Qof aan Yurubbiyaan ahayni ma Fekeri Karaa?
- Apr 28, 2018
- 8 min read
Updated: Mar 19, 2021

{Maqaalkan waxa bilowgii lagu faafiyay degalka Aljazeera, Feb 2013, dood badan ayuu dhaliyay sannadihii ka danbeeyay. 2016kii wuxu Xamiid Dabaashi soo saaray buug isla cinwaanka maqaalkan wata, gorfeyn buugga ku saabsan halkan ka akhri}.
Fayalasuufka reer Yurub ee caanka ah, Slavoj Zizek, ammaan qurux badan oo u dhawaan ku faafiyay degalka Aljazeera, waxaa ka mid ahayd:
"Maanta waxaa jira faylasuufyo badan oo firfircoon muhiimna ah: Judith Butler oo Maraykan ah, Simon Critchley oo Ingiriisi ah, Victoria Camps oo Isbaanish ah, Jean-Luc Nanc oo Faransiis ah, Chantal Mouffe oo Baljiikaan ah, Gianni Vattimo oo Talyaani ah, Peter Sloterdijk oo Jermal ah, Slovenia waxaa ka soo jeeda Slavoj Zizek, haba sheegin iyana kuwa ka shaqeeya Baraasiil, Ustaraaliya, iyo Shiinaha."
Faqraddan bar bilowga ah, akhristuhu markiiba waxuu ka biyo-diidayaa yurubsanaanta qayaxan, iyo xaglinta cad ee ka muuqta qoraaga arrimaha uu ku sheegayo inay tahay “falsafadda maanta”, isagoo andocoodskiisa ku qotomiyay ahaanshaha iyo wakhtiga Reer Yurub, labadaas oo dhab ahaan ah wax u gaara reer Yurub.
Xitaa Judith Butler oo u soo qaatay tusaale matalaya Maraykanka, waxa run ahaan lugu tiriyaa inay tahay midhihii waxsoosaarkii falaasifida Reer Yurub; oo fikradaheeda waxay dhacaan meel u dhexaysa Derrida iyo Foucault; labaadaas oo dejiyay fahannada aan ka haysanno, jinsiga iyo galmada (gender and sexuality).
Dabadeed, waxa la sheegay Shiinaha iyo Baraasiil, (iyo Australia, oo lugu tiriyo inay fiditaanka Yurub uun ay qayb ka tahay), sidii inay yihiin dhulal faylasuufiyo leh, oo mudan in la sheego, laakiin, waxa cad in ayna cid magac dheer lehi ka soo if-bixin, oo gaadhsiisan heer la sheego, oo la babac dhigo fayalasuufyada Yurub ee la soo taxay.
Su’aashu dhab ahaan ma aha caalamiyada aragtiyaha falsafadeed ee ay qabaan faylasuufayadan waawayni, (iyo dabcan kuwa Maraykanka ah ee kalkaaliyaasha u ahi) ee kulmisay faylasuufyadan, fikradahaas oo laga yaabo in ay dad koornayaasha Afrika jooga, iyo tuulooyinka ugu fogfog ee Hindiya iyo Shiinaha iyo Laatiin Ameerika, iyo Caalamka Carabta iyo ka Muslinkaba, (<<ee fog ee durugsan>>, waa marka indhaha mala awaalaka ah ee Yurubaysan lugu eego e) inay bartaan, oo ay si wanaagsan ugu fahmaan noloshooda.
Taasi waa biyo kama dhibcaan; waayo, haddii ayna jiri lahayn isku kalsoonidaa iyo jiritaan-ogaalkaasi, waxa dirqi ugu suuragali lahayd fayalsuufaydaa iyo dhaqannadaa fasafiaga ahi, inay soo bandhigaan sheegashooyin caalami ah, oo ku saabsan nidaamkeenna aqooneed ee nacaska ah. Umana aysan suuragasheen inay isdul qotomiyaan qalin iyo warqad, ama farahooda may saareen kiiboodhka, si ay eray u qoraan.
Mufakiriinta ka baxsan Yurub
Mafukariintaasi kaligood ma aha fayalsuufyada qamaamuurta ah <ee dunida jira>. Falsafadda ay raacaan waxay gaadhsiisan tahay heer go’an oo ah isku kalsooni soo jeedda, taas oo la'aanteed ayna suuragal u noqoteen mufikerna, in uu sheegto caalaminnimo.
Markay sidaa tahay, su’aasha meesha ku jirtaa wax kale noqon mayso aan ka ahayn: aaway mufakiriintii kale ee iyagu ka baxsanaa isirka falaasifada Yurub, kuwaas oo fikirkoodu ku qoran yahay afafka Reer Yurub ee ay gumaystihii ka dhaxleen, ama afafkooda hooyo ee u gaarka ha ku qornaado e; Hana kala joogaan Eeshiya ama Afrika ama Laatiin Ameerka e; mufakiriintaas oo mutaystay magac xushmad leh, amaba loogu yeedhi karo inay yihiin indheergarad guud (public intellectual), kuwaas oo aan ka liidan Hannah Arendt, Jean-Paul Sartre, iyo Michel Foucault, oo uu Zizek maqaalkiisa Aljazeera uu isugu muujiyay inuu tafiirtooda ka soo jeedo?
Mufakiriintaa ka baxsan xayndaabka falaasifada Reer Yurub, sideebaynu u sheegnaa, oo aynu u magacawnaa, oo aynu ugu maamuusnaa magaca <indheergarad guud>, oo aynu wax uga barannaa, casrigan warbaahinta edegaysan aynu ku jirno?
Ma tahay in koox mufikeriinta Koonfurta Eeshaya ka soo jeedaa ay is urursadaan, iyagoo ay ka dhex muuqdaan magacyo qamaamuura, sida Ashis Nandy, Partha Chatterjee, Gayatri Spivak, Ranajit Guha, Sudipta Kaviraj, Dipesh Chakrabarty, Homi Bhabha, iyo Akeel Bilgrami, oo intay isu yimaaddaan, ay dhisaan bu’ fikireed u saamaxaysa inay ahaanshahooda ku baraarugaan? Ma mutaystaan kooxdan falaasifada ahi erayga “fekeraad”, qaab u oggolaanaya midkood–sida qof Koonfurta Eeshiya ka soo jeeda--in uu qaato magaca “Faylasuuf” ama “indheergarad guud”?
Mufakiriintaasi ma “Mufakriin Reer Koonfur Eeshiya ah” baa mise waa “Mufakiriin <kaliya>”, oo la jaada kuwa Reer Yurub? Maxaa Hindhisada Mozart u noqotay “music”, halka miyuusigga Raajiga Hindigua, ee inta badan ka horumarsan, luugu tirayaa mawduuc khuseeya cilmiga miyuusigga qolo gaara, <<ethnomusicology>>?
Qaybintaas qoloqolaysani ma ku dabbaqmaysaa iyana fekerka falsafiga ah ee Faylasuufyada Hindiya, heer ka dhigaysa fikirkooda mawduuc diraaso <subject of study>, iyo u kuurgalid antrabalooji, oo ay u kuurgalaan Reer Galbeedka Yurubta iyo Maraykanka ahi?
Bal dib aynu u sii jeedsanno, oo aynu jalleecno Afrika, bal ka warrama mufakiriinta sida: Henry Odera Oruka, Ngugi wa Thiong'o, Wole Soyinka, Chinua Achebe, Okot p'Bitek, Taban Lo Liyong, Achille Mbembe, Emmanuel Chukwudi Eze, Souleymane Bachir Diagne, V.Y. Mudimbe: Ma mutaystaan inaynu ugu yeedhno “Faylasuufyo” iyo “indheergarad guud” mise iyana waxay ku abtirsadaan uun fasalad qawmiyadahooda u gaar ah <ethnophilosophy>?
Maxay Falsafadda Reer Yurub u tahay <<Falsafad>>, halka Falsafadda Afrikaanku u tahay, mid u gaara qawmiyad, isla sida looga dhigo miyuusigga Hindiga ah miyuusig qawmiyad <ethnomusic>?!
Waa isla caqliga uu ku qotomo arrinta aad ku arkayso haddii aad booqato matxafka New York, ee taariikhda dabiiciga ah, (ee lugu xaysiiyay filimka Shawn Levy: Night at the Museum [2006]). Qofka tagaa waxuu ku arkayaa dugaag, iyo shucuubta aan caddaanka ahayn, iyo dhaqannadooda oo lagu riday qafasyo quraarad ah, halka dadka cad iyo dhaqannaadooda xagga sare uusan qafas kaga xidhnayn, dadka cadi waxay iska damaashaadayaan meelaha marinnada ah, oo ay ku raaxaysanayaan, daawashada dibiyada la soo xidhxidhay si loo daawado <Taxidermy>, iyo noolayaasha kahfiyada, maroodiyda, Iskiimooga <Eskimos>, lo' gisida, iyo Dadka Maraykanka Dhaladka ah, iyagoo dhammaantood saf kaliya oo kala sarreeya la soo tubay.
Isla aragtidaa qawmiyadeed ayaa sii caddaanaysa marka aynu eegno fikirka caalamka Carabta iyo ka Islaamka: Casmi Bishaara, Saadiq Jalaalal Cadm, Fawaaz Daraablusi, Cabdallal Carawi, Meesheel Kiillo, Cabdilkariim Saruush, iyo liis mufakiriin qamaamuura oo aan dhammaad lahayn.
Jabbaan Iyana waxa jooga Kojin Karatani. Kuubana Roberto Fernandez Retamar, xitaa Maraykan, oo ay joogaan dad la mida Cornel West, oo aysan dhammaantood fikirkoodu soo hoos galayn dhaqan qaaradeedka Yurub; kuwan bal ka warrama? Fikirkooda halkeen dhigi karnaa? Suuragal ma tahay inay fekeraan? Waxay samaynayaan ma la xidhiidhaa fekerrada falsafadeed? Mana u cuntmaaan–sidoo kale-diraaswdaha iyo cilmibaadhista isirbaadhka (ethnologyga) ah?
Islaweynaanta Reer Yurubku waa masalo cad maanta, Reer Yurubku waxay ku suntan yihiin qab been ah, iyo inay caalamka ka eegaan indho duuga. Oo maxay sidaa u noqon waayeen? Sow may dhaxlin Imbaraadooyriyadihii faraha badnaa (ee maanta wada dabar go’ay). Laakiin weli waxay maskaxdooda ku xanbaarsan yihiin islaweynidii beenta ahayd, ee ay imbaraadooriyadahaasi lahayeen.
Waxay aaminsan yihiin inay falsafaddooda gaarka ahi uun ay tahay “falsafad”, fekerkooda gaarka ahina uu yahay “feker”, wax kasta oo kalana uu yahay--<<kaliya jaas/Niiko>--sidii uu odhan jiray Faylasuufkii weynaa ee Immanuel Levinas.
Haddaba waxa habboon inay wayddiintu noqoto, suuragal ma tahay inay gaadho dariiqada ay u fekeraan dadka aan Reer Yurub ahayni heer ku baraarujinaya wacyigooda ahaansho, iyo caalaminnimo cad, ma aha uun iyadoo laga duulayo maxay ugu fekerayaan falaasifada Yurub, nafahooda, iyo caalamka oo idilba, se; in la soo bandhigo badiil, iyo aragtiyo waaqica ku xididaysan, iyo waaya-aragnimada ay la nool yihiin dadka Afrika, Eeshiya iyo Ameerikada Laatiin ku nool, (kuwaas oo isdhammaystiraya amaba iska hori manaya) dawladahaa iyo dadyawgaa oo beri hoos tagi jirtay awoodda waxii la odhan jiray (Reer Galbeedka), oo nasiib wanaag aan jirin maanta.
Jidka fekerka cusub ee adduunayada oo dhani ma aha mid shuruudaysan maanta, wakhtigeenan wax waliba degdegga ay yihiin, iyo goobaheenna kala gaddisan, laakiin wuxuu leeyahay xeel dheeri kale oo ballaadhan, oo dib ugu laabanaysa jiilashii hore ee mufakiriinta, ka soo bilow José Marti ilaa Jamal al-Din al-Afghani, soo wad ilaa Aime Cesaire, W.E.B. DuBois, Liang Qichao, Frantz Fanon, Rabindranath Tagore, Mahatma Gandhi, iyo kuwa kalaba.
Sidaas oo ay tahay, su’aashii wali way ina hor taallaa: maxayna u jirin qaddarin la siiyo “falaasifada”, aaway fuduulkii antarbalooji ee falsafadda qawmiga ahi <ethnophilosophy>?
Aynu xalka ka baadhno Yurub laftigeeda, laakiin; Yurub kale oo dahsoon.
Indheergaradka oo ka dhigan dabaqad Caalami ah
Xasuus qoraalkiisi xabsiga waxa uu Antonio Gramsci gorfayn yar ku samaynayaa weedha Kant ee caanka ku ah buugiisa Groundwork of the Metaphysics of Morals (1785), kaas oo lagu tiriyo inuu si weyn u sargooyay fahanka aan ka haysanno sida uu Faylasuufku naftiisa caalami ugu aqoonsado, iyo sida uu naftiisana uga aqoonsado inay tahay halbeegga iyo miqyaaska koobsashada. Qoraalka Garamsci ee aan u dan leennahay, qodobkan, wuxa uu u dhigan yahay sidan:
(Weedha Kanta ee ah “Hab-dhaqankaagu ha noqdo mid u noqon kara qaacido ay raacaan cidda duruuf kula jaada ah ku jirta oo idil” way ka fududdahay kana cadcaddahay sida ay kuula muuqanayso marka u horreysa, laakiin muxuu uga jeedaa “duruuf kula jaada ah”?)
Waxa shaki la’aana sida ay tilmaameen Quintin Hoare iyo Geoffrey Nowell Smith (oo ah tifaftirayaasha iyo turjumayaasha afka Ingiriisiga u turjamaya xasuus qoraalka xabsi ee Garamsci) in xaqiiqo ahaan, si khaldan looga soo weriyay eraygaa Kant. Weedha “duruuf la jaad ah” naska asliga ah kumaba jirto, laakiin, taa badelkeeda Fayalsuufkan Jermalka ahi wuxuu leeyahay “waligay u dhaqmi maayo qaab kale, si aan awood ugu yeesho inaan ka dhigo weedhayda sharci caalami ah”, mabada’an waxaa la yidhaa “daruuro lama huraan ah/ the categorical imperative”, waxayna udub dhexaad u tahay seeska dhabta ah ee akhlaaqda, sida uu qabo Kant.
Sidaa darteed, marka uu Kant qorayo “sharci Caalami ah” wuxu Garamscina qorayaa “qaaciido baniaadanka oo idil ay tahay inay raacaan”, haddana waxa uu ku sii darayaa “duruufo la jaad ah” oo dhab ahaanna naska asliga ee jermalka aan ku jirin.
Khaladkaa soo xigasho waa mid la hubo halkan, sababta uu Garamascina u soo dheegtayna waa awoodda Kant u leeyahay inuu yidhaahdo waxa uu doono, iyo inuu u soo bandhigo suluuggiisa gaarka ah sidii inuu yahay halbeegga caalamiga ah ee akhlaaqda, waxay ka dhigan tahay <<weedha Kanta inay bilow ahaanba kazoo qaadayso <presupposes> jiritaanka dhaqan kaliya, diin kaliya, iyo hoggaansan kaliya, <adduunka oo idil>. Weedha Kanta waxay la xidhiidhaa wakhtigiisa, iyo maanfurankii caalamka, fahanka uu halkan sargoynayo qorahuna, wuxu la xidhiidhaa, si kooban, falsafadda indheergaradka, oo ka dhigan dabaqad caalami ah>>.
Waxa uu Gramacsi ogaanayaa, dhab ahaan, isagoo ah Talayaani reer Koonfureed ah, oo ku il daran qalcadihii faashiyadii Yurubeed, waa waxa aanu u noqonaanno markaynu Brooklyn joogno, saagarnimo <chutzpah>, waana adoo is mooda inaad tahay xudduntii kownka <the centre of universe>, iyo kalsoonida qofeed ee uu bidayo faylasuufku xirfaddiisa iyo fekerkiisa uu gaarka ah; oo dusha u ridanayo sheegashooyin waaweyn oo faalal ah.
Sidaas darteed, cidda sheeganaysa inay wakiil ka tahay, waa cid xanbaarsan “duruufta la jaadka ah” iyadaana abuurta, dhab ahaan, waxayna taasi ka dhigan tahaym inay “qasab” tahay in loo dhaqmo hab “muunadeedka" uu jeclaan lahaa inuu ku arko isagoo ku faafsan biniaadanka oo idil. Si ugu shaqeeyo hannaan waafaqsan nooca xaddaaradda ku munaasibka ah kuwa soo socda, iyo maxmiyaatka “iska caabbinaya” awoodaha ugu hanjabaysa inay kala daadiso.
Kalsoonidaa nafeed iyo wacyigaa ahaansho, waa kuwa dhab ahaan ka dhigaya qofka inuu ismoodo inuu taariikhda wakiil ka yahay, iyo inuu ismooda in fekerkiisa u gaarka ahi uun u yahay <feker>. Xagga caalamannimada, falsafaddiisa uun ay tahay <falsafad> barxadda magaaladiisuna ay tahay <saaxadda dadweynaha / The Public Space>. Sidaa awgeed wuxu indheergaradka guudna isu aamisana yihiin in caalamka laga ictraafsan yahay.
Halkaas waxa xidhiidh dhismeed toos ahi uu ka dhexeeyaa imbaraadooriyadihii, iyo fareemkii marjiciyadeeed ee iimbaraadooriyadahaas, iyo ismoodsiiska caalamnimo ee uu isa siinayo mufakirka gosha kaga jira imbaraadooriyadahaas.
Sida ay dadka kaleba xaalkoodu yahay, Yurubiyaanku way u qalmaan kibirka Yurubaysan ee u gaarka ah.
iskibrinta imbaraaliyaaladeed ee dhashay islaweynaanta Yurubaysan, oo wali soo saarta kuwa dacaayadahooda allifa, sida Zizek-gan aynu wuxu Aljezeera ku qoray akhriyayno, waxay matalayaan xasuusta malawaala ah, oo wakhtiyadii uu xoojinayay <galbeedku> kalsoonidiisa iyo dareenkiisa kowniga ah, oo caalamnimadiisa soo bandhigayay, ama sida uu Garamsci yidhi "waxaannu u shaqaynaynaa inaannu u soo saarno, nooc ka mida xaddaarad soo socota."
Laakiin caalamnimadaasi ma jirto maanta, dadkuna jawiyo iyo qaarado ayey isaga kala gooshaan, si xor ah, iyagoo u jihaysta sheegashada inay adduunyadooda u gaarka ah ay iyagu caalaami ka yihiin. Taa waxa wehesha awoodda fidriga ah ee loo leeyahay in la fekero iyadoo dibadda laga joogo jeelasha yurubaysan, ee wali ku heellan inay ka helaan macaan bug ah, oo ah in ay isku haystaan inay xudduntii kownka yihiin. <<Duruufta la jaadka ah>> ee Garamcsi dabbaqaaddeedu maanta waxay ka soo if baxaysaaa meelo badan, oo aadanahu xor noqday.
Caalamka oo idil wuxuu ku socda isbeddel, siiba caalamka Carabta iyo ka Islaamka, waxaana ka dhashay isbeddelladaas inuu isbeddel weyni ku dhaco xarumaha khiyaalka akhlaaqeed iyo siyaasadeed. Iyo mufakiriintooda iyo gabayaagooda, iyo fannaaniintooda iyo indheergaradkooda guud; oo u fekeraya, una shaqaynaya si waafaqsan isbeddelladaa, jawi maxalli ah oo ku faruuryo xidhan juquraafiyadooda hadda ay ku nool yihiin, iyo cawaaqibta ka dhalan karta isbeddelladaas caalamiga ah.
Haddii aynu barbardhigno fatahaadaha sunaami ee gobannimadoonka ah ee maanta dunida mijaha madaxa ugu rogay, malaha (assumption) ay la il daran tahay Yurub, iyo fekradaha qalalsan ee yaalla, iyo saldanadaha falsafadeed ee gobollada ku sii badanaya, waxay noqotay <Yurub> waxa aan dhaafsiisanayn gufar hadhaa ah oo koob ku hadhay. Yurub waxay u socotaa hoos dhanka kudarsiga ay ku lahayd bashariyada si guud. Laakiin sida ay wada yihiin qaaradaha iyo ummad kale oo idil, waxay wali leedahay Yurub wax ay caalamka kale bari karto. Laakiin maanta taasi waxay u dhici doontaa heer intaa in badan ka xeel dheer, haddii loo dhigo qaab ciyaar dimiqraadiyadeed ah, oo ay noqoto falsafadeeddu <falsafad Yurub>, miyuusiggooduna uu noqdo miyuusig marka la joogo Yurub, ee uuna ahayn <music <kaliya>>. Marnabana loo ma baahna maanta cid dacaayaaddaa fidiyeen ka noqota, ama daacaayad wadayaal u suuqgeeya mufakariinta inay yihiin "Indheergarad guud”.

















Comments