoto qof wax bartay oo bulshada ka dhex muuqata, waxey soo saartay bugaag dhowr ah kuwaas oo ku guuleystay abaalmarinno kala gadisan.


Kitaabkan aan xusnay waxey ka sheekeynaysaa mala awaalkeeda haddii ay u suurta gali laheyd in ay wax aragto saddex maalmood kaliya waxa ay sameyn laheyd, waxey aad u canaanatay dadka araga eebbe ku manneystay hadana aan waxba arkin, waxey sheegtey in ay aad u xiiseynayso aragtida dabiicada quruxda badan, wajiyada dadka ay jeceshahay, geedaha cagaaran, quraxda marka gabaldhaca la joogo, iyo waaga markuu baryayo oo habeenka iyo maalinka ay kala baxayaan, sidoo kale in ay ku raaxeysan lahayd codadka macaan ee ay basharku iyo aaladahaba leeyihiin.


Uugu dambeynti kitaabkan wuxuu kuugu baraarujinayaa nimcooyinka uu Eebbe inagu maneystay, waxaadna dareemi doontaa qiimaha ay leeyihiin nimcooyinkaasi.




Cabdiladiif Ismaaciil


The future Six drivers of global change - Al Gore



Qiimaha buuggani wuxu ku jiraa qorahiisa, Al Gore, oo soo noqday madaxwayne ku xigeenka Maraykanka (1993-2001), xilligii madaxwayne Bill Clinton. Al Gore dhiganahan waxa uu ku odorosayaa timaaddada. Ma uu san ahayn u jeedka uu ka lahaa buuggan in uu soo gudbiyo jawaabo diyaar ah iyo aragtiyo la ma taabtaan ah. Balse waxa uu gogolxaadh uga dhigay baadhitaankiisan waydiimo u baahan jawaabo miisaaman, oo laga baaraandegay.

qaybaha uu buugga ku furfurayo ayaa ah walxaha saamaynta mugga wayn ku leh is beddelka adduunka, ee ududb-dhexaadkana u ah. Su'aashaa ayuu qoraagu isku dayayaa in uu marin uga dhigto dulucda baadhitaankiisa, oo sawir ka bixiyo muqaalka caalamku yeelan doono timaaddada dhow. Baadhitaankani waxa uu ka koobanyahay laba qaybood, oo qayb waliba buug gaar ah ku soo baxday. Uugu danbaynna qoraagu qodobbo dhowr ah ayuu soo xulanayaa, oo ah kuwii ugu mudnaa intii uu waday baadhitaankan, kadibna u ku gunaanadayaa buugga, kuwaas oo uu u dhigay hab waydiimo ah. Awood ma u leennahay xakamaynta waayaheenna? Wacyi intee le'eg ayaynu u leennahay mawjadaha kala duwan ee inugu teedsan? Side baynu u waaji karnaa mustaqbal ka geddisan kan maanta? Maxaa tahay inaynu qabanno si aynu isbaddelnadaa uugu diyaar garowno.



مصر وازمة مياه النيل - محمد سالمان طايع



Masar iyo dhibta Niilka: waxa uu qoraaga la yidhaa Mohamed Saalmaan Daayic ku gorfeynayaa loollanka ka taagan dowaladaha wabiga niilku uu ka dhaxeeyo, oo ah 11 dawladood. sidoo kale waxa uu soo bandhigaya goobaha iska horimaadku ka jiro.

Waxa uu qoraagu raacinyaa xalal iyo siyaabo lagaga bixi karo dhibaatada hadda jirta, sidoo kale kordhinaysa iskaashiga ka dhaxeeya wadamada uu wabigu maro.

Isagoo cadaynaya in baahi wayn loo qabo in aragti dhamaystiran lugu dhaqaaqo taas oo maaraynaysa gorgortanka ka dhaxeeya dalalka xeedha biyuhu ka dhaxayso, iyo in si dhaba loo qiimeeyo baahiyaha dhinacyada is haya oo idil.

Sidoo kale qoraagu waxa u ku daray in baahi wayn loo qabo in la badelo oo la fogeeyo dhamaan wixii khalkhal galinaya isku soo dhawaan shaha iyo iskaashiga dowladahaaas.



Suhayb Cabdiraxmaan


Xagga akhriska, sanadkan waxa igu soo korodhay fikrad ah inuu akhrisku yahay arrin khaas ah, oo ka mida arrimaha (privacy) ga u ah qofka, waxa dhici jirtay markii hore inaan baraha bulshada soo galiyo kolba waxa aan akhriyayo, ama aan ku soo daabaco dagalka (goodreads). Se hadda dhaqankaa kuma badni.



Sannadkan buugta aan akhriyay waxa uugu mudan:


مكتباتهم: محمد آيت حنا


Maktabhooda: waa buug yare kooban oo si cabqarinimo leh loo qoray, wuxu ka warrmayaa fikradda mkatabadda isagoo cutub waliba ku soo qaadanaya, qof ka mida qorayaashii dunida soo maray, sida )mkatabaddii boorkhiis(, laakiin kama warrmayaa uun qoraagaas iyo akhriskiisa uun, balse wuxu ku dabaqayaa mid ka mida fikrdihii qoraagaasi qabay. Oo si farshaxainno way leh loo qoray.


هيا نشتر شاعرا - أفونسو كروش




Ina mari aynu gabyaa soo iibsannee: waxa qoray Afonso cruz oo ka mida qorayaasha burtigiiska ugu magaca wayn sanaddadan. buugani waxa uu mala awaalayaa, bulsho maadi ah oo wax walba Matiiriyaal lugu qiimeeyo, dadka numberro ayaa loo bixyaa xagii magacyo loo bixin lahaa, jacayl ka waxa lugu cabbiraa tiro boqloeed, (tusaale ahaan hebl 20% ayuu heblaayo jecelyhay) ta uugu daran, dadku waxay rabbaystaan halabuur halkii xaywaan guri-jooga-ah ay ka rabbaysan lahaayeen.


Atoorada sheekadan oo ah inan yar oo 12 jir ah waxay dooranaysaa inay rabbaysato gabayaa, waayo wuuka jabanhaya farashaxan gacameedka ama sawirqaadaha, sidaasbay gabaa guriga uugu rabbasyansaa, cunto iyo meel u seexdna luugu diyaarinyaa sidii xasyaan yar.


Sheeko faneeddani waxay micno yaal badan oo daahsan oo gun dheer ka gudbinaysaa amuuro ku saabsan isabddalda bulshooyinku noolyihiin eeu aaddan halabuurka iyo bulshda maadiga ah.


حصان نيتشه – عبدالفتاح كيليطو




Faraska Neetshe, waxa qoray Cabdifataax kiliido, oo ah qoraa iyo naaqid wayn oo morookaan ah, waxaana af carbi u rogay saaxiibkii Cabdikariimal Sharqaawi, kiliido wuxu caan ku yahay inuusan qorin jisniyada qoraaleed ee la isla yaqaano, sida sheeko faneed ama kitaab fkiri, ama gorfeyn buug hore, marka laga reebo diraasadaha uuku sameeyay suugaantii carbaidee hore, ilaa imika kutubiisa kale oo idil hal mid uun baa la isla qirsanhya inuu sheeko faneed yahya, inta kale oo u ka mid yahay Faraska Neetshe, waa sheekooyin aan la xadiidi karin jinsiga qoraaleed ee ay ka tirsanyihiin.

waa mid kamida halabuurada uugu waawayn ee hab qoraalkooda aan aan sida wayn u jecelehay.



Maxamad Al-faatih Ali



حيونة الإنسان – ممدوح عدوان



Bahalowga binaadanka: wuxu ku gorfeynayaa Mamaduux Cadwaan dabciga bahalnimada ah ee binaadanku isku la dhaqmo ama noolayaasha kale ku la dhaqmo, wuxuuna ku doodayaa bahalnimadu inasan ahayn sifo ama tilmaan u gaara xaywaanka ee ay tahay dabci ku abuuran binaadanka.


Wuxu leeyhay tusaale ahaan jacaylku waa sifo ay wadaagaan xawaanka iyo binaadnku, se nacaybka, xisdiga, macaansiga iyo ku raaxaysiga jidhdilka ama dullaynta cid kale waa sifooyin u gaara binaadanka, markay sidaa tahay wuxu leeyhay qoraagu waa in dib loogu noqdo qeexidda erayga “binaadantimmo” oo ah micno xuma badani uu ka buuxo. Waa buug xiiso badan oo fanno badan kaa shaki galinaya, wax bandanna kugu baraarujinaya.





معذبو الأرض - فرانز فانون



Dhibbanayaasha Arlada: oo u qoray Franzt sanaddii ugu dambaysay ee noloshiisa, lana daabacay geeridiisii kadib.


Wuxu kitaabkan koobsanyaa nuxurka khibraddii nololeed Fanon uu ka dhaxlay u dhalashadiisi waddanka Martinique oo gumaysi faransiis ku hoos jiray, iyo wada shaqayntii kala dhexeysay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Aljeeriya oo dagaal kula jiray gumaysigii Faransiiska kontomaadyadii qarnigii tagay, Fanon ciidankaas ayuu ku biiray kadib markii uu ka goostay ciidankii Faransiiska ee uu dhakhtar cilmu-nafsi ahaaneed kula shaqaynayay.


Kitaabkan oo la qoray xiligii uu xoogaystay dagaalkii gobannima-doonka ee Aljeeriya ayaa baadhaya xiriirka u dhexeeya gumaystaha iyo la-gumaystaha, iyo sida uu ku dhasho kacdoonka ka dhanka ah gumaysiga, iyo siyaabaha markuu hanaqaado kadib looga badbaadyo haadaamaha gumaysiga iyo awoodaha u hogaansan ee maxalliga ah.


Fanon wuxu hoosta ka xarriiqayaa in halganka gobanima-doonka ay tahay inuu hiigsado una dhaqdhaqaaqo isbeddel buuxa oo waaqicii gumaysi ee jiray afganbi ku sameeya. Waa taas arrinta uu ku sababaynayo inaan halgankaas looga maarmayn gacan-ka-hadal maadaama ayna suurta galaynin in isbedelkaa uu dhasho iyadoon xoog la adeegsan dhiigna la daadin.

Gumaystaha wuxuu jirtaankiisu ku dhisanyahay dadnima-tirka la-gumaystaha (Dehumanization), hadaba si uu dadnimadiisii iyo gobanimadiisii luntay dib ugu helaa ayuu la-gumaystahu miciinbidaa wadada kaliya ee gumaystuhu u furay, taasoo ah gacan-ka-hadal.


Waxa uu xusayaa qoraagu qaabka uu gumaystuhu u qaadan waayo ugana fajaco gacan-ka-hadalka falcelineed ee la-gumaystayaasha, wuxuuna arintan ku sababaynaya caqliyadda gumaystaha ee aan u arag la-gumaystaha qof aadane ah, waayo aadane walbaa waa laga fishaa inuu iska difaaco khatar kastoo soo waajahda; gacan-ka-hadalka la gumaystaha, iyo dhiig daadintiisuna taas kama duwana.

Inkastoo Fanon uu tix-galinayo saamaynta ay caadifada laab-la-kaca iyo carada gaamurtay ku leedahay kicinta halganka, hadana wuxu daaha ka rogaya in ayna kaligeed waxba kaga filnayn hanaqaadka halganka gobanima doonka. “Nacayb kaligii ma noqdo barnaamij lagu howlgalo” ayuu leeyahay.

Waxaa lagama maarmaan aha, sida uu Fanon qabo, in lagu baraarugo yoolka la higsanayo iyo waddadii loo mari lahaa. Waayoo halganka gobanima-doon ma aha dagaal mar qura soo afjarma, balse waa geedi-socod ka kooban marxalado isxigxiga.


Frantz Fanon, wuxuu aad u dheleecaynaya dabaqadaha dhexe ee bulshooyinka la guumaysto, ee shacabkooda iska qoqoobay isla markaana aan lahayn aragti dhaafsiisan inay dalaaliin uuga noqdaan dalkooda gumaystayaasha reer Yurub.

Isla dabaqadan dhexe aya wadanka isagoon gumaysi ku jirin haddii ay taladiisu u gacan-gasho u horseeda dib-udhac siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyagoo mar walba shacabka ka qadiya ka qaybqaadasha talada guud, kana hor istaaga wacyi siyaasadeed inuu yeesho.

Fanon wuxu dhinac kale ka milicsanaya dhaqanka iyo hiddaha siyaabaha ay ula falgalayaan halganka xaq-u-dirirka. Wuxuuna tilmaamaya aqoonyahanka halganka gumaysiga u qalab qaata inay waajib ku tahay u kuur galka shicbiooda dhaqan ahaan iyo taariikh ahaanba.

Howsha tan qasab ma aha, ayuu leeyahay, inay ku koobnaato dal ama bulsho cayiman oo waa in aqoonyahanka halgamaaga ahi uu ka dab qaataa dhamaan sooyaalka iyo hiddaha shucuubta ku hareeraysan. Taasi waxay lama huraan u tahay gumaysiga oon dal gaar ah ku ekeyn iyo dagaalkiisa aanay xiddidin qowmiyad iyo isir gooniya.


Waxaa imanaysa hadii halgan la galo, in dib loo soo nooleeyo hiddihii iyo dhaqankii, hiddahan ma aha mid ku siman taariikh iyo dhaqamo hore oo laso ceshto, se wa mid waaqica ka dab-qaata lana falgala. Suugaanyahanka waa in uu ka dhigtaa sooyaalka, hiddaha iyo dhaqanka dadkiisa buundo ay ugu gudbaan mustaqbalka iyo rajada ay ku hanwaynyihiin.


Frantz Fanon wuxu beeninaya in dhaqan dhaxal-gal ah laga dhex abuuri karo dhul iyo dad gumaysi ku hoos nool, waayo dhaqanku wuxuu ka turjumaa bulshada iskale, wuxuu weeleeyaa caadooyinkeeda iyo waxay wada dhowrato ama ku dhaadato, sidaa darteed waxaan dhaxalgal noqon karin dhaqan iyo hidde laga dhex sameeyo umad rabitaankeedu u afduubanyahay gumaysi.

Buugan inkastoo u ku qotomo gumaysigii Faransiiska iyo Reer Yurubta kale ay wadamada Asia iyo Afrika, gaar ahaan Aljeeriya, hadana wuxuu noqday sooyaalkii fikir ee ugu caansanaa, sida ugu weynna ugaga dab qaateen dhamaan dhaqdhaqaayadii gobanima-doon ee dunida daafeheeda ka dhacay, xiligii la qoray ilaa iyo maanta.


Inkastoo ay dhamaadeen qabaabkii gumaysi ee uu la kowsaday Fanon, hadana waxaan shaki la galin karin jiritaanka qaabab gumaysi oo horle, ha ahaadeen kuwo siyaasadeed ama kuwa dhaqaale.

Waxaa kaloo iyana jira gumaysiyo sokeeye, ama shisheeye ha ku tiirsanaadeen oo wakiillo ha u noqdeen, ama ha ahaadeen maamullo madaxbannaan oo dadyowgooda ku haysta muquunin, xasuuq, iyo dadnima-tir.

Waaqicaas taagan maanta ayaana muhiimad gaar ah siinaya dhiganahan, laga maarmaanna ka dhigaya inay daalacdaan aqoonyahannada u tafa-xaytay u hiilinta iyo baraarujinta bulshooyinkooda meel kastaa dunida ha ka joogeene.



State of Exception - Giorgio Agamben



Xaalad gaar ah: buuggan waa qabta kowaad ee silasadda (Homp Socer) ee u qoray faylasuuf iyo qaynuuntahan caana oo la yidhaa Goorj Aganbiin.

Kitaabkan wuxu la fa gurayaa mawduuca siyaasadda ama talada u sarreysa ee dawladda casriga ah ayaa iska leh, ma shicbka oo ay matalyaan barlmaan doorasho lagu soo doortay mise cidda xukunka talada gacanta ku haysa? Oo ah xukuumadda ama ha’aydda fulineed. Oo awood u leh inay sharciga laasho iyadoo ku sababnaysa xaalad gaara ah/ bandow. (Emergency).


Kitaabkan muhimad wayn buu u leeyhay cid waliba oo siyaasadda iyo qaynuunka xiisaysaysa, waliba marka la fiirsho duruufaha amni ee ay dawladda soomaliya ku jirto, oo wax badan laga baran karo, sida cidda gacanta xukunka ku haysaa ay sharciga u laasho iyadoo ku andacoonaysa duurafaha amni iyo siyaasadeed ee gaarka ah ee dawadda soomliya ay marayso, sidoo kale waxa lagu dabbiqi karaa fikrdada buugga xaaladda dawladnimo ee wadanka itoobiya, siiba kilka shanaad, oo lugu dhaqo xaalad Emergency ah.


Comments


Featured Review
Tag Cloud

© 2023 by The Book Lover. Proudly created with Wix.com

  • Grey Facebook Icon
  • Grey Twitter Icon
  • Grey Google+ Icon
bottom of page