Istishraaqa Cusub
- Apr 29, 2018
- 8 min read
Updated: Mar 19, 2021

(Asef Bayat waa Barafasoor Iraani ah, oo cilmiga bulshda iyo dirasadaha Bariga dhexe ka dhiga jaamacadaha Catherine iyo Illinois .. Maqaalka asliga ah halkan ka eeg}.
Wax cusub ma aha sheeko baralayda laga sameeyo bulshooyinka iyo dhaqannadooda, wax reer Galbeedkana ku koobnna ma aha, laakiin arrinkaasi wuxu khatar dheeriya leeyahay marka lugu dhiso khiyaalkaa daabaqeed (1) manhaj “cilmiyeed”, lana adeegsado agab aqooneed lugu sugayo aqoontaa <knowledge production>. Istashraaqu sida u qeexay Edward Saed waa qaab la yaqaan oo lugu curiyo aqoonta, iyadoo cidda la baadhayo la ga sameeyo sawir guud oo is haysta oo ka hiillinya, isna hilmaamsiinaya farqiyada daakhilga ah ee u dhexeeya ciddaas, ama is gudagalka iyo wax iswaydaarsashada Bariga iyo Galbeedka ka dhexeysa, halkan waxaan doonyaa inaan ku soo jeediyo in carroedegowga taagani uu dhincayo cusub ku soo biirayay khiyaalka istashraaqa, oo ka duwaysa kii qarnigii 19aad iyo 20aad, maanta istishraaqa cusubi wuxu u eegyhayn, mid jilbo aasan leh, wajiyo bandanna leh, kii horena ka waxyeello badan, maanta istashraaqu wuxu isu baddleya wxayan u naqaanno, islaamnacaybka <Islamophobia>. (2)
Istishraaqa
Nuxurka waxa lagu magaacbo “istashraaqu” sida uu Edwar Saed u arko, wuxu la xidhiidhaa matalaada dhaqannada iyo bulshooyinka <kale> iyo sooyaalkooda, iyo siday ay sawir ka bixintaasi u keenasyo in ciddaas la xukumo, sidaa markaan u dhigno, istashrqu wuxu tilmaamaa agabka aqooneed ee soo saara aqoonta, si luugu adeegsada in wax la xukumo, iyadoo laga dhiganayo daw loo maro in talis jira lagu ilaaliyo ama mid cusub lagu dhiso.
Istashraaqii kalaasiikiga ahaa ee qarnigii 19aad, waxa loo sawiray Bariga (halkan waxaan u dan leeyhay waa Bariga dhexe ee muslinka ah) mid isu eg oo asal ahaan xasilloon <essentially monolithic>, oo bulshooyinkiisa hiddaha iyo dhaqanku u ku waynyahay, wuxu Barigu ahaa kayaan “cajiib” ah, iyo caalam “ka duwan” kii Gableedka, la yaabna leh oo dhedigaysan, caadifaysan oo aan caqli lahayn, kalatalismaysan oo sidiisaba ka hooseeya Galbeedka. Marka dhaqanka bulshada Bariga la eego waxa qudhaata ee sugan ee aan isbaddelin wuxu ahaa islaamka, iyo sida uu ugu xidido leeyahay nafsadda dadka, islaamkaasi wuxu qaabeeyay qiyamka iyo habdhaqnaka maalinlaha ah ee muslimiinta, isagoo damaanad qaaday isla jaanqaad dhaqan oo xeeldheer, iyo joogtayn taariikheed oo la yaab leh oo dunida islaamka oo idil ah.
Tusaale ahaan, waxa uu ku soo jeediyay James Mill, buugiisa uu Hinidida ka qoray, in “ayna jirin wax fikrada oo ay ka haystaan nidaam xukun oo ka duwan doonista qofka kaliya, waxay u muuqataa inuu <arrinkaasi> caqligooda degay”, (3) Hegel isna wuxu qabay in “wacyiga daahsooni/unreflective consciousness“ ee Barigu inuu si cad u muujiyay inay Yurub hubaal ahaan ahayd dhammaadka taariikhda, Eeshiyana ay tahay kaliya bilowgii taariikhda”.(4)
Waxa ay ka samaysmantay muunadda istishraaqu aragtihihii horumarka ee qarniga 19aad. Barigaas oo loo arkyay Galbeedku inuu yahay xudunta hurumrka binaadanka, halka uu Barigu ka lahaa xadaarad fac wayn waagii hore, laakiin ay wakhityo danbe baaba’day, qaabkaas loo sawiray Bariga ayaa si dhib la’aana qiil uugu noqday qabsashadii gumaysi ee ay Yurub qabsatay “dhaqannadii ka hooseeyay”.(5)
Marxladaa hore, taageeraysaasha istashraaqu waxay ahaayeem qofaf ka kooban; sahamiyeyaal, mufkariin, noofelyahanno, falaasifo, iyo madaxda mustacmaradaha la haystay, iyagoo badhkood ay aad uula dhacsanaayeen “layaabka” uu leeyhay Barigu, oo ay ku idhosarcaadsanaayeen, haddana badankoodu jaahil bay ka ahaayeen kala duwanaasha gudeed iyo dunta bulshooyinka Bariga, halka kuwaii Bariga wax ka qoray, ay tiro aad u yar oo ka midi ay barteen afafka maxalliga ahaa, wax khibradna ayna u lahayn, ama mid aad u yar ay u lahaayeen u-kuurgalka maydaaniga ah <the-spot observation>.
Waxa uu ku sheegay Pierre Martino buugiisa uu ka qoray istaashraaqii Faransiiska bilowiisi hore: “marka laga yimaado meelo kooban, uumabay socdaalin Bariga waligood”(6) si guudna badankoodu “waxay rumaysteen wax kasta oo ay akhriyeen” iyagoo moodaya “bugaagta tiyooloojiga ahi inay tahay “laahuut”, bugaagta falsafiga ahina “sidii tii oo ay” dhaba u maltayso nolosha waaqica ah.(7)
Waxa keenay inay muuqdaan mustashuriqiinta kalaasiikaga ahi inay si wayn u fahmeen nolasha muslimiinta, waa iyagoo akhris dabagaleena ku sameeyay Qur’aanka, xadiiska, iyo nusuuta diiniga ah ee kale.
Mustashriqiintaasi waxay shaqaynayeen xilli ay kala fogaayen Bariga iyo Galbeedku wakhti iyo goob ahaanba, dariiqada u badan ee lugu xidhiidhaana ay ahayd uun ganacsi iyo socdaal, <markii danbena> ka hortagidda istimaarkii laxaadka lahaa, markuu Galbeedku soo fiday si uu qabsado Bariga oo isku ballaadhiyo, taas oo markii danbe abuurtay “istishraaqa aayha durugsan/long-distant Orientalism”. Wuxuuna u sawiray Bariga sidii inuu yahay kayaan aan kala duwanayn, oo qabow, si ahaanna cajiib u ah. Iyagoo Reer Barigu ay “layaab lahaayeen” “caadifad layaalna ay ahaayeen” “caqli laa wayaalna ay ahaayen” haddana waxy ay ahaayen kuwa aan cidna dhibin <harmless>.
Istishraaqa cusub
Laakiin istshraaqa cusubi isagu aad buu isu baddelay, iyadoo in badanoo ka mida sumadihii istishraaqa kalaasiikiga ahaa (sida u jenjeedhka maadiyada, fahnka salka fudud, isu ekaanta <homogenizing>) ay wali ka sii jiraan warinta Bariga casriga ah, haddana wax badan baa isbbaddelay; oo maanta taageeraysaasha istashraaqu badankoodu waa mufakriinta jooga xarrumaha cilmibaadhisha, ee leh, siyaasiyiin, saxafiyiin, khubarada Hollywood, wadaadada masiixyada faafiya, badhkoodna waa akaadimyiin ku mashuuqlsan curinta aqoonta, oo xoogga saara muslmiinta Bariga dhexe, ma aha si khuraafaeysan markan, balse si qodobaysan, oo ay ka sheqeeyeen hay’ado xooggan, oo kaashanaya khubaro dhaqaale, iyo agab warbaahineed, iyo meelo ballaadhan oo lugu faafiyo xogta.
Sawirka Bariga laga sameeyo, ee khuseeya islaamka iyo musliimta wuxu gaadhaa qaybo badan oo ka tirsan dadka Galbeedka deggan. dhibaatooyinka fikradaha iyo aragtiyaha <istashraaqiga ahi> ee laga haysto Bariga Muslinka ahi, raadkeedu kuma koobna uun saamaynta ra’yul caamka, balse wuxu gaadhsiisanyahay goobaha istraatiiji ee <looga arrimyo> siyaasadda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga.
Sawirka cusub ee istashraaqu Reer Bariga Muslimiinta ah ka wariyaa waa; dad ku go’odoonsan dhaqanno hore, iyo taariikh angagtay, iyo habdhdaqno iyo suluuk aan caqli gal ahayn, waa dad ka fog inay noqdaan dad la yaab leh ama ammaan mudan, waaba halis, waxay halis ku yihiin qiyamka dhaqan, iyo samatabaxa (nabadgalyada) xadaaradeed, iyo badhaadhaha maaddi ee Galbeedka.
Caksiga markii uu Galbeedku Bariga yimi qarnigii 19aad, isagoo ganacsi ama socdaal ah oo u hanqaltaagaya gumaysi, maanta Reer Bargiu iyagaa taga Galbeedka, iyagoo qaxuunti ah, ama barakacaaal, araday, ama dalxiisayaal hodan ah, ama maalgashiyayaal caqaadtaka <Real Estate> iyo shirkadaha maalgashada, waxay noqdaan qayb ka mida dunta <fabric> dhaqan iyo bulsheed ee umadaha Galbeedka, iyadoo ay sidaa tahay wali waxay “muwaadiniinta Galbeedku” ku eegaan jooogitaanka muslimiinta indho baqasho leh. inay joogaan barxadahooda danbe, waxay u arkaan inay halis ku tahay badhaadhahooda, dhab ahaanna, sawriaka inay muslimiintu “duullan” yihiin waxay xoojin xoog leh siisay fikradda ah inay muslimiintu “qoodh dhalmo badan yihiin”.
Milicsi kooban oo aynu ku eegno doodaha socda ee la xidhiidha quxuuntga Yurub galaya, oo ay ka mid tahy Jasiirada Malta, oo aan dhawaan kaga qayb galay wareeg diraasayn, anoo saran doon quxuunti ka keentay dawladaha koonfurta, waxaad arkaysaa bawdyo-isla-dhaca ay ku jiraan <Reer Yurubku> iyo warbaahintooda iyo dadkooda aqoonta leh. Caksiga istashraaqii fogaa ee qargnii 19aad, istishraaqu maanta wuxu u eegyahya inuu ka socodo casrigii (short-circus Orientalism). Khiyaalka laga haysto Muslimiinta Barigu wuu isa soo tarayaa, ma aha uun iyadoo la akhrisanayo sahannadii Chardin, ama noofeladii Flaubert, laakiin waxay la sheegtaa maanta inay si baraktikaala ah loo la noolaaday muslimiinta. Waxaad arkaysaa qoraa warygays (columnist writer) oo Holandhiish ah oo wax ka qoraya “taqliidka”, iyo “tadayyunka xeesha dheer”, <isagoo leh> “habdhaqanka aan casirga ahyn ee muslimiinta ayaa noo cadeynaya in aanaan u baahnayn tagidda Bariga Dhexe, waayo daymo fudud oo aan ku eegno xaafadahooga, iyo waddooinka ayaa daaha si cad inooga ragoya dhaqannadooda”.
Waxa u fiirsi mudan, in carro-edegayntu iyo isku socdoka qofeed ayna noqon uun sheeko duullaan, ama kala go’ dhaqan, waxay ay tahay in loo arko wakhti iswaydaarsi dhaqan iyo is hodmin, dhab ahaan, waana arrin asaasi u ah dhisdda muwaadin caalami ah. Isu dhawaanshaha iyo isla falgalaka qofafku wuxu keenayaa inay ka dhalato “duni nool” oo caalami ah, oo ay dadkeedu ka soo kala jeedaan baho dhaqan oo kala wada duwan, oo u saamaxasay inay wadaagaan isna dhaafsadan dhexdooda khibardo, Isfahan, kalsooni, (ma ah uun inay kalsoonidarro kala faa’idaan).
Diraasad u soo saaray Jytte Klausen, oo magaceedu yahya “The Islamic Challenge: Politics of Religion in Western Europe/ Taxaddiga islaamka: siyaadaha diinta ee Galbeedka Yurub, wxay muujisay inay “muslimiinta cilmaaniyiinta” ahi ee Yurub oo ka kooban “kumanaan qof oo si firfroon uuga dhex muuqda siysaadda, warbaahinta, ganacsiga, diinta, urudada bulshda riyadaka ah” inay u muuqdaan inay si u buuxda u dhex galeen <bulshooyinka ay ku dhex noolyihiin>, waxay xidhiidha toosa la yeesheen dhaqankii aqlabiyda, xag dhaqaale ahaan, iyo xag bulsho ahaanba, sida xidhiidho saaxbitinimo iyo mid guur, iyo xidhiidh wal oo qofi yeelna karo.(8)
Waxa la filan karaa in qaabka musliininta Yurub joogtaa u noolyihiin ay farqi ku keeni karto sawirka daabaqeed(1) ah ee Qaaradda Yurub ay ka haysto muslimiinta, laakiin waxay u muuqtu in uusan arrinku sidaa ahayn, taa badelkeeda, muslimintaa badanooda waa la is indho marayaa, sidii in ayna qayb ka ahayn musliimnta <uu Galbeedku diraaseeyo>, si cad haddaan hadalka u dhigno, noloshooda “dabiiciga” ah awogeed marnaab warbaahinta u soo joogsi ma siiso, taa waxa ka sii daran, ma dhacdo badanaa in qaarkood laga dhigto hagayaal, si ay Yurub uuga kaalyaan inay ka hesho muslimiinta sawir ishaysta oo muujinay dabaqadaha kala duwan ee muslimiinta, iyo kala duwanaashahooda, taa baddelkeeda, waxa musliimta oo dhan la ga la soo dhexbaxaa sawirka kooxo aad u yaryar oo xagjir diimeed ah, kuwaas ayaa warawarka waawayn ee warbaahinta lugu soo qaataa, iyo kooxo musliin quxuunti ah oo iska hayin ah oo aan cidna dhibin, laakiin kuwooga muuqaalkooga guud la soo baxa (sida xijaabkooga, gadhkooda, salaadahooga) waxay u muuqdaan inay xasaasiyado ku kiciyaan caddaanka Yurub, Muslimiinta aan tilmaamyaa waa jiilashii horeeyay ee quxootiga, kuwaas oo inta ay u ordayaan inay afafka Yurub ku hadalan, si ay u helaan shaqooyin sugan, iyo qaab nololeed dabiici ah, isla jeerkaa mudnaan siin jireen inay baraaktis gareeyaan waxyaalo ka mida dhaqnada wadamadooda, sida cuntada, mawdada, duquusta, iyo shacaa’irta diinga ah ee gaarka ah.
Iyagoo isku dayaya inay sii joogaan, oo ay koraan, oo ay bulshooyinkaa iyo dhaqaalahooga nacaybka u muujiaya ay qayb ka noqdaan, quxuuntaigaas waxay dareemyaan inay ku qasban yihiin inay la soo noqdaan waxyaalahoogi u gaarka ahaa, oo ay ku laabtaan kooxahoogi afeed iyo diineed, markaasay samaystaan xidhiidho dhaqaale oo aan rasmi ahyan, iyagoo kooxo asxaab ah isu uruursada; xaafad ahaan ama inta iskugu timaadda qololka salaadaha; wadicga dhaqaale ee aan sida wanaagsan u sugnayn, iyo mujtamaca martida ay ku yihiin ayaa ku qasaba dareemaan inay wadanka laga hagrdaayal ku yihiin <margins>.
Humaaga Mustashriqiinta cusubi, wuxu u arkaa muslinka raacaha ah <subaltern> inuu yahay daliilka u caddenaya sarrentooda iyo isla waynidooda, oo ay doonayaa in dunida islaamka oo idil ku sii fidyaan, -waana sawirka ay bixiyaan warbaahinta xoogga leh, Hollywood, iyo xarrumaha siyaasadduba, sidaa awgeed baa la iskugu xidhaa Daacish ama Alqaacida iyo islamka, markaasaa haddana lugu sii xidhiidhayaa muuqallada dumakra xijaaban ee wadooyink Amsterdam ama Berlin maraya, waxa markaaba maskaxda ku soo tuuraysaa sawirkii ha inay musliintu yihiin lidka dhaqan ee Yurub. <Europe’s cultural Other>.
Dhab ahaan sidaasay carro-edgaynta ba’ani Yurub uugu dhigtay qaarad kala duwaansho isir leh, Tayaarka Yurub waxaa horayaalla inuu qiro lana heshiis noqdo isbaddelkaa taariikheed; waaqic ahaanna, Yurub kala duwaanshaha isir ee ka jira wuxu ka dhiganthay sidoo kale, muwaadiin kala diimo duwan, taasi waxay keenaysanaysaa in la ictiraafo waaqicinimada masaajida, iyo minaaradaha, iyo xijaabka, iyo xitaa niqaabka, meelaha guud iyo dhinacyada kaniisadaha, iyo macaabiddaba lugu ag gashan karo, taasi ha ina cajabso ama yaysan ina cajibine. Muuqaladdii nololeed ee “Bari” maanta waxay noqdaan waaqica Caalamka Galbeedka, maalin maalmaha ka midana waa la maxalliyayn doonaa, sida cuntooyinka koonfurta Eeshiyaba Ingiriiska looga maxalliyeeyay, ama cricket-ka ingriiska looga maxalliyeeyay Hiniyda.
(1) Erayga qoruhu adeegsaday waa stereotype. soojeedinta Cabdicasiis Guudacadde ayaan qaatay ee ah, daabaqaad; micnaha loo jeedaana waa sawir maskaxeed aan bi’in oo laga qaato cid ama shicib oo lugu xukumo, tusaale ahaan in soomaalida lugu dhajiyo sawir ah inay yihiin dad macaluulaysan. (T)
(2) Halkan kagama hadlayo, istashraaqa: orientalism wata xaraf “o” yar, oo ka dhigan dadka shaqo ahaan soo saara qoonta ku saabsan Bariga dhexe iyo Islaamka, se waxaan ka hdalyaan waa istashraaqa Orientalism oo “O” wayn, oo tilmaamaysa ha’aydo soo saara qoonta iyo awoodda qabsi <xukun> ee dadka kale, oo gadhka iskula jira, taa waxa ka soo horjeedda, qaar badan oo Akaadmayinta Reer Galbeedka ahi ama saxafiyiintooda wax ka qora bulshooynka iyo dhaqannada Bariga dhexe, oo si cad uuga baxsan kuwa soo hoosgalaya magaca istashraaqa Orientalism. Si kale haddaan u idhaa, mustashriqiinta (xarfka o-da yari) ma aha mustashriqiinta (xarafka O-wayn) <not all orientalists are Orientalist> (qoraha).
(3) In A. L. Macfie, Orientalism: A Reader (Edinburgh University Press, 2000), p. 11.
(4) Macfie, Orientalism, ibid. pp. 14-15.
(5) Waxa aan si wayn uugu mahadnaqayaa Professor Kenneth Cuno oo qodobkan igu baraarujiyay.
(6) Macfie, Orientalism, ibid. p. 28.
(7) Ibid
(8) Jytte Klausen, The Islamic Challenge: Politics of Religion in Western Europe (Oxford University, 2005)

















Comments